Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Mark Rutte, ayaa si rasmi ah loogu doortay inuu noqdo xoghayaha cusub ee NATO. Hay'adda sadaalinta hawada ee magaceeda loo soo gaabiyo SMHI ayaa soo saartay digniin ku saabsan khatar sare ee ah dab in uu ka kici karo keymaha iyo dhulka. Waxaa dhasha carruur yar oo qaba cilladda Down syndrome-ka manta markii loo barbar dhigo 20 sano ka hor.
mié 26 jun 2024
2 : 45 min
Wararka maanta ee Raadiyah Iswiidhen
Qiimaha cunnada ayaa ah mid si aad ah u kor ugu kacayo. Hanjabaadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah shaqaalaha asluubta iyo maxaabiista kale ayaa ku kordhay xaruunta daryeelka ama dhaqanceelinta dembiilayaasha ee Hall. Cilmi-baaraha Swedish-Iraniga ah, Ahmadreza Djalali ayaa maanta oo Arbaca ah ka bilaabaya mudaaharaad cuna-joojin ah gudaha xabsiga ku yaalla dalka Iran oo uu kaga soo horjeedo xukluumadda Sweden
mar 25 jun 2024
3 : 02 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Nin 20-meeyo jir ah ayaa 12 saacadood la haystay bishii Diseember waxaana loo geystay xadgudub. Caawa ayuu biloowanaya todobaadka Almedal, waa todobaaad oo tusaale ahaan, hogaamiyayaasha xisbiyada iyo madaxda kale ee bulshada ay isugu yimaadaan magaalada Visby ee gobolka Gotland. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa hadda heshiis ku gaaray cunaqabatayn kale oo ka dhan ah dalkaasi Ruushka oo ay safiirrada dalalka Midowga Yurub ku heshiiyeen todobaadkii hore.
lun 24 jun 2024
2 : 49 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Rajo aan wanaagsaney oo laga muujiyey khilaafka u dhexeeya garabyada ururrada shaqaalaha caafimaadka iyo shaqo bixiyeyaasha. Maamulka boliiska Örebro oo u mahadceliyey bulshada. Afar nin oo loo qabtay isku day dil.
jue 20 jun 2024
2 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xatooyada dukaannada lagu hayo oo kor u kacday boqolkii ba 20, marka loo barbardhigo sannadkii 2021. Ciyaaraha kombiyuutarrada iyo isticmaalka aaladaha bulshada iyo natiijada iskuullada oo hooseeya ayaa isku leh saameeyn muuqata. Isticmaalka iswiidhishka ee cusbada oo aad uga sarreeya xadka maalintii loo baahan yahay in la isticmaalo oo ah 8 garaam.
mié 19 jun 2024
2 : 37 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wiil 16 jir ah oo uu ku dhacay xukun iskuday dil, kadib toogasho nofember 2023 ka dhacday tabakaayo ku taalla Göteborg. Shirkadda jarmalka ee LIdl ayaa doonaysa iney Sweden ka furto boqol dukaan oo cusub.TT. Qoys ku dhaqan degmada Solna ayaa lagu ganaaxey 45 000 oo karoon, kadib markay carruurtooda geeyeen iskuul ku yaalla dalka Taayland, inkastoo ey diidmo ka heleen degmada oo ula jeedday inuu ka horimanayo xeerka waajibka iskuulka.
mar 18 jun 2024
2 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maxkamadda racfaanka ayaa adkeeysay xukunno horey loogu ridey afar qof. Shaashadda Tiktok ayaa xirtay bogaggii sirta ahaa ee xisbiga Sverigedemokraterna uu ku lahaa. Waddammo dhowr ah ayaa casriyeeyneya keydadkooda hubka nukliyeerka, sida ku cad warbixinta machadka iswiidhishka ee baarista nabadda ee loo soo gaabiyo Sipri.
lun 17 jun 2024
2 : 29 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
dibadaha loo dhoofiyo ee ka yimaada dembiyada abaabulan oo sii kordhaya. Danjire matala dalka Ciraaq oo khamiistii looga yeerey wasaaradda arrimmaha dibadda Swden. Dadka dhiigga yabooga oo tiradoodu hoos u dhacdey.
vie 14 jun 2024
1 : 46 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Labo nin oo Swedish ah ayaa la sheegay in lagu xukumay dil dalka Ciraaq. Iskuul ku yaal Malmö ayaa jabiyay sharciga takoorka. Barasaabka gobolka Kronoberg Maria Arnholm ayaa sheegtay in ay xog khaldan ku siisey warbaahinta. Hayada saadasha cimilada ee SMHI ayaa digniin jaale ah ka soo saartay roobab mahiigaan.
jue 13 jun 2024
2 : 34 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Suuqa shaqada ayaa la filayaa inuu sii wiiqmo 2024. Shabakadaha dembiileyaasha Sweden ayaa ah khatarta u ah dunuubtaugu waaweyn ee ka dhaca waqooyiga dalka Norway. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa soo jeediyey in carruurtada'doodu u dhexeeyso 6 illaa 9 sannadood in loo loo ogolado iney qeyb ka noqdaan goobaha firaqada iskuulka dabadii. Carl Bengtström oo bilad ku guuleystay jebiyeyna rikoodh.
mié 12 jun 2024
2 : 40 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
David lång oo ka tagay xilka xubinimada barlamaanka Iswiidhen. Xeer ilaaliye lagu soo oogay dacwad. Tirada wicitaanada Xarunta Macluumaadka Sunta ee ku saabsan curiyaha naytrojiin oxid NO2 ama lustgas oo kordhay. Tan iyo intii boolisku hirgaliyey aaga amaanka ee xaafada Hageby ayay qabteen maandooriye.
mar 11 jun 2024
2 : 54 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wakaaladda canshuuraha iyo diiwaangelinta oo wax ka bedeli doonta nidaamkeeda diiwaangelinta.Boliiska oo hoos u dhigay baaristii shilkii ey ku geeriyoodeen laba waayeel oo ka dhacay dekedda nawaaxiga Furusund magaalada Stockholm ee jasiirradaha skärgård.David Lång oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa kulankii xalay ee xisbiga SD ku luuqeeyay hees jarmal ah oo faqooq xambaarsan.Siddeed qof oo shalayto rumaanka la dhigey.
lun 10 jun 2024
3 : 35 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Labo qof ayaa loo xidhay ka dib dilkii fanaankii rap-ka ee Gambelo. Shirkada tareenada SJ oo soo bandhigtey 200,000 tigidh xiliga xagaaga. Masraxa tiyaatarka kunguliga Opera oo lagu ganaaxay 3 milyan oo karoon oo ganaax ah. Diyaaradaha ciidamada Iswiidhen oo Gaashaanbuurta Nato la sameeyneya hawlagalo.
vie 7 jun 2024
2 : 23 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
10 qof oo dhaawac ka soo gaadhay ka dib markii gaadhiga ardaydu saarnayeen gidaarkiisu jabay. Nin rumaan la dhigay oo lagu tuhunsan yahay argagixisinimo. Qasriga boqorka oo joojiyey xafladii lagu qaban jirey qasriga. Will 22 jir ah oo lagu xukumay xabsi daa'in.
mié 5 jun 2024
2 : 33 min
Wararka maanta ee raadiyaha Sweden.
19 jir ayay maxkamadda degmada Ystad ugu xukuntay xukun xabsi daa'in ah dil uu geeystay. Ninkan ayaan qiran dembiga. Goobaha lagu dabaasho dalka ee biyahooduna tayada leeyihiin ayey tiradoodu kor u kacdey. Heyadaha oo aan ku wanaagsaneyn iney xaqiijiyaan aqoonsiga qof Sweden safar ku yimaada.
mar 4 jun 2024
2 : 14 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Will 17 jir ah ayaa lagu soo oogay tuhun dacwad la xidhiidha inuu laba habeen gudahood ku dilay saddex qof. Iskuul ku yaala Nörkopping oo loo xidhay sababo la xidhiidha cimilada. 13 000 oo kalkaaliye caafimaad ah ayaa xirfadda shaqada isaga tagay sababo la xidhiidha galdaloollo dhanka deegaanka shaqada.
lun 3 jun 2024
2 : 16 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Ergeyga dalka Iran ee Sweden oo beenisey wararka sheegaya in Iran qorato dad rabshado ka sameeya Sweden. Tirada dadka ku xidhan xabsiyada oo korodhay sanadihii 2022-2023. Heyadda SMHI oo ka digaysa roobab iyo onkod deegannada Västergotland iyo Jönkoping.
vie 31 may 2024
2 : 22 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Subaxnimadii saaka ayuu booliisku faaruqiyay xero teendho ah oo ku taal jardiinada Lundagård, halkaas oo mudaaharaad ka dhan ah Israa'iil uu ka socday tan iyo 16-kii May. Tan iyo markay shirkadda SJ la wareegtay maamulka tareennada dusha mara ee gobolka Stockholm, kalsoonidu aad ayay u korodhay, sida uu qoray wargeeyska Dagens Nyheter.
jue 30 may 2024
2 : 50 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa X ku qoray in Sweden iyo Midowga Yurub ay filayaan in Israa'iil ay hakiso duulaanka Rafah si loo badbaadiyo dadka rayidka ah Lorena Delgado Varas oo ah xubin ka tirsan xisbiga Bidixda ee baarlamaanka ma xidhato shaalka falastiiniyiin marka ay ka doodayso aqalka Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa shaqada ka ceyriyay shaqaale ka tirsan waaxda isgaarsiinta ee xisbigaas,
mié 29 may 2024
2 : 05 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Labo dumar ah ayaa lagu xiray dalka Mareykanka, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dil. Isbeddelka cimiladu waxay keentaa xilliyada xasaasiyadda oo is beddela, taas oo ku adkeynaysa dadka xasaasiyadda faxalka iyo neefta qaba. Anders Persson, oo bare ka ah cilmiga siyaasadda ee jaamacadda Linnaeus oo diiradda saaraya Israa'iil iyo Falastiin, ayaa xafiiskiisa la burburiyay, sida uu sheegay Expressen.
mar 28 may 2024
3 : 04 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Markhaati lagu xukumay xabsi daa'in, tignoolajiyada cusub iyo raadadka DNA-ga ayaa daaha ka feyday. Sweden waxa laga bilaabay wax loogu yeedho golaha wax-akhriska cusub ee Sweden. Shantii sano ee la soo dhaafay, 3,3 bilyan oo karoon ayaa lagu bixiyay magdhowga caymiska ee la xidhiidha arrimaha burburka dabiiciga ah ee soo gaadhay 50,000 guri.
lun 27 may 2024
1 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Qofkii bas ku raaceeyaa maanta gaariga lugaha leh ee dhallaanka lagu kaxeeysto, waayeelka ee magaalada Stockholm ayaan u baahneyn iney lacag bixiyaan. Hase yeeshee uu isbedel ku dhici doonaa. Xulka qaranka Jekiyen ayaa ciyaarta xigta lakulmi doona xulka xulka dhiggooda Sweden ciyaarta xeegada barafka. Isniintii ayaa toogasho lagu diley nin xaafadda Bredäng oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm, iayadoona laba walaalo ah rummaanka loo dhigey.
vie 24 may 2024
2 : 46 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ubaxa lagu magacaabo majblommor ayaa sannadka rikoor cusub jebiyey oo la iibiyey 90 malyan oo karoon. Cilmi-baaris cusub oo lagu sameeyey Sweden ayaa lagu ogaadey inaanu qofku ka caafimaad badneyn haddii uu ku guuleeysto bakhtiyaanasiib ama uu lacag badan ku helo degdeg. Markii ugu horreeysay sannad iyo bar ayuu hoos u dhacay, hoos u dhicii iibsiga cunnada Sweden lagu samcadeeyo. Heyadda saadaalinta hawada - SMHI ayaa ka digtay halista dab ka kaca duurka goobo badan oo dalka ka mid ah.
jue 23 may 2024
2 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xeerilaaliyaha maxkamadda caalamiga dunuubta ee ku taalla magaalada Haag (ICC) ayaa codsaday in gacanta lagu soo dhigo dad ey ka mid yihiin madaxa xukuumadda dalka Israa'iil Netanyahu iyo hoggaamiyaha ururka Xamaas Sinwar. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa heshiis ku ah in dalka Yukrayn la siiyo 75 bilyan oo karoon.
mié 22 may 2024
3 : 25 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Dilkii toogashada ee dhowaan ka dhacay god buundo hoosteed ah ee xaafadda Skärholmen loogu geeystay nin ayaa u muuqda mid baaristiisu ay guul ku dhowdahay. Aabbe lagu eedeeyey inuu dhowaantan diley laba carruur ah oo uu dhalay ayaa qirtay maanta, sida lagu qorey Dagens Juridik. Xaalad degdeg ah ayey ku jiraan kalluunka maska u eg -ålen iyo kalluunka cascas ee badda Östersjön. Lammaane ku dhaqan Halland oo xabsi lagu xukumey, kadib dhibaatooyin ey u geeysteen ilmahooda.
mar 21 may 2024
2 : 33 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Labo qof ayaa la xiray ka dib markii toogasho lagu dilay saaka aroortii xaafadda Bredäng ee koonfurta Stockholm, sida ay booliisku sheegeen. Orodyahano badan ayaa aad u kululaaday markii ay ordeen Maaradoonka Göteborg sabtidii hore. Khatarta dabka cawska ayaa hadda u wareegtay woqooyiga dalka.
lun 20 may 2024
1 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Xukuumadda Sweden ayaa go'aan kale ku gaartay miisaaniyad hor leh ee taageerada bani'aadminomo ee carriga Qaaza oo gaarsiisan120 malyan oo karoon. Magaalada Stockholm ayuu boliisku gacanta ku dhigay dhowr qof, halka dhanka kalena dhowr guri baaris uu ku sameeyay. Xisbiga Liberalerna ayaa soo jeediyay in la joojiyo maalgelinta xisbiyada ee akaawnada qarsoodiga ah, kadib shaacintii uu barnaamijka Kalla Fakta ee ka baxa telefishanka TV ee uu ka sameeyay xisbiga Sverigedemokraterna.
vie 17 may 2024
2 : 23 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa labo ka mid ah shaqaalahooda u kala bedelaya waaxda isgaarsiinta ee xisbiga, ka dib markii telefishinka TV4 uu ka warbixiyay. Doorashada Midowga Yurub ayaa soo dhow, waxaana in ka badan 7.7 milyan oo kaarar codbixin ah loo diri doona sanduuqyada boostada ee dalka. Hay'adda caafimaadka dadweynaha , ayaa xukuumadda u xilsaartay inay si dhow u eegto saamaynta baraha bulshadu ku yeelan karta ee caafimaadka da'yarta.
jue 16 may 2024
2 : 38 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dabkii weynaa ee ka kacay beerta biyaha Oceana ee Liseberg horraantii sannadkan ayaa sabab u ahaa shaqo alxan laga waday halkaa. Qalab caafimaad oo qiimihiisu dhan yahay 14 milyan oo karoon ayaa Sweden u dirtay dalka Ukraine. Todobo qof ayaa subaxnimaddi hore loo qaaday isbitaalka kadib shil ka dhacay goobta shaqada ee warshada Dafgård ee Källby kuna taalla degmeda Götene.
mié 15 may 2024
1 : 47 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Nin 25 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ka dib markii uu jabiyay mamnuucid joogitaanka bartamaha magaalada Göteborg. Afar illaa shan qof ayaa shalay galab ka baxsaday mid ka mid ah xarumaha lagu haayo dadka ee Wakaaladda Socdaalka oo ku taalla degmada Märsta oo dhacda waqooyiga Stockholm. Tirada cusub ee xanuunka dhimirka ee dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 18-24 ayaa wax yar hoos u dhacday sannadkii hore, marka loo eego sannadkii ka horreeyay.
mar 14 may 2024
2 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Dukaammada lagu magacaabo 7-Eleven ayaa joojin doona iney sigaarka iibiyaan. Toddobaadkan ayaa la fileyaa cimilo wanaagsan oo qorrax leh iyo dabeeylo kulul, balse aanu weli xilligii kuleeyluhu iman. Waxaa soo gabagaboobey xilligii barnaamijka telefishanka SVT ee Qaxa ballaaran ee xayawaanka Älg-iga'', ahna xayawaan goodirka u eg.
lun 13 may 2024
2 : 25 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Qofku uma baahna inuu kaxeeynta baaskiilka u hasyto leysan kaxeen, balse waxaa jira shuruuc loo baahan yahey in la raaco. Isticmaalka kharashaadka qoysaska oo kor u kacay boqolkiiba 0.5 bisha Abriil. Maamule iskuul oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta wiil 8 jir ah oo ku geeriyooday dhaawac ka soo garay mar uu ka soo dhacay buur ikuulka ku taalla.
vie 10 may 2024
2 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Maxkamadda degmada Södertörn ayaa ku ridey laba nin oo dhallinyaro ah dilkii nin 30-meeyo jir ah. Barkood xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka ayaa qaba in fikirka ah in ururka midowga barwaaqasooranka Yurub EU uu ka sari karo xubinnimada waddan aan ku dhaqmeeyn nidaamka dimoqoraadiga. In ka badan barkood macaamiisha kireeysteyaasha ayaan guryaha ku heysan lacag caddaan ah. Guddiga masiibooyinka qaran ayaan baaris ku sameeyn doonin shilkii ka dhacay dekedda Furusund.
mié 8 may 2024
3 : 24 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Laba 16 jirro ah ayaa lagu xukumay dil ka dhacay xaafadda Handen ee nawaaxiga Haninge. Hal qof ayaa la xiray ka dib markii nin 40 jir ah lagu toogtay Södermalm ee magaalada Stockholm lixdii iyo badh fiidnimadii shalay Laba qof ayaa loo xidhay tuhun lacageed, ka dib markii ay Arlanda keeneen lacag ka badan hal milyan oo karoon.
mar 7 may 2024
2 : 49 min
Wararka maanta ee raadiyaha iswiidhen.
Ra'iisul wasaare Ulf Kristersson oo lagu dacweeyay guddiga dastuurka ee baarlamaanka. Ururka daladda daryeelka caafimaadka oo ku dhawaaqay in uu balaadhiyo xanibaadda iska hori-maadka socda ee ka dhexeeya shaqo-bixiyeyaasha degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan. Qiimaha oo kor u kacay bishii abriil 0,2 boqolkiiba marka loo barbardhigo bishii maarso ee ka horreeysay. Howlwadeennada Katamka oo gacanta ku dhigey maandooriye ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyey.
lun 6 may 2024
3 : 19 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Heyadda saadaalinta dhaqanka ayaa sheegtay iney 21 boqolkii hoos u dhaceen tirada dadkii booqanayey madxafyada. Xukuumadda oo isugu yeertey 50 heyadood si ey ugala tashato in la xiro ama heyado kala lala mataaneeyo. Tiro aad u hooseeysa oo laga heley xanuunka covid-19 gobolka Uppland. Sweden oo kaalinta labaad kaga jirta shaqa la'aanta dhallinyarada wixii da'dooda loo gaaro 25 jir ee waddammada xubnaha ka ah EU-da, waxaana keliya oo kaga sarreeya dalka Isbayn.
vie 3 may 2024
2 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kooxda kubbadda cagta Malmö FF ee ragga ayaa todobaadkan ku guuleystey koobka Sweden. Dembiilayaasha ayaa lacag ka sameeya ama ka hela iyagoo ku iibinaya warqado lacag ah oo been abuur ah baraha bulshada. Xukuumadda ayaa doonaysaa in dad badan, oo aan haysan dhalashada Iswidhishka, ee dembiyo lagu xukumo dalka laga masaafuriyo. Booliiska ayaa fasax u siiyay in bartamaha magaalada Malmö lagu gubo kitaabka Qur'aanka maalinta berito ah.
jue 2 may 2024
2 : 14 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Laga bilaabo 6-da bisha Maajo ayaa shirkadda Postnord maalin dhaaf u faaruqi doonto sanduuqyada boostada ee jaallaha ah. Naadiga Skellefteå ayaa 2 iyo 0 kaga badiyay naadiga Rögle isla markaana qaaday koobka horyaalka Sweden ee ciyaarta xeegada barafka. Nin 45 jir ee ku dhaqan Södertälje ayaa lagu soo oogay dacwad ah in uu dilay wiil uu dhalay oo 9 jir ahaa. Waalidka asal ahaan ka soo jeeda dalka dibeddiisa ayaan inta badan ogolaan taageerada ey laammaha adeegga bulshadu u fidiyaan.
mar 30 abr 2024
2 : 08 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Berrito ayaa la filayaa in hawada kulul ee xilliga gu'ga ay ku fidi doonto dhamaan dalka Sweden. Inkastoo hoos u dhac dhaqaale uu jiro, ayaa hadana waxaa jira shaqooyin badan oo xagaaga ah oo la codsan karo sanadkan. Gawaarida cusub ee booliiska ayaa la siiyay in ay nalal oranji ah ku rakiban yihiin saqafka sare ee gaariga. Isticmaalka maandooriyeyaayasha nooca kookeynta iyo midka loo yaqaan 'ecstasy' ayaa ku soo badanayafaras magaalaha Stockholm.
lun 29 abr 2024
2 : 30 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Aabe looga shakisan yahay inuu labo caruur ah ku dilay degmada Södertälje oo la xidhay. Tirada carruurta Iswiidhen ku dhasha oo yaratay. Dhimashada shilalka gaadiidka oo korodhay. Shirkada SAAB oo shaacisey inay macaashtay qaybta hore ee sanadkan.
vie 26 abr 2024
2 : 34 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Laga bilaabo maanta muwadiniinta Iswiidhen ee ku nool dibada way codayn karaan doorashada EU. 19 jir lagu xukumay xabsi daa'in halka gabadh 18 jir ah lagu xukumay 10 sano. Amiirad Victoria oo bilaabaysa layli sarkaal sarre. Kalkaaliso 20 sano ku shaqaynaysay shati la'aan Hor u codeeynta doorashada baarlamanka EU-da oo maanta ka bilowdey Sweden.Wiil 19-jir ah oo xabsi daa'in loogu xukumey maanta dil ka dhacay bartamaha magaalada Stockholm, halka gabar 18 jir ahna loogu xukumey 10 sannadood oo xarig ah isla felkaa.Gabadha iska leh dhaxalka boqortooyada Victoria tababar leyli sarkaal ka bilaabi doonta akadeemiyada difaaca, si ay u qaadato darajada sarkaalad.Haweeney muddo 20 sannadood ah kaga shaqeeyneeysay shati la'aan xirfadda kalkaaliyaha caafimaadka gobolka Jämtland Härjedalen, sida laga soo xigtay telefishanka SVT.
jue 25 abr 2024
2 : 35 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Qaraxyada ay geystaan dambiilayaasha ee lala beegsado guryaha fillooyinka iyo dabaqyada ayaa soo badanaya. Shirkadda tareennada SJ oo samayn doonta maalgashi ka dib markii dhaleecayn loo jeediyey. Shirkadaha caymisku waxay leeyihiin shuruudo kala duwan oo ku saabsan dadka la kulma falalka galmada.
mié 24 abr 2024
2 : 24 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Booliska mandiqaddaha waqooyiga Iswiidhen oo qariiradayn ku samayn doona raga rabshadaha ka dhanka ah dumarka sameeya. Qareen ka hawlgala Malmö oo xukun lagu ridey. Booliska oo ka digaya nooc cusub oo lagu xadayo xogta dadka.
mar 23 abr 2024
2 : 42 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Hal qof ayaa ku dhaawacmay shil wiish Magaalada Göteborg. Sannadihii 2019 iyo 2023 ayey wakaaladda bii'ada shaqada soo gaareen ku dhowaad 31 000 kiis oo la xiriira shilalka ka dhaca goobaha shaqada. Nin lagu tuhunsan yahay kiis tooriyeyn ah oo rumaanka la dhigay. Khalad la xidhiidha shaybaadhka oo ka dhacay cusbitaalka Umea.
lun 22 abr 2024
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Laba nin oo boliiska Malmö u gudbiyey dalab bannaanbax hor leh oo lagu gubeyo qur,aanka. Fanaaniin badan oo sheegay iney ka noqdee ka qaybgalka tartanka heesaha hirgalay ee Yurub. Magaalada Haparande oo dhacda waqooyiga sweden ayaa laba nin loo qabtay kaydsiga walxaha qarx oo aad u fara badan. Nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen.
vie 19 abr 2024
2 : 39 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wakaalada caafimaadka dadwaynaha ayaa aaminsan in dad aad u yar oo waayeel ah laga tallaalay cudurka safmareenka ee covid-19. Carruurta ka codsata waalidiintooda iney lacag ugu soo diraan aaladda Swish-ka ayaa inta badan u fuliya. Hanti dhowrka qarankuoo dhaleecayn ba'an u soo jeedinayaa dawladda. Ciidamada Sweden ayaa badda cas u diri doona ciidammo gaaraya ilaa 25 qof.
jue 18 abr 2024
2 : 37 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Habeennimadii talaadadii shalay ayuu gaari bartamaha u galay qolka fadhiga guri ku yaala magaalada Ängelholm. Maanta ayaa ku beegan sannadguuradii labaad kolkii dalka Iiraan lagu xabisay Johan Floderus, isagoona lagu eedeeyey jaajuusnimo. Wakaaladda socdaalka ayaa dalbatay miisaaniyad dheeri ah sidii ay uga soo dhalaali lahayd howlaha xukuumaddu u xilsaartay in dalka laga hirgeliyo kun boos oo lagu hayo dadka waddammadoodii dib loogu celineyo.
mié 17 abr 2024
2 : 42 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Boosto laga soo direy dalka Jarmalka ayey ku jireen 87 xabo oo ah bastooladaha korontada ee argagaxa oo kontrabaan ah. Hoos u dhac ayaa ku yimid alaabooyinkii laga iibsan jirey shirkadda xiriirka telefoonnada ee Ericssons. Laba wiil oo da'doodu tahay 17 iyo 18 jirro ayaa la go'aamiyey in rummaanka la dhigo. Baaris cusub ayaa muujisay in keliya kala bar waalidiinta ey ilmahooda kala hadlaan xiriirka iyo galmada.
mar 16 abr 2024
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Labo wiil ayaa la xiray todobaadkii dhamaadkiisa kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dil aabbe loogu geystay xaafadda Skärholmen. Nin 60-meeyo jir ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda, isagoo boorsadiisa ku dhex wata dahab. Soogalootiga ka imanaya bariga Danmark ee soo gaaraya gobolka Skåne waa kii ugu badnaa muddo toban sano ah.
lun 15 abr 2024
1 : 40 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Karoonka Swedishka ee daciifka ah ayaa keenay in dalxiisayaasha Danishku ay ku soo qulqulaan Iswiidhen. In haweenka uurka lihi liqaan xanuun baabi'iyaha paracetamol ma kordhinayso khatarta ah in ilmuhu qaado xaaladda autism, ADHD ama naafo maskaxeed. Maxkamada degmada Falu ayaa degmada Falu ka fasaxday inay magdhow siiso waalidka wiil shan jir ahaa oo lagu hayey guryaha dhallaanka lagu xanaaneeyo HBV-hem-ka oo geeriyooday.
vie 12 abr 2024
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shaqa'la'aanta ayaa kor u kacday bishii maarso gaarteyna 6,7 boqolkii, sida ka muuqata tirakoobka cusub ee xafiiska shaqada - Arbetsförmedlingen. Xukuumadda ayaa sannadkan u qoondeeysay difaaca madniga ah misaaniyad dheeri ah oo gaarsiisan 385 milyan oo karoon. Qof looga shakisan yahay inuu ku xad-gudbay sharciga difaaca ayaa la qabtay shalay oo arbaca ah, ka dib markii uu diyaarad drone ah ku duuliyay meel u dhow qasriga boqortooyada ee Stockholm.
jue 11 abr 2024
2 : 10 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Taataabashada ayaa u wanaagsan caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba, Hogaamiyaha xisbiga Kristendemokraterna Ebba Bush ayaa marar badan hadalka buuq laga geliyey mark ay su'aallo iyo jawaabo furan ku yeelatay baar ku yaalla Göteborg fiidnimadii shalay. Wax-soo-saarka guud ee dalka Iswiidan ayaa kordhay kordhay 0.1 boqolkiiba bishii Febraayo marka loo eego Janaayo. nin 22 jir ah oo lagu eedeeyay in uu gugii hore magaalada Örebro ku dilay saaxiibtiis oo 20 jir ahayd ilmana caloosha ku siiday.
mié 10 abr 2024
3 : 01 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
In ka badan 34 bilyan oo karoon ayaa sanadkan dib loogu soo celin doonaa canshuur celinta, sida ay sheegtay wakaaladda canshuuruhu. Rag badan oo caawinaad ka doonta sidii looga gargaari lahaa iney joojiyaan rabshada qoyska dhexdiisa ey ka geeystaan. Nin 40-meeyo jir ah oo looqabtay diltoogasho oo markii labaad muddo gaaban ka dhacday magaalada Hesingborg. Jardiino ku taal Göteborg oo looga shakiyay ur maandooriyaha xashiishadda, balse noqday urur basal ka baxda goobtaa.
mar 9 abr 2024
2 : 27 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Nin iyo wiil ay xukun maanta ku ridday maxkamadda degmada Uppsala. Booliska ayaa ku andacoonaya in ay ku guuleysteen in ay joojiyaan ku dhawaad 40 fal rabshado ah saddexdii bilood ee la soo dhaafay. Dowladda ayaa 500 milyan oo karoon u qoondeyneysa dugsiyada dalka miisaaniyada wax ka bedelka guga ee sanadka 2024-ka. Korodhka qiimaha cunnada ayaa mar kale joogsaday, marka loo eego sahaminta shabakadda madax-bannaan ee Matpriskollen.
lun 8 abr 2024
3 : 13 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasaaradda arrimmaha dibadda Ruushka ayaa ku andacootay inuu dalka Sweden qorsheeynayo in Nato ay saldhig ka furanayso Gotland. Guddiga doorashooyinka Miljöpartiet ayaa soo bandhigi doona fikirkooda haweeneyda ey u arkaan inay ka mid noqoto labada hoggaamiye ee xisbiga. Kastamka oo codsanaya gacansiin dadka doonyaha leh sidii lagu ogaan lahaa doonyaha kontarabaanka dalka ku soo geliya. Ma jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya labadii kiis ee jadeecada ee maalmihii u dambeeyey laga heley Göteborg.
vie 5 abr 2024
2 : 35 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ugu yaraan 12 haween ah ayaa lagu diley Sweden saddexdii bilood ee sannadka ugu horreeyey. 600 oo waraaqo la isu direy oo laga shakiyay ayaa kontrool lagu sameeyey, halka 500 oo ka mid ah laga heley naarkootika, dawooyin hormoono ah oo murqaha xoojiya iyo dawooyin aan sharci ahayn. Magaalada Göteborg ayaa laga heley kiis hor leh ee cudurka jadeecada, sida uu qoray wargeeyska Göteborgs-Posten.
jue 4 abr 2024
2 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Habeennimadii xalay oo arbacada maanta soo galeeysay ayaa la jebiyay rikoor 30 sannadood soo jirey ee habeenkii qabowga. Inta badan dhibaatooyinkii gaadiidka ee hawadii barafku sababtay ayaa la maareeyey. Dacwadaha laga soo oogo laaluushka ayaa aad kor ugu kacay waxaana ugu daran gaadiidka iyo laamaha gawaarida. Boliis lagu oogay dacwad inuu sabab u ahaa geeri qof mar gacanta lagu dhigayey sannadkii hore, ayaa la sheegay inuu shaqadiisa sii heeysan doono.
mié 3 abr 2024
3 : 08 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Tiro kor u dhaafaysa 12 000 ayaa sannadkii hore loo gudbiyey boliiska tuhun dacwadeed musuq gunnooyinka taageerada dhaqaale. Nin 28 jir ah ayaa maanta lagu soo oogey dacwad la xiriirta sabab u noqosho geeri iyo taxaddar daro gaadiid. Baaraha xukuumadda ayaa soo jeediyay adkeeynta xeerar ceymiska jirrada.
mar 2 abr 2024
2 : 48 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Nin 30-meeyo jir ah oo meydkiisa fiidnimadii arbacadii shalay laga heley meel dibadda ah magaalada Katrineholm. Ku dhowaad shan daloolow meel cunnada caalamka laga soo saaro ayaa sannad walba la xooraa, halka dad ka badan 780 malyan aaney heysan cunno ku filan. Dacwad laga gudbiyay shirkadda iswiidhishka ee tubaakada - Swedish Match iyo shirkadda iska leh ee Philip Morris. Haweeney lagu soo oogey dacwad la xiriirta inay 500 oo jeer wacday telefoonka gargaarka degdegga ee SOS (112) 2 sano.
jue 28 mar 2024
2 : 19 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Marka uu bilowdo tartanka is-reereebka horyaalka Sweden ee ragga sabtidan foodda innagu soo haysa ayaa 224 taageereyaal laga mamnuucay garoommada. Inta lagu guda-jiro ciidulfuska (påsk) ayay hawadu ku bilaaban doontaa roob dhanka koonfurta iyo baraf ka da'a nawaaxiga waqooyi. Magaalada Uppsala ayaa loo qabtay nin25-meeyo jir ah kadib toogasho ka dhacday fiidnimadii salaasadii xalay.
mié 27 mar 2024
2 : 32 min
Wararka maanta ee Raadiyaaha Iswiidhen
Dabayaaqada sanadkan, ayaa booliiska loo ogolaan doonaa in ay bilaabaan isticmaalka 'rasaasta' nooca caaga ah, kuwaas oo lagu ridi kari doono shakhsiyaadka handadaada wada kolka ay dadka isugu soo baxaan. In badan oo iswiidhish ah ayaa isku arka inay la kulmaan cimilo aad u daran nolol maalmeedkooda, sida lagu sheegay sahan la sameeyay. Wiil 19-sano jir ah ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu dil geystay. Hase yeeshee iska dheereeyay dembigaa.
mar 26 mar 2024
2 : 01 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Joogsigii ama hakadkii dheeraa ee gawaarida oo ka dhacay wadada E22 ee gobolka Skåne bishii Janaayo ayaa ahaa mid laga hortagi karay. Sababo la xiriira ukumaha oo ku yar dalka Iswiidhen, ayaa ku dhawaad 18 boqolkiiba ukunta laga soo dhoofiyaa dalal kale, sida uu qabo ururka warshadaha ukunta ee Svenska ägg. Tafatiraha wargeeyska Expresen Klas Granström ayaa lagu helay dambi ah inuu sumcad dil geystay, sida uu sheegay telefishinka SVT.
lun 25 mar 2024
2 : 32 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Haweeney 40 jir ah oo meeydkeeda laga heley fiidnimadii shalay guri ku yaalla farasmagaalaha Linköping - ayaa loo qabtay nin lagu tuhusan yahay faldembiyeed dil. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa dheereeyey wakhtigii taageerada gunnada ee kirooyinka qoysaska ilmaha leh. Waxaahoos u dhacday tirada Iswiidhishka ku nool gunnooyinka dhaqaale ee taageerada.
vie 22 mar 2024
1 : 47 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Will 17 jir ah oo lagu eedeyey inuu diley gabadh ay isku da'a yihiin. Gabadh macallimad ah iyo ninkeeda oo iibiyey xadi badan ooah maandooriyaha kookaaiin-ta. Nin loo haysto laba dil ayaa dhawr jeer maxkamada ka baaqday inuu ka soo muuqdo.
jue 21 mar 2024
2 : 06 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Lagama helin wax maadooyinka qarxa ah duleelka markabkii rakaabka ee khalfoofkii Estoniya. Shirkadda farmashiyada ee lagu magacaabo Hjärtat ayaa dejisay nidaam inaan laga iibin karin alaabooyinka maqaarka lagu daryeelo wixii 15 sannadood ka yar. Gobolka Västerbotten ayay malyuunaad lacag ahi u baaqdeen markuu kafee bilaash ah u soo rogay shaqaalihiisa afar sannadood ka hor.
mié 20 mar 2024
1 : 58 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkadaha iswiidhishka ayaa sannadkii 2023 u gudbiyey heyadda yuribiyaanka ee ku shaqada leh, codsiyo xuquuqda dhowrista hindisaha. Si loo soo jiito shaqaale ka howlgala goobaha daryeelka waayeelka ee Skellefteå ayaa loo ballan qaaday kaalmo dhaqaale oo ey ku qaadan karaan leysinka darawalnimo. Laba sannadood ayaa ka soo wareegtey markii lagu dhawaaqey in laga gudbey xanuunkii safmareenka ahaa ee covid-19, hase yeeshee uu dadka weli muhiim u yahay iney is tallaalaan.
mar 19 mar 2024
2 : 08 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Koox ka kooban 35 qof ayaa wax kaga cunay oo kaga cabbey lacag gaarsiisan 82,000 karoon maqaayad balse aanan bixin lacagtii. Wiil 16 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay wiil 15 jir ah, dilkaasi oo ka dhacay magaalada. Kooxda u dhaqdhaqaaqda arrimaha cimilada ee loo yaqaan Friday for Future ayaa mudaaharaad ka hor sameeyey intuu uu socday shirka guud ee shariikada diyaaradaha SAS.
lun 18 mar 2024
2 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Heyadda taageerada ee Sida ayaa go'aan ku gaartay inay dib u biloowdo taageeradii ururka qaxootiga falastiiniyiinta ee UNRWA. Heyadda saadaalinta hawada SMHI ayaa bixisay digniinta jaallaha baraf xooggan iyo dabeeylo oo ka dhici doona gobollada Stockholm iyo Uppsala sabtida iyo axadda. Nin 19-jir ah ayaa rummaanka loo dhigey tuhun looga qabo dilkii nin meydkiisa laga heley boorso nawaaxiga Värmdö. Xiisaha loo hayay tartankii heesaha hirgaley Yurub ee sannadka ayaa ah mid aad u sarreeya.
vie 15 mar 2024
2 : 44 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Boliiska ayaa saqafyada magaalada Malmö ku meeleeyn doona qalabka duula. Lacagta caddaanka ayaa weli muhiimad ku fadhida. Xisbiyada Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ayaa albaabka u furay in dib loo xeereeyo sacadaha macalimiinta. Booliska oo ay haysato dhar la'aan iyo qalab la'aan.
jue 14 mar 2024
2 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Haweeney ku nool nawaaxiga Ångermanland ayaa lagu soo oogay dacwad ah xadgudub aad u daran iyo isku day dil oo ay u geysatay gabadheeda oo dhigata dugsiga xanaanada. Ma cadda haddii - iyo goorta - beerta biyaha Oceana ee Liseberg oo ku taalla magaalada Göteborg dib loo dhisi karo dabkii ka kacay ka dib. Darawalada gaadiidka yar ee xamuulka lagu qaado aaya ah kooxda shaqada ee ugu shilalka badan ee warshadaha.
mié 13 mar 2024
2 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Diyaaradaha dagaalka F17 ee ka soo duulayay garoonka Kallinge ee gobolka Blekinge, ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii ugu horeeyay ee Iswidhan oo xubin ka ah NATO. Greta Thunberg oo ay weheliyaan dad kale oo u dhaqdhaqaaqa cimilada, ayaa xannibay jidadka soo gala baarlamaanka. Waxaa jira farqi xooggan oo u dhexeeya qiimaha tallaallada TBE ee u dhexeeya gobollada dalka. Ardayda dhigata dugsiyada dawladda ayaa ka wanaagsan ardayda dhigata dugsiyada madaxa bannaan marka ay u gudbaan jaamacadaha.
mar 12 mar 2024
3 : 23 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Madaxda maamullada waaxaha baarlamanka ayaa la siin doono aqoonkororsi la xiriira muqaadaraadka iyo masuuliyadda bii'ada shaqo. Tartanka heesaha hirgaley ee Yurub ayey sannadka u meteli doonaan fannaaniin u dhashay dalka Noorwey. Ciidanka ammaanka ayaa baaris ku haya faldembiyeedyo la xiriira dil iyo meel kaga dhac meyd oo ka dhacay nawaaxiga Värmdö.
lun 11 mar 2024
1 : 28 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Toban qof ayaa lagu soo oogay dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Faraskii Iswiidhan ugu da'da weynaa ayaa dhintay. Afar qof oo lagu raadjoogay ayaa la dhigay xabsiga, waxa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dil.
vie 8 mar 2024
1 : 33 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Sweden ayaa u soo bandhigtay Israel iyo EU wada xajood la xidhiidha baahida binadamnimo ee ka taagan Qaaza. Sanadkii hore waxa Sweden ku dhashay tiraduu ugu yareyd ee ilmo ay haween dhalaan. Xirfadda ugu caansanayd sannadkii 2022 ayaa ahayd xirfada kalkaaliyaha hoose.
jue 7 mar 2024
2 : 22 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maxkamadda sare ayaa go'aan ku gaartey in aanay ogolaansho siin dacwaddii caanka ahayd ee Hmiid Nouray. Laba ka mid ah dayuurradaha bambooyinka qaada oo laga leeyahey dalka Mareekanka ayaa dulmarey caasimadda Stockholm. Nin 35 jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta inuu ka dambeeyay isku day dil.
mié 6 mar 2024
2 : 14 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xasaasiyada geedaha laga qaado ee xiliga gu'ga ama pollen ayaa sannadkan la saadaaliyaya in uu noqon doono mid ka khafiifsan kii sanadkii hore. Bariga Dhexe ayaa ahaa suuqa ugu kobaca badan dhoofinta ee shirkadaha Iswiidhusku sameeyeen sannadkii hore. Dhibaatada ka jirta gelitaanka adeegga sanduuqa boostada dhijitaalka ah ee Kivra ayaa wali barteeda ka sii socota.
mar 5 mar 2024
2 : 20 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Qiimaha cunnada ayaa ku socdo koror heerka ugu deg dega badan muddo sannad ku dhawaad. Norway ayaa guul ka gaadhay sanadkan tartanka ee Vasalopp, oo sanadkan 100 jirsaday. Xiddiga usha ku booda ee Armand Duplantis ayaa sidii la filayey ku guuleystay biladda dahabka ee ciyaaraha gudaha adduunka ee ka socda Glasgow. Andreas Kramer ayaa shalay ku guuleystey biladii ugu horeysay abid ee Iswidhan ay ka hesho ciyaaraha adduunka ee tartanka orodada masaafada dhexe ee dhanka raga oo ka socda Glasgow.
lun 4 mar 2024
2 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dugsi hoose dhexe oo ku yaalla Skövde ayaa maanta loo xiray sababa la xiriira calool xanuun ku yimid ardayda iyo shaqaalaha. Nin ayaa loo xiray tuhuno kharibaad ah ka dib markii uu dab ka kaciyay godka tareenka maro ee garoonka diyaaradaha Arlanda. 143 bisad-duureed ayaa laga yaabaa in la toogto marka ugaarsiga shatiga uu bilaabmo maanta oo Jimca ah.
vie 1 mar 2024
1 : 45 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Cisbitaalka Jaamacadda Karolinska ayaa noqdey cisbitaalka toddobaad ee ugu wanaagsan adduunka. Gabadh 15 jir ah oo askari candhuuf ku tuftay ayaa lagu xukumay 30 maalmood oo ganaax ah iyo 8000 oo karoon. Nin saddex jeer galay gegida diyaaradah Arlanda oo la xukumay. Maalintii arbacada tukamada ICA iyo Apotek Hjärta suurtogal may ahayn in card wax lagaga iibsado.
jue 29 feb 2024
2 : 12 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Gobolka Östergötland ayaa ku wargeliyay 900 oo qof in shaqada laga joojinayo, sida ay sheegtay laanta idaacadda ee P4 Östergötland. Tirada magangelyo-doonka ee Midowga Yurub ayaa kordhay sannadkii hore, sidaa ayaa muujinaysa warbixin sannadeed cusub. Sannadkii hore, ku dhawaad 100,000 oo carruur ah ayaa muddo ka badan sugay baaritaanka cilmu-nafsiga carruurta iyo dhallinyarada (BUP) marka loo eego 30kii maalmood ee dammaanadda daryeelka.
mié 28 feb 2024
2 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Subaxnimadii Talaadada ayey labo tareen isku dhacayeen magaalada Göteborg halkaa oo ey 10 qof ku dhaawacmeen. Waxaa jira falcelin wanaagsan oo ka imaanasaya wadaammada dariska la ah Iswiidhan ee la xiriirtq ku dhawaaqista ku biiritaanka NATO. Ciyaaryahanka kubaadda cagta Kristoffer Olsson oo xanuunsanaya.
mar 27 feb 2024
2 : 39 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maanta ayay bilaabatay maxkamadeynta dilkii loo geystay hooya hogaamiye kooxeed ka tirsanaa shabakada Foxtrot dayrtii hore. Tan iyo markii sharciga cusub ee dhageysiga taleefoonada uu dhaqan galay 1-da Oktoobar ee sanadkii hore, in ka badan 30 qof ayaa la xiray. Maamulka dawladda Danmark ayaa go'aan ku gaaray inuu xiro baaristii qaraxyadii ka dhacay tubbooyinkii gaaska ee Nord Stream 1 iyo 2. Tirada dadk geeriyooda iyaga oo qaal lagu leeyahaa noloshooda ayaa kor u kacday.
lun 26 feb 2024
2 : 55 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hungary ayaa Sweden ka iibsanaysa afar diyaaradood oo nooca JAS Gripen ah. Labo nin ayaa lagu xukumay xabsi daa'in, kadib markii lagu helay dambi ah inay dil u geysteen aabe 39 jir ah. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa deg deg u baadhi doona in mar kale loo ogolaan doono in Sweden in laga soo saaro macdanta Yuraaniyaamka. Faafida Covid-19 oo aad hoos ugu dhacday
vie 23 feb 2024
3 : 00 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Hay'adda sirdoonka ee wakaaladda difaaca Iswiidhen ee FRA ayaa hanjabaadyada badan oo ku soo biiray Sweden ku qeexday inay yihiin dabeylo duufaan. Hay'adda laanta socdaalku waxay diidi doontaa qiyaastii 300 oo codsi ogolaansho shatiga shaqada. Nin 20 jir ah oo bishii Jannaayo ka baxsaday guryaha lagu hayo dhalinyarada ee SIS, ayaa boolisku xidhay. Hilib caydhin iyo cunto badan ayaa sababay in ey yari ku dhinto magaalada Malmö.
jue 22 feb 2024
2 : 00 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dadka deggan guri dabaq ah oo ku yaal degmada Uplands Väsby ayaan loo ogolayn inay ka baxaan guryahooda.Hoolka lagu ciyaaro padel ee magaalada Östersund ayaa dumay, sida ay soo werisey P4 Jämtland.Ururka macallimiinta ee dalka Iswiidan ayaa dowladda ku dacweeyay takoor. Degmada Boden kama keensan doonto caawiye kalkaaliyaye cafimaad wadanka Isbayn Spain .
mié 21 feb 2024
2 : 11 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Codsigii Sweden ee Nato iyo baarlamanka Hugeriya. Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson wuxuu u oggolaaday xaaskiisa inay u raacdo safarro kharash bilaash ah. Fardihii wey ilmeeyeen oo waxay bilaabeen inay baxsadaan xilli koox ku jirtay dalxiis fardo fuul ah deegaanka Djurgården ee Stockholm xagaagan.
mar 20 feb 2024
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shidaalka naaftada oo jabey. Aabe khiyaameeyay Hay'adda Caymiska bulshada inuu wiilkiisu u baahan yahay caawiye. In ka badan kala badh dhammaan Cagafyada nooca loo yaqaan A ma dhaafaan kormeerka. Iswiidhan waxay qaadatay dahab, qalin iyo maar koobkii adduunka ee barafka.
lun 19 feb 2024
2 : 14 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Xildhibaan Morgan Johansson ayaa xaaskiisa maxkamadda racfaanka ku heshay dambi ah inay jabsatay xog dhanka kombuyuuterka. Sara Skyttedal oo xisbiga Kristdemokraterna u fadhida baarlamanka EU-da ayaa khamiistii shalay sheegtay inay ka baxday xisbiga KD. Xisbiyadii wada saxiixday heshiiskii Tidö ayaa doonaya in gacan bir ah lagu qabto waalidka ku khasba carruurta iney xijaab xirtaan. 15 qof oo ka koobnaa saddex kooxood oo gaar u kala socday ayuu ku dhacay calool xanuun.
vie 16 feb 2024
3 : 28 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda ayaa soo jeedineeysa in la adkeeyo shuruudaha lacagaha la isugu diro ee xalaadaha. Subaxnimadii khamiistii saaka oo guri dabaqah oo Malmö ku yaalla rasaas lala beegsaday. Baaristii hordhaca ahayd ee harqankii markabkii Estonia ayaan dib loogu laaban doonin.
jue 15 feb 2024
1 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Midho iyo khudrad yar ayaa la iibsaday sanadkii hore marka loo eego sanadkii ka horeeyey ee 2022 kii. Kastamada Iswiidhen ayaa qabtay daroogo badan sanadkii hore taasi oo gaadhaysa 11 tan. Maalinta jacaylka waxa kordha booqashada ay dadku ku aadan shaneemooyinka iyo dawashada filimada.
mié 14 feb 2024
1 : 38 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dabkii weynaa ee ka kacay magaalada Göteborg, jardiinada biyaha ee Oceana agagaarka Liseberg ayaa weli lagu la'ayahay nin. Biryooshyo ama rooti macaan oo badan oo bir af leh ku jirto ayaa laga helay Malmö. Hayadda dayeelka maxaabiista ayaa gashay xaalad diyaargarow oo ay sabab u tahay baahida weyn ee loo qabo boosas xarummaha xabsiyada iyo rummaannada.
mar 13 feb 2024
2 : 57 min
Wararka raadiyaha Iswiidhen
Guddoomiyaha xisbiga Moderaterna ee Västra Götaland, Johan Abrahamsson, ayaa si ku meel gaar fasax uga qaatay howlihiisii. Qoysaska Iswidishka ayaa la baxa lacag caddaan ah oo aad u yar. Seddexdii qofba mid bulshada Sweden ayaa waxa ku sii kordhay walaaca ey ka qabaan dagaal. Bishii Janaayo, 1,110 shirkadood ayaa kacay. Taasi waxay 57 boqolkiiba ka badan tahay bishii Janaayo ee sannadkii hore.
lun 12 feb 2024
2 : 44 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Marcus Wandt iyo cirbiyeennadii saddexda ahaa ee la socdey ayaa dib ugu soo laabtay dhulka. Rummaan ku yaalla magaalada Göteborg ayaa dib u eegis ku samaynaysa hab-dhaqankooda shaqo. Agaasimaha guud ee shirkadda tareenada ee SJ Monica Lingegård ayaa maanta sheegtay inaysan ku qanacsanayn dadaallada howleed ee shirkadda SJ ee xilliga jiilaalka. Iyadoo lagu jiro xaalad dhaqaale oo cakiran ayey haddana sadaqada ay bixiso bulshada Sweden kor u kacaysaa.
vie 9 feb 2024
2 : 31 min
Wararka maan ee Raadiyaha Iswiidhen
Telefishanka dalka Ingiriiska ee Channel 4, oo uu soo gaaray qoraalkii sirta ahaa ee dawladda Israa'iil markhaatiga u soo bandhigtay, uu sheegay inaaney ku qornayn wax caddeeynaya eedeeymahaasi. Xukuumadda Sweden ayaa doonaysa inuu dalka Sweden ka qeyb qaato labo dadaal oo laga qabaneyo badda cas. Waxaan bilaash sii ahaan doonin in eedeeyn shirkadaha looga gudbiyo Guddiga dacwadaha guud - Allmänna reklamationsnämnden ee magaciisa loo soo gaabiyo ARN.
jue 8 feb 2024
2 : 47 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Waxaa halkeedii ka sii socda hoos u dhicii tirada kalluumeeysatada Sweden. Xeerilaaliyaha ayaa iminka jawaab ka heley sababta ka dambeeysay in qoys deggan magaalada Söderhamn la sumeeyey Fiidnimada maanta ayaa la filayaa inuu baraf ka da'o nawaaxiga mandiqadda Östersjön.
mié 7 feb 2024
2 : 47 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wargeeyska Aftonbladet ayaa qoray in caasimadda dalka Masar ee Qaahira lagu qabtay nin ka tirsan shabakadda Foxtrot. Baaristii iswiidhishka ee la xiriirtay qaraxii lala beegsaday tubbooyinkii gaaska ee Nord Stream 1 iyo Nord Stream 2 oo hoos loo dhigi doono. Sarkaal ka tirsan boliiska ayaa dacwad lagu soo oogey. inkastuu iska dheereeyay. Haweeney ku dhaqan Stockholm oo loo xukumey faldembiyeed la xiriira badbaadinta xayawaanka.
mar 6 feb 2024
3 : 09 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Laba nin ayaa lagu diley Grimmered ee magaalada Göteborg fiidnimadii Sabtidii la soo dhaafay. Qareen lagu xukumay shan sano iyo badh xabsi ah ka dib markii lagu helay falal gubitaan. Nin ayaa lagu xukumay 8 bilood ka dib markii uu booliska u sheegi waayey in saxiibkii uu gabadh ku xidhay guri dabadeedna dilay.
lun 5 feb 2024
1 : 53 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkadda Postnord ayaa doonaysa inay dawladdu hoos u dhigto sida degdegga ah ee loo baahan yahay in boostada loo qeeybiyo. Xisbiga Miljöpartiet ayaa wax ka bedelay mowqifkiisii quwadda korontada ee laga dhaliya Atoomka. Tirada dadka uu ku dhaco Sweden kansarka maqaarka ayaa kor u sii kacaysa iyo dhallinyarta oo in badan kala socon.
vie 2 feb 2024
2 : 18 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkadda Stora Enso ayaa u baahan inay keydiso dhaqaale gaarsiisan ku dhowaad hal bilyan oo karoon. Waxaa gebi ahaanba la xaday gambaleelkii kaniisadda klockstapeln oo ku taalla duleedka Tyringe oo dhacda waqooyiga gobolka Skåne. Nin 20-tameeyo jir ah ayaa lagu xukumey kadib markii loo tiigsadey inuu jebiyay xeerka waxyaabaha qarxa ama dabka halista ah dhaliya.
jue 1 feb 2024
1 : 44 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Haweenay hore ugu geysatay dil laba carruur ah oo ay dhashay ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in. Boqol ka mid ah ciidamaada kamaandooysta ee qaybta K3 ee magalada Karlsborg oo cuntada ka soomay dayrtii la soo dhaafay. Godadka ku yaala waddooyin baabuurta ayaa dhaawacyo u geysta gawaarida iyo shaagagoodaba.
mié 31 ene 2024
2 : 10 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Isniintii ayaa eey dhawr jeer weerarey carruur lagu diley Göteborg. Ciidammada qalabka sida ayaa markii ugu horreeysay uu soo gaaray agabka difaac ee 23 D. Agabkan difaaca ayaa ah mid ku haboon haweenka. Ninkii curiyey fikirka xeegada kooxda Somalida Patrik Andersson mashruuca ishexgalka uu shil ku dhacay noloshiishii wax weyn ka bedelay.
mar 30 ene 2024
2 : 12 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Tobankii qofba saddex ayaa bishii deceember 2023 iibsaday alaabooyin duug ah. Dhallaan dhigta dugsiyo kala duwan ayaa maanta fursad u heli doona iney la xiriiraan cirbixiyeenka iswiidhishka ee Marcus Wandt. Daarta xarunta u ah maxkamadda degmada Södertälje ayay mulkiyadeeda leedahay shirkad uu maamulo nin la sheegay inuu awood weyn ku leeyahey shabakadda dambiilayasha Södertälje.
lun 29 ene 2024
2 : 05 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Digniinta casaanka ah ee qulqulka biyaha badan ee Kävlingeån ee gobolka Skåne ayaa weli halkiisa jooga. Wiil 15 jir ahaa ayaa lagu xukumay 12 kiis oo sumcad dil ah, isla markaana inuu bixiyo magdhow dhan nus milyan karoon. Shaqaale boqolaal gaaraya ayaa halis ugu jira iney shaqadooda ku waayaan xafiiska shaqada.
vie 26 ene 2024
2 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ra'iisul Wasaare Ulf Kristerssons ayaa hadda ka jawaabay martiqaadkii Ra'iisul Wasaaraha Hungary. Magaalada Hörby ee gobolka Skåne, barafkii iyo roobabkii da'ay ayaa keenay in harooyinka iyo durdurrada ay ka sarreeyaan. Afar ayaa loo xiray isku day dil.
jue 25 ene 2024
1 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Midowga Yurub wuxuu adkeeynayaa sharciyada ka ganacsiga dadka. Raii'sul wasaaraha Hungary Viktor Orbán ayaa wadahadal la yeeshay xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg. Dhowr qof ayaa la xiray ka dib howlgal ballaaran oo boolisku ka sameeyeen magaalada Avesta.
mié 24 ene 2024
1 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kala duwanaanta dakhliga bulshada soo gala oo markii ugu horeeysay aad sara ugu kacaykadib markii cabbirka la bilaabey sannadkii 1975-kii. 7 qof oo waayeel ah oo u geeriyoodey kalluunka nooca Lax-ka. Maamulka degmada Malmö ayaa carrabka u laalaadiyey qorshaha xeerka in nawaaxiyada qaarkood laga abuuro is-baaris.
mar 23 ene 2024
2 : 47 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Dabeysha badan ee dhacaysa ayaa ka dhigan tahay in wax soo saarka korontada dabayshu ay ku dhowdahay inay jabiso rikoodhada. Tirada ardayda wax ka barata jaamacadaha iyo kulliyadaha ee laga caawiyo autismka iyo ADHD aad ayay u kordheysaa. Wiil 15 jir ah ayaa tooreey lagu dilay xilli uu ku sii jeeday xaflad iskuul.
lun 22 ene 2024
2 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waa in la dardargeliyo diyaargarowga howlaha caafimaadka ee dalka Iswiidhen si loo wajihi karo haddii uu dagaal ama masiibo ey dalka soo wajahaan. Iswiidhen waxay ka qayb qaadanaysaa dhoolatus wayn oo NATO ah. Afar sannadood oo xarig ah ayaa lagu riday mid ka mid ah horjoogeyaasha goob daryeelka ilkaha ee ku taalla nawaaxiga Stockholm.
vie 19 ene 2024
2 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Muwadin Iswiidhish ah oo da'diisuna tahay 60-dameeyo jir ayaa lagu qabtay dalka Iiraan. Cimilada qabow ayaa halkeedii ka sii wada inay saameeyn ku yeelato safarrada tareennada. Xaalad taagan maahan in dalka Israa'iil laga mamnuuco ka qeybqaadashada sannadka ee tartanka heesaha hirgaley ee Yurub - Eurovision Song Contest oo ka dhici doona magaalada Malmö.
jue 18 ene 2024
2 : 49 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dilaagii boliiska ee Jackie Arklöv ayaan xabsiga la sii deyn doonin sannadaha foodda innagu soo haya. Ey weerar ku qaaday saddex caruur ah muddo gaaban gudaheed ayaa la dili doonaa, sida ay sheegeen maamulka gobolka Halland. Tirada dadka ku dhinta shilalka waddooyinka oo kor u kacday.
mié 17 ene 2024
2 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaaha Iswiidhen
Shaqo la'aanta oo si aayar ah u sii kordheysa. Calool xanuunka ee carruurta ayaa aad hoos ugu dhacay sannadihii u dambeeyay. Shirkadda soo saarta batariga ee Northvolt ayaa maalgelin balaayiin karoon ah ku samaynaysa Skellefteå.
mar 16 ene 2024
2 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wiil 16 jir ah ayaa loo xidhay tuhun ah in uu dilay wiil ay isku da' ahaayeen dilkaasi oo ka dhacay gobolka Skåne. Caawa ayaa lagu abaalmarinayaa biladda Guldbaggegalan qofkii muujiyey dedaalkii ugu fiicnaa sanadkii hore filimada Iswiidhishka. Warbixin ayaa muujisay in dadka Iswiidhishka ahi ay aadi jireen matxafyada sannadkii hore in badan.
lun 15 ene 2024
2 : 15 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Baasaboorka Iswiidhishka, waxaa lagu tegi karaa 193 waddan. Isticmaalka lacagta caddaanka ahi ma noqon doonto mid suusha. Xumbada qubayska ee carruurta ayuu si fudud dab u qabsan karaa.
vie 12 ene 2024
1 : 51 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Buuga xaaladda degdegga ah ayaa u gadis badan. Hooyo da, yar iyo gabadheeda oo hal sano jirta ayaa dhintay dayrtii la soo dhaafay kadib markii ay ku sumoobeen boqoshaaga. Ey ayaa weerar ku qaaday wiil yar oo ku sugnaa xaafadda Kortedala ee Göteborg.
jue 11 ene 2024
1 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Nin maanta lagu xukumay sagaal sano iyo bar xarig ah. Shaqa ka fariisiga ka dhici doona dareewallada tareemmada dalka Jarmalka. Hoos ayaa loo dhigay dacwad laaluush ahayd oo lagu soo oogay siyaariyiin.
mié 10 ene 2024
2 : 44 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Dugsiga Smedhagsskolan oo ku yaalla xaafadda Hässelby ayey dhallaanku waxbarashada bilaabaan sagaalka subaxnimo afar maalmood asbuucii, waana arrin socday muddo toban sannadood ah. Waana mid caafimaadkooda wax ka bedeshay. Khatar ka taagan baraf-dumid soo wajahda buuraha taxaneyaasha Sweden ee Fjällen. Maamulka degmada Uppsala oo doonaya inuu shaqaaleeysiiyo kalkaaliyeyaal, si ajaaniibta aan afka si fiican u aqoon ey goobahaasi uga shaqeeyn karaan.
mar 9 ene 2024
2 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkadda tareemmada ee SJ ayaa maanta 16 tareen xayirtay. Toddobaadkii ina dhaafay ayay hawada nawaaxiga Kvikkjokk oo dhacda Lappland ay hawadu ahayd 43,6 qabow ah. Hase yeeshee ay maanta hawadii qaboobayd isu rogtay mid kulul oo rikoor ah. Xulka Sweden ayaa ku guuldarreeystay 2-6.
lun 8 ene 2024
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ka hor inta lagaarin maalinta Jimcaha ayaa qiimaha korontadu si weyn kor ugu kici doonaa. Xaaladda waddooyinka ayaa dalka intiisa badan ah mid dhib badan. Qiimaha batroolka iyo naaftada ayaa kor loo qaadey iminka 30 öre litirkiiba.
jue 4 ene 2024
1 : 44 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Habeenkii Arbacada soo galaysay ayaa ahaa habeenkii ugu qaboowga badnaa dalka Iswiidhen muddo 25 sanno ah. Caabuqa hargabka ayaa u muuqda mid ku sii badanaya magaalooyin dhowr ah, halka uu Covid-19 u sii yaraanayao kadib fasaxa Kirismaska. Saddex qof oo hub iyo daroogo u kaydiyay shabakada Foxtrot ayaa maanta lagu xukumay xabsi dheer.
mié 3 ene 2024
1 : 46 min
Wararka maanta ee Raadiya Iswiidhen
Tirada shirkadaha oo sannadkii hore kaceen ayaa ahayd tii ugu badnayd tan iyo xiisaddii dhaqaale ee sagaashamaadkii. Waxaa mar kale shil kale ka dhacay goob shaqo oo uu ku geeriyooday qof shaqaale ah. Dhallinyarada da'doodu u dhaxayso 20 iyo 23 jir ayaa aad ugu badan kuwa seega ballamaha ilkaha ee loo qorsheeyay.
mar 2 ene 2024
1 : 49 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hilib badan oo nooca kebaabka loo yaqaan ama xaleefka ayaa laga ogaadey shirkad jumlad wax uu iibisa gobolka Dalarna inuu ku jiro hilib faras. Khilaaf ka dhex aloosmey kooxaha gaangiska ah ayaa wuxuu abuuray qaraxyo iyo toogashooyin saameeyey bulshada 2023. Laanta afka Soomaliga ee Raadiyaha Iswiidhen ayaa rayiga dadka weydiisey inay nala wadaagaan dhacdooyinkii xusuusta lahaa ee sanadka soo marey.
vie 29 dic 2023
2 : 35 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Roobab iyo baraf is wata ayaa ka dhigaya mid ku adag isu socodka gaadidka qaybo badan oo Iswiidhan ka tirsan. Waddammada Bulgaariya iyo Rumeeniya ooqeyb ka noqoneya heshiiska xududuudda furan ee EU waxa lagu magacaabo Schengenområdet. Xayawaanka ren-ka lagu magacaabo ee u eg cawsha ama deerada ayaa seexda muddada uu raamsanayo.
jue 28 dic 2023
2 : 06 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Haweenkii ugu badnaa abid ayaa sannadka la dhigey rummaanka dalkan Iswiidhen. Shirkadda khamaarka ee Betsson ayaa lagu xukumay inay siiso magdhow lix malyan gaarsiisan nin khamaaryahan ah oo la il-darnaa qabatinka khamaarka. Mar dhowaantan lagu hayay nadaafad ballaaran maxaddada tareenka dhulka hoostiisa mara ee Kungsträdgården ayaa si kam'a ah biyo loo raaciyay caaracaaro ku dhif ah dalka.
vie 22 dic 2023
1 : 35 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Caawa ayaa noqon doonta habeenka ugu dheer ee mugdiga. Nin 20-meeyo jir ah oo lagu xukumey xabsi daa'in ah dil ka dhacay Stockholm kuleeylihii. Shirkadaha iyo ururrada dhismaha ayaa dalbaday iney la kulmaan madaxa xukuumadda Iswiidhen Ulf Kristersson.
jue 21 dic 2023
2 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shaqaalah ka hoowlgala ciidammada asluubta ayaa intooda badan loo sameeyn doona mushahar kordhin. Inka badan 20 300 oo shillin oo la helay ayaa la soo gaarsiiyay hay'adda rugta dawliga ee xayawaanka. Ardey 200 gaaraysa ayaa gurigooda ku nagaan doona ka dib fatahad ay bulaacadaha ku soo baxeen iskuul ku yalla Kiruna.
mié 20 dic 2023
1 : 37 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Qaar ka mid ah reer Karlskrona ayaa xalay hurda la'aan ku dhacday kadib markii uu gambaleelka kanisaddu uu muddo saacad iyo dheeraad ah dhawaaqayay . Baaritaankii la xiriiray haweeneeydii iyo wiilkeeda oo ku geeriyoodey biyaha u dhaxeeya Poland iyo Karlskrona ayaa haatan lasoo afjaray. Laanta afka Soomaliga ee Raadiyaha Iswiidhen ayaa wareeysi la yeelatay Dr. Abdirahman Hashi oo ka hadlaya muhiimaada Fitaamin D-ga.
mar 19 dic 2023
1 : 55 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shantii shaqaale oo ku geeriyooday shilkii wiishka ayaa maanta goobaha dhismaha ee dalka oo dhan ayaa manta hal daqiiqo oo aamusnaan lagu xusay. Lix qof oo kale ayaa dacwad lagu soo oogay ku waas oo lagu eedeeyay in waxyeello ay geysteen qalaasahi ka dhacay Malmö kaas oo la xiirary gubista kitaabka Qur'aanka. Laanta afka Soomaaliga ee Raadiyaha Iswiidhen ayaa wareeysi gaar ah la yeeshay filin soo saare Khadar Aydaruus.
lun 18 dic 2023
2 : 00 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Laba qof ayaa lagu soo oogay inay isku dayeen dilka 15 qof ka dib toogasho ka dhacday xaafada Gotsunda ee magaalada Uppsala. 164 qof oo kale oo ka soo jeeda degmada Kallinge ee Blekinge ayaa dacwaynaya shirkadda biyaha ee degmada Ronneby - dhaawacyo ay sheegeen inay ka soo gadheen biyo la cabbo. Markii ugu horeysay xaafadaha Rinkeby-Kista ee Järva oo la qorshaynayo in ciida soonka looga dabaaldego.
vie 15 dic 2023
2 : 53 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Boliiska gobolka Skåne ayaa loo fasaxay iney aad u hubeeysnaadaan inta lagu guda jiro ciidda Kirismaska. Qiimaha cunnada ayaa mar kale kor u kacay bishii nofeembar, marka loo barbardhigo oktoobartii ka horreeysay. Filim sameeye Axmed Cabdillahi ayaa wareeysi ku saabsan filimkiisa 'Amina' siiyayay laanta afka Soomaliga ee Raadiyaha Iswiidhen.
jue 14 dic 2023
2 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Heshiis cusub oo dhinaca cimilada ah oo uu caalmku gaarey. Gudiga shilalka ee gobolka ayaa bilaabay baaritaan ku aadan waxa sababay shilkan. Waxay u egtahay inay noqon doonto laba sano oo adag oo dhanka suuqa shaqada ah.
mié 13 dic 2023
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen Warbixin laga soo saaray ururka Ibn Rushdi.Khiyaamo baahsan qiimaha iibka ee netka.Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo hamigiisa badda.
mar 12 dic 2023
2 : 37 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen.
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah
lun 11 dic 2023
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Tirada shaqa-la'aanta dhallinyarada ku dhaqan gobolka Stockholm ayaa kor u sii kacaday. Wakaaladda bii'ada goobaha shaqada ayaa shaaca ka qaaday iney xeerilaaliyaha u gudbisay dacwad ka dhan ah boliiska, middaasina oo la xiriirta habkii boliisku u maareeyay xaaladdii sarkaalkii sare ee boliiska Mats Löfving oo meydkiisa laga heley gurigiisa bishii feeberaayo. Matxafka buugaagta ee Rinkeby ayaa bilaabay 35 sanno ka hor, in uu casuumo qoraayaasha ku guuleeysto biladda Nobel-ka ee suugaanta.
vie 8 dic 2023
2 : 30 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Amaanka Iswiidhen ayaa aad u xumaaday xiliga dayrta. Dhaqtar ku dhaqan degmada Kronoberg ayaa la sheegay in uusan u helin waqti uu ku maareeyo natiijooyinka baaritaanka. Maalinta Jimcaha ee beri ah waxa magaalada Stockholm laga furayaa bandhiga dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida
jue 7 dic 2023
2 : 33 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maxkamadda racfaanka ayaa hakisay go'aankii maxkamadda degmada ee ahaa in hay'adda gaadiidka ay tahay inay tesla siiso taarikooyin. Maamulka degmada Staffanstorp, oo gu'gii 2022 joojiyay qaabilaadda tirada qaxootiga ah ee degmada, ayaa hadda waxaa baaraya dacwad oogayaasha iyo booliiska. Caafimaadka dumarka soo galootiga ah ayaa ka liita dumarka Iswiidhishka ama halka ku dhasha.
mié 6 dic 2023
2 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xisbiyada Socialdemokraterna, Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet ayaa uga gudbiyay guddihoosaadka dastuurka ee baarlamaanka dacwad la xiriirta habka loo maro mushaar-dejinta howlwadeennada madaxtooyada. 50 boqolkiiba haweenka uurka ayaa ah kuwo cayilan marka ey iska diiwaangelineyaan xarunta daryeelka hooyooyinka uurka leh. Natiijada iskuullada ee ardeyda Iswiidhishka ayaa aad hoos ugu dhacay, sida ku cad baarista cabbirkii isbarbardhiggii ugu dambeeyey ee PISA oo maanta la soo bandhigey.
mar 5 dic 2023
2 : 42 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warbixin sir ah oo ay heshay shirkadda warbaahinta dadweynaha Finland ee Yle ayaa shaacisay sida Ruushku u qorsheeyay inuu carqaladeeyo hannaanka Iswiidhen iyo Finland ee ka mid noqoshada gaashaan-buurta NATO. Ku dhawaad labadii degmaba mid ayaa waxa ay qorshaynasaa iney dhimaan dugsiyada dhaqammada afarta sano ee soo socoda Xukuumadda ayaa soo jeedisay fikir la filayo in uu hirgelo bisha Febraayo, midkaas oo ah in qofka laga mamnuuci karo tegista goobaha qaar si looga hortago dembiyada.
lun 4 dic 2023
1 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Nofembertii ugu mugdi badnayd. Nin taariko ka xaaday gaadhi Boliis oo shallaayay markii la qabtay. Wiil indha la' oo jaamacad ka baxaya.
vie 1 dic 2023
1 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Aradey jaamacadda laga eryay iyo qaar digniin la siiyey.Dhiig la'aan ka taagan mandiqadda Västerbotton.Qiimaha dirista waraaqaha oo kor loo qaaday.Dadka u dhinta wadne-xanuunka oo hoos u dhacay Iswiidhen.
jue 30 nov 2023
2 : 33 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Dawlada oo kordhin doonta lacagta dulsaarka ah ee la saaro deynta ardaydu qaataan sanadka soo socda. Dhakhtar ka hawlgeli jirey Norbotten oo shahwadiisa ku bacrimeyey haween xili uu ka hawlgalayey qaybta bacriminta. Iswiidhan ayaa sanadkan qaadan doonta qaxoontigii ugu yaraa tan iyo 2016.
mié 29 nov 2023
2 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Way adag tahay in telefoon lagu gaadho hayada caymiska dadweynaha shaqaale dhimis la sameeyey awgeed. Dhallaanka fasallada sideed ee Iswiidhen oo kaalinta labaad ka galay su'aalaha arrimaha bulshada iyo Dimuqaradiyada. Walaal ila Orod waa olole laga bilaabay Malmö 2019 kuna faafay Iswiidhen iyo wadamo ka baxsan.
mar 28 nov 2023
2 : 06 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxyeellooyinka ra'sumaal ayaa ku soo badanaya iskuullada Falköping. Waxaa jiri doona baraf badan oo ku teedsan xeebta Norrland malmaha Talaadada iyo Arbacada. Goobo ka mid ah Soomaaliya ayaa ku jira xaalad adag ka dib markii daadad iyo fatahaado ay ka dhaceen gobollada qaar.
lun 27 nov 2023
2 : 30 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda Iswiidhen ayaa iminka ka falcelisay muuqalkii lagu faafiyey gaar ahaan aaladaha bulshadu ku kulanto luuqadda carabiga, halkaasina oo si khaldan loo tarjumey hadal uu ka soo yeeray madaxa xukuumadda Iswiidhen, Ulf Kristersson. Kooxda kubbadda cagta haweenka Häcken oo ka guuleysatay kooxda Real Madrid. Barnaamij ku saabsan xanuunka covid-19 iyo mawjada cusub oo xanuunkaasi ah oo laga dareemayo dalka Iswiidhen.
vie 24 nov 2023
2 : 00 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wakaaladda maamulka iskuullada Skolverket ayaa u soo bandhigtay xukuumadda warbixin la xiriirta in la dheereeyo saacadaha waxbarasho ee dhallaanka dhigta dugsiyada hoose fasallada 1-3. Qiimaha cunnada ee iskuullada ayaa cirka isku shareeray, middaasina oo degmada u soo jiidda kharash badan oo kaga baxa. Bangiga qaran ayaa kor u qaaday ribada hagista siddeed jeer wixii ka dambeeyey bishii Feeberaayo ee sannadkii 2022, si loola dagaalamo sicirbararka.
jue 23 nov 2023
2 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Borofisar ku takhasusay badbaadada waddooyinka Astrid Linder oo ka mid noqotay 100-ka haween ee ugu saamaynta badan siday soo bandhigtay shirkadda adeegga dadweynaha ee Ingiriiska ee BBC. Furriinka hurddada, oo loola jeedo in qolal kala duwan la seexdo ayaa badbaadin karta hurddada iyo xiriirka lammaanahaba, sida uu sheegay caalinka baaraha hurddada Christian Benedict. Shirkadaha kaalmadu waxay ku shaqeeyaan gargaar shakhsiyeed, oo ay ku jiraan dadka naafada ah oo musuq ku shaqeeya.
mié 22 nov 2023
3 : 38 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Iyada oo uu jiro farqi dhanka caafimadka ilkaha ah ayaa haddana dhakhaatiirta ilkuhu waxay xoojinayaan muhiimada cadaygu leeyahay. Degmada Stockholm ayaa shaacisey inay diyaar u tahay martigelinta tartanka qaboobaha ee olambikada sanadka 2030. Xiligan ardayda dugsiyada dhexe dooranayso barnaamijyada dugsiga sarre ayay la kulmaan caqabado kala duwan.
mar 21 nov 2023
3 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kaliya 38 boqolkiiba dadka Iswiidhishka ah ayaa iska hubiya macluumaadka ay qadka internet-ka ku arkaan in uu yahay mid sax ah iyo in kale. Liiska cusub ee dembiilayaasha la raadinayo ee Yurub ku dhaqan sannadka 2023 ayeey ku jiraan 3 Iswiidhish ah. Barnaamij uu Raadiyaha Iswiidhen ka wareeysanayo waalidiin ka hadlayaan arrinka dhaqan celiska ee carruurta dalkii loo geeyo.
lun 20 nov 2023
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Khaladaad culus ayaa dhacay markii guddiga arrimaha bulshada ee degmada Älvsbyn ay go'aansadeen in saddex carruur ah, oo hore loo dejiyay guryaha qoyska ama 'familjhem', dib loogu celiyey waalidkood. Kooxda kubbadda cagta ragga ee Iswidhen ayaa maalintii shalay gul dari weeyn kala kulmeen dhigooda Asarbayjan. Hordhac waraysi uu Raadiyaha Iswiidhen la yeeshay Kristian Svenberg oo muddo 20 sannadod uu dhakhtarnimo kaga shaqeeynayay xaafadaha danyarta iyo ajaanibtu ku badantahay.
vie 17 nov 2023
2 : 41 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Baarlamaanka Turkiga oo maanta oo Khamiis ah ka dooday ka mid noqoshada Iswiidhen ee NATO balse aan wali go'aan rasmi ah ka gaarin. Wiil 16-jir ah oo dil u geeystay wiil ay isku da' yihiin ayaa lagu helay dembi. Hey'adda canshuuraha ayaa bilaabeeysa baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan guryaha dadka si ay wax uga qabato dhibaatada dad badan si qaldan ugu diiwaan gashan yihiin
jue 16 nov 2023
2 : 58 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Baraf ayaa ka da'aya koonfurta dalka Iswiidhen. Shirkadda soo sarto ukunta oo digaagi ay dabar jartay loo isticmaali doono kuleeyliye. Barnaamij ku saabsan muhiimada ay leedahay xirashada bidhaamiyaha la isticmaalo mugdiga ee xiliga jilaalka.
mié 15 nov 2023
2 : 24 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xanuunka xiiqdheerta ayaa halis ku noqon kara dhallaanka da'da yar, waana mid ku sii faafaya imikadan Sweden, sida ku cad tirakoob ka soo baxday hayadda caafimaadka bulshada - Folkhälsomyndigheten. Jaamicadda teknikada Chalmers oo ku taalla magaalada Göteborg ayaa mamnuucday bannaanbaxyada siyaasadda iyo tabbeeleeynta, sida uu qoray wargeeyska Göteborgs-Posten. Hinda Mohamud waxay ka tirsan tahay shirkada Connecto oo dadka ka caawisa helida shaqada waxaanay arrintan ku heshay abaalmarin.
mar 14 nov 2023
2 : 30 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Gobollada dalka Iswiidhen ayaa soo wajahay xilli xaalad dhaqaalaha oo aad u adag. Tirada dadka ka soo baxaya Qaza isla markaana ku soo socdo Iswiidhen ayaanan xukuumadda xisaabinenyin in ay dhammaantooda ka soo gudbaan Qaza Isniinta maanta. Illaa hadda sannadka ayey tiradkii ugu badneyd abid oo geeriyoota ey ku yabooheen xubnahooda marka loo barbardhigo sannadkii 2022.
lun 13 nov 2023
2 : 32 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa'iil, iskuulada ayey ka dhaceen caqabado Yuhuud naceyb. 104 qof oo kulan isugu yimid Jönköping gabagabadii bishii oktoobar ayey soo wajaheen shuban, matag iyo calool xanuun daran. Haweeney ka howlgasha maxkamadda Attunda ayaa lagu tuhunsan yahay dembiga xograadin aanay xaq u laheyn, iyo dembi culus ee xogdhowrid la'aan, islamarkaana u gudbisay shabakad dembiyeed xogta ah in boliisku uu dhageeysto.
vie 10 nov 2023
2 : 55 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Saddexdii siyaasiba mid ayaa mar kasta la kulma hanjabaad, arrintan waxa lagu muujiyey sahan. Xisbiga SD ayaa soo jeedinaya ka hor shirweynahooda in dhalashada lagala noqon karo dadka khatarta ku ah bulshada. 81 Ove Rydén oo bilaabay inuu ku tababarto ciyaaraha fudud si uu uga qaybgalo tartanka waayeelada adduunka ee ciyaraha fudud.
jue 9 nov 2023
3 : 07 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Wadamada soo saara shidaalka oo raba inay kordhiyaan waxsoosaarka boqolkiiba 110 oo ka badan inta loo calamadiyey inaanay dhaafin derejada 1.5. Ayaadu door nooce ah bay ku leedahay qoyska. Sanadkan waxa la filayaa inuu hoos u dhac ku yimaado tukaamaysiga kirismaska.
mié 8 nov 2023
3 : 10 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Ururka shaqaalaha ee gaadiidka ayaa kordhiyay xayiraddii uu saaray shirkadda gawaarida ee Tesla. Xukuumadda Sweden ayaa u soo jeedisay EU in la adkeeyo howlaha ka dhanka ah shakhsiyaadka xagjirka ah ee halista ku ah ammaanka. Dad badan ayaa ka amaahday buugag maktabad xidhnayd oo ku taalla magaalada Göteborg.
mar 7 nov 2023
3 : 04 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Suuqa gaarka ah ee guryaha qoyska ayay tahay in meesha laga saaro sida lagu soo jeediyey baadhis maanta la gudbiyay. Daraasad cusub ayaa lagu sheegay in dumarka sacadaha yar seexda ay halis cafimaad daro oo ka badan ta raga la kulmi karaan. Haa sharcigan wuxuu samaynayaa dhamaan dadka haysta ”arbetstilstånd ama halkan dalka dhexdiisa ha lagu siiyo ama dibadiisa ha lagu siiyee sidaa waxa yidhi Xasan Deri oo ah garyaqaan
lun 6 nov 2023
3 : 28 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Khiyaamooyinka lacagta looga dhaco waayeelka.Siday noqon cimilada labadan maalmood ee fasaxa la yahay sabtida iyo axadda.Dumarka dalka dibaddiisa ka soo jeeda oo aan tegin baaritaannada caafimaad ee loogu yeero.
vie 3 nov 2023
4 : 16 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Iswiidhishka ku dhaqan cirfaha koonfur iyo waqooyi ee dalka Iswiidhen ayaa aad ugu qanacsan lahjadaha ey ku hadlaan. Marka la soo saaro liiska kala horeynta dimuqaaradiyada adduunka Iswiidhen ayaa weli ku jirta heerka ugu sareeya lakiin se waxa jira meelo ay hoos uga dhacday. Baaritan dhowaan laga sameeyay dalka Iswiidhen, ayaa waxay ku caddaatay in dumarku ay kaga badanyihiin ragga hawsha guriga.
jue 2 nov 2023
4 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warbixin cusub ayaa lagu mujiiyay in carruurta iyo dhalinyarada si degdeg ah lagu shaqalayn karo ama loogu jiidan karo kooxaha dembiilayaasha. Nin 21-jir ah oo si gaar ah loogu aqoonsaday inuu ahaa ninkii ka dambeeyay dagaalladii burcadda ahaa ee ka dhacay Sundsvall ayaa maanta lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah. Gobolo ka mid ah Iswiidhen ayaa waxa haweenka uurka leh loo soo jeediyey inay qaataan talaalka xiiqdheerta si ay ka hortag ugu noqoto ilmaha uurka ku jira.
mié 1 nov 2023
3 : 43 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Barafkii oo bilowdey iyo caqabado lagala kulmey. Wax akhriska Sweden iyo hoos u dhaca ku yimid iyo farqiga u dhexeeya jiilasha kala duwan. Gabar ku hammiyeeysa iney qoraanimada meel ka gaarto.
mar 31 oct 2023
3 : 41 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Weli haweenka ayaa masuuliyad weyn iska saara carruurta iyo qabashada hawlaha kale ee shaqada guriga sida warbixin cusub lagu sheegay. Sharci cusub oo ku saabsan markhaatiyada qarsoodiga ah ayaa la doonayaa in laga hirgeliyaa Iswiidhen. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jarmalka oo dhaleeceeyey ururka Friday For Future iyo gabadha reer Iswiidhen ee Gretha Thunberg ee u oleleysa cimilada.
lun 30 oct 2023
3 : 28 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Dembiilayaal Iswiidhash ah ayaa lagu xiray dalalka Seerbiya iyo Tuniisiya. Haweenaydii mindida ku weerartay gabadh 10 jir ah ee magalaada Ängelholm xagaagan, ayaa ah qof qaba xannunka dhimirka oo halis ah. Dhawr carruur oo ku nool degmeda Upplands- Bro ayeey dembiilayaal la soo xiriireen, iyadoo loo marayo aaladda Snapchat.
vie 27 oct 2023
2 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Tiro aad u yar ayaa soo codsanaya kuliyada tababarka macalimiinta. Bisha Agoosto ayaa ahayd bishii ugu badnayd ee la fuliyay khiyanaada dhanka taleefanka, halkaasi oo ay dad badani laga dhacay lacago. Xukuumadda ayaa doonaysa in la dheereeyo isticmaalka taayirada birta leh xiliga qabowga muddo ka dheer inta lagu guda jiro xiliga gu'ga.
jue 26 oct 2023
2 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Xisbiga Socialdemokraterna oo raba in shati cusub lagu xidho shirkada daryeelka caafimaadka si looga ilaaliyo kooxaha dambiilayaasha. Maxkamada Rafcaanka ee Göta oo xukuntay labadii gabdhood ee loo haystay dilka gabadha 20 jirka ahayd ee dhacay Oktoobar sanadkii hore. Tagsiilayaasha Uber iyo Bolt oo ka werwersan amaankooda.
mié 25 oct 2023
3 : 22 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Laba nin ayaa hadda lagu wadaa in baaritaan lagu sameeyo, baaritaankaas oo ku saabsan xiriirka ay la leeyihiin ninka looga shakisan yahay falka argagaxisnimo oo ka dhacay Brussels ee Abdesalem Lassoued. Israa'iil ayaa haatan ka falcelinaysa falkii ay Greta Thunberg ku dhaqaaqday, kadib markii ay mudaharaad ku taageertay Qaza. Degmeda Burlöv ee ka tirsan gobolka Skåne ayaa biloowday mashruuc ay uga hortagayso in dhalinyarada loo jiito shabakadaha dambiyada.
mar 24 oct 2023
4 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Subaxnimadii Axadii, ayaa la arkay rasaas lagu furay albaabka guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada Mölndal ee koonfurta Göteborg. Jimcihii la soo dhaafay ayaa lamaane nin iyo xaaskiisa ah la soo xidhay kuwaasi oo loo haysto dambiyo ka dhan ah amniga qaranka. Hadda ardayda gobolka Gotland ayaa jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa jidhka loogu qori karaa waraaq cafimaad ahaan ama recept si looga hortago fadhiga badan ee u horseedi kara xanuun jidheed iyo mid maskaxeed labadaba.
lun 23 oct 2023
3 : 20 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Ninkii geeystay dilkii Brugsell ayaa la hadlay waalidkiii dhaley (hooyadii) ka hor inta uusan fulin fal-dembiyeedkaa. Ururka Gargaarka ee Xisbiga Bidixda, Ururka vänster International Forum (VIF) ayaa gargaar dhaqaale siiyay ururka Falastiiniyiinta ee DFLP. Sicirka kor u kacay saameeyeyna caalamka iyo bulshada reer Sweden ayaa sidoo kale culeeyn ku hayn kara qoysaska danyarta, gaar ahaan xilliyada is bedbedela.
vie 20 oct 2023
2 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Fannankii caanka ahaa ee Lasse Berghagen ayaa maanta geeriyooday. Ciyaarta isreebreebka koobka Yurub ee u dhaxaysa Sweden iyo Beljim ayaana dib loo cayaari doonin. Waxaa Sweden werwer ku abuuray qaraxyo taxane ah oo lagu bartilmaameedsanayo ehelada dad lagu tuhmayo in ubadkoodu xidhiidh la leeyihiin kooxaha gaangiska ah.
jue 19 oct 2023
3 : 28 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Macbadka cibaadada Yuhuudda ee Malmö oo buuxin lahaa 120 sanadood ayaan loo samayn wax xus ah sababo la xidhiidha xaaladda bariga dhexe ka taagan wakhtigan. Shabakadda wararka Alkompis oo laba ka mid ah shaqaalaheeda ku qoreen bogaggooda gaarka ah ee facebook faalooyin loo arki karo kuwo ka dhan ah dadka Yuhudda. Dhawaaqa saacadda hurdada ka kicisa ee Alarm waxay ay dadka ku dhalisaa inay si degdeg ah u fikiraan sida lagu ogaaday daraasad cusub.
mié 18 oct 2023
3 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Madaxa xukuumadda Sweden Ulf Kristersson ayaa caddeeyay in laba muwaadin oo iswiidhish ah lagu diley toogasho ka dhacday magaalada Brugsell ee dalka Beljimka. Iswiidhishka ku sugan magaalada Brugsell ayaa loogu baaqay iney taxaddaraan. Laba shey oo looga shakisan yahay iney yihiin waxyaabaha qarxa oo laga heley magaalada Göteborg ayaa xiriir la yeelan kara dagaalka ka dhex socda kooxaha gaangiska ee magaalada Stockholm, sida uu qoray wargeeyska Göteborgs-Posten.
mar 17 oct 2023
3 : 49 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Qof walba ayaa Sweden isku qori kara cinwaankii uu doono, oo qofka ama dadka hooygaa horey u deggenaana ogaaneyaan marka ey boosto u timaaddo ama iyagu eegaan. Wiil 16-jir ah ayaa Rummaanka loo dhigey tuhun la xiriira saddex dil oo ka kala dhacey nawaaxiga Stockholm laba meelood oo kala duwan gabagabadii toddobaadkii ina dhaafay. Isticmaalka khamriga ayaa 2 boqolkiiba ka hooseeyey sannadkii tagay, marka loo barbardhigo sannadkii 2019.
lun 16 oct 2023
3 : 36 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Shir madaxeedka sarre oo u dhexeeya wadammada dhaca waqooyiga yurub oo ka dhacaya magaalada Visby, ee gobollka Gotland. Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson (M) ayaa rajo ka qaba in hannaanka ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO uu horay tallaabo u qaadi doono. Ajaaniibta Sweden ku dhaqan ayaa qaarkood magacyadooda beddela si ey ugu sahlanaato iney shaqo ku helaan.
vie 13 oct 2023
3 : 40 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Diyaarad ku soo wajahan Iswiidhen ayaa caawa kasoo baxaysa Israa'iil. Boliiska magaalada Uppsala ayaa mar kale gacanta ku dhigay waxyaabaha qarxa goor dambe ee fiidnimadii arbacadii ina dhaaftay. Film uu faafiyay oo lagu gubayo quraanka ayaa lagu xukumay kicin ka dhan ah qowmiyad.
jue 12 oct 2023
2 : 36 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wadahadalkii shirkadaha dayuurradaha rakaabka ee loogu talagalay daad gureeynta muwaadiniinta Iswiidhashka ee ku sugan Israa'iil ayaa hadda socota. Wiil aan qaangaarin ayaa lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago shaki tuhun ah oo laga qabo inuu isu diyaarinayay weerar uu ku qaado iskuul ku yaala nawaaxiga Göteborg. Baarista sannadlaha oo ay soo saarto hayadda ka hortagga dembiyada ee BRÅ ayey 53 boqolkii ku jawaaben iney badankood welwel ka qabaan xaaladda dembiyada ee bulshada ka dhaca.
mié 11 oct 2023
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Labo ilmood oo aabbahood oo iswiidhish yahay oo ku geeriyoodey duqeymo dhanka cirka ah oo ay Israa'iil ka geysatay marinka Qaza malintii shalay, sidaay sheegtay Ekot. Ku dhowaad bar qaxootiga Ukrayn ee Sweden ku heley magangelyada ayaa shaqeeya oo masuufkooda ku filan, sida laga soo xigtay laanta idaacadda P4 Malmöhus. Qaraxyada iyo toogashooyinka sii xoogeysanaya ee dalka ka dhacaya ayaa sababay inay xukuumaddu tallaabooyin adadag kala hortimaado sidii loo yareeyn lahaa.
mar 10 oct 2023
3 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Iskuul lagu barto SfI oo ku yaalla magaalada Ludvika ayaa dhawaan laga bilaabay hab cusub oo ardaydayda afka Iswiidhashka lagu baro. Biladda dhaqaalaha sannadka 2023 ee lagu maamuuso Alfred Nobel ayaa lagu dhawaaqay inay ku guuleeysatay cilmibaaraha dhaqaale ee Mareeykanka Claudia Goldin. Go'aannada ay xukuumaddu ku tala jirto ee ka hortaga dambiyada iyo xoojinta amaanka ayaa waxa ka mid ah in la dhagaysan karo taleefanada dadka, xitaa iyadoon dembi lagu tuhunsanayn.
lun 9 oct 2023
3 : 37 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Narges Mohammadi, ahna suxufiyad u doodda arrimmaha xuquuqda bani'aadmka ayaa ku guuleeysatay biladda nobeelka nabadda ee sannadka 2023, sida maanta lagaga dhawaaqay rugta nobeelka ee dalka Noorwey. Weli ma cadda wixii ku dhacay wiil 15 jir ah oo laga la'yahay gurigooda oo ku yaalla magaalada Allingsås illaa isniintii. Kulan looga hadlayay xanuunnada ku dhaca dhimirka, saameeynta ey bulshada ku leeyihiin iyo sida loola tacaali karo.
vie 6 oct 2023
3 : 30 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Jon Fosse, ahna masraxle u dhashay dalka Noorwey ayaa sannadka ku guuleeystay biladda abaarmarinta nobeelka ee suugaanta. Xukuumadda ayaa hadda u saaraysa baaris lagu eegeyo xeerarka magangelyo doonka iyo weliba sidii xeerarkaasi loola qabadsiin lahaa midda sharciga heerarka ugu hooseeya ee xeerka EU-du ogol yahay. Dalalka Midowga Yurub ayaa heshiis ka gaaray siyaasaddooda arrimmaha magangelyodoonka iyo socdaalka.
jue 5 oct 2023
3 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saynisyahannada kala ah Moungi Bawendi, Louis Brus iyo Alexei Ekimov ayaa ku guuleystay abaalmarinta Nobel-ka ee Kimistariga sannadka 2023.Xisbiyada gacanta ku haya hoggaanka gobolka Stockholm ee S, C, MP iyo V, ayaa doonaya iney boqolkiiba 30 öre kor u qaadaan canshuurta. Sidoo kale waxaa la soo jeediyey khidmadda booqashada caafimaadka iyo kaarka gaadiidka daweynaha SL-kort in kor loo qaado. Barnaamij taxane ah oo la xiriira kireeynta guryaha ee gacanta labaad ee aan ogolaanshaha loo heeysan.
mié 4 oct 2023
3 : 46 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Biladda abaalmarinta fiisikada ee 2023 ayaa sannadka lagu bixiyey cilmibaarista la xiriirta elektrooner-ka iyo biriqda ilayska. Saddex caalin ayaana ku guuleeystey. Ra'iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa ku casuumay hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo xisbiga Sverigesdemokraterna shirka golaha talabixinta amniga qaranka. Jan Nilsson, ama Abdul Hamid oo horey loo oran jirey ayaa magaciisa bedelay si uu si ka sahlan shaqo ugu helo.
mar 3 oct 2023
3 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen.
Biladdii abaalmarinta noobelka ee caafimaadka oo la magacaabey cidda ku guuleeysatey. Dhawaan waxaa dhaqan gali doona xeer lagu adkeeyey ee tahriibka shaqada u yimaada dalka ee ka soo jeeda waddammada ka baxsan EU. Kulanka uu galabnimada maanta yeelan doono guddiga qaran ee ammaanka ayaa dhammaantii wuxuu ku saabsanaan doonaa hirarka rabshadaha dalka ka dhacayey beryahan dambe.
lun 2 oct 2023
3 : 27 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda oo fartay milateriga inuu howlaha qaarkood inta sharcigu ogol yahay gacan ku siiyo boliiska la dagaalanka rabshada gaangiska. Cunno-iibsigii oo yaraadey iyo iibsiga macmacaanka oo kor u kacay. Wasiirro xubno ka ah xukuumadda Sweden oo warqad farriin ah u direy dawladda Soomaaliya bishii maajo ee sannadkan 2023.
vie 29 sept 2023
2 : 57 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxaa hoos u sii dhaceeysa da'da dhallinyarada doonta iney isaga baxaan kooxaha dembiyada isku baheeysta. Saddex wiil oo 15-jirro ah oo boliisku ogaadey iney gacan ka geeysteen rabshadihii ka dhacay horraantii bishii sebteember xaafadda Rosengård oo uu ka dhacayay bannaanbax kitaab lagu gubayey. Dhaqaalexumidda dalka ka jirta oo sii adkaan doonta sannadka foodda innagu soo haya, sida uu saadaaliyay machadka culuunta is-rogrogga dhaqaalaka ee loo soo gaabiyo KI.
jue 28 sept 2023
3 : 01 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda ayaa doonaysaa in la hirgeliyo diiwaan qaran ee ogolaansho shati dadyoowga haya waxyaabaha qarxa. Falka sharaf-dhowrka ayaa ka dambeeyay mar uu sannadkii hore wiil ku dilay hooyadii magaalada Göteborg, sida ay go'aamisay maxkamadda racfaanka ee galbeedka Iswiidhen. Sabtidii ayaa la qabtay kulan looga xaajoonayay dhibaatooyinka cabashada ee waalidiinta soomaalida ee Iswiidhen ku dhaqan.
mié 27 sept 2023
2 : 33 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Turkey oo shuruuda helida diyaaradaha F16 ku xidhay xubinimada Iswiidhen ee gaashaanbuurta Nato. Dadka heley taageero dhaqaale ayaa shan jeer in ka badan halis ugu jira iney is-dilaan. sida ay sheegtay Ylva Ginsberg. Welwel badan ayaa waayadan dambe ka guuxayey bulshada soomaalida ee ku dhaqan dalka Sweden ee la xiriira carruurta waalidkood laga kaxeeyo.
mar 26 sept 2023
3 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Garoon ciyaaraaha oo ay ku tababartaan carruuurta kuna yaalla Stockholm ayaa dhawaanahan lagu arkay amni darro. Nin ku nool magaalada Malmö ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay kadibna uu jarjaray haraaga jirka nin 20 jir ah. Dhawaantan ayay xukuumadda Iswiidhen ku dhawaaqday inay joojinayso lacag lagu tageeri jirey ururrada ku dhisan qoomiyadaha oo dhan 19 milyan oo karoonka Iswiidhishka ah.
lun 25 sept 2023
3 : 16 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kooxda kubadda cagta AIK ee ka dhisan Solna, ayaa u digaysaa waalidiinta carruurtoodu u ciyaaraan naadiga. Safafka dheer ee loo galay goobaha codbixinta sannadkii hore, ayaan ahayn sababta ugu weyn ee keentay hoos u dhaca ku yimid codbixinta doorashada. Booliisku ayaa raadinayaan dambiilaha keligiis ah kadib markii xalay toogasho lagu dilay goob baar ku taal bartamaha Sandviken.
vie 22 sept 2023
2 : 58 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Haddii uu hirgalo sharciga ku saabsan ku soo wargelinta khasabka ah, degmada Göteborg ayaan wax tallaabo ah ka qaadi doonin shaqaalaha aan soo sheegin dadka sida sharci darrada ah ku jooga Iswiidhan. Waayeelka ka da'da weyn 75 sannadood waa in laga tallaalo fayruska RS.Waa boorin ka timid hayadda caafimaadka bulshada. Dhaqdhaqaaqa iyo tababarku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha caafimaadka qofka kor u qaada, kana hor istaaga cdurro badan.
jue 21 sept 2023
2 : 48 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxaa beryahan dambe la isla dhexmarayey warar sheegaya in dhallaanka dhigta dugsiyada xanaannada lagu baro macluumaad ku saabsan galmada. Adeegga xarummaha gargaarka degdegga ah ayaa qaata waqti dheer, sida ku cad tirakoobka hayadda hoggaanka bulshada. Magaalada Kiruna oo saaka ku waaberisatay magaalo cad oo baraf buuxiyey.
mié 20 sept 2023
2 : 50 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Siyaasigii Per Gahrton, kana mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga cagaaran/doogga ee Miljöpartiet oo ku geeriyooday da'da 80 jir. Swedenoo weli ey rabshadihii ka socdaan iyo rabshado xaley ka dhacey goobo kala duwan. Daraasad lagu eegeyo hooyooyinka soomaaliyeed ee uurka leh ee ilmuhu caloosha kaga geeriyoodaan.
mar 19 sept 2023
3 : 41 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Qiimaha karoonka Iswiidhan oo si aanu abid hoos ugu dhicin hoos ugu dhacay halka uu isniinta maanta gaadhay. Mgaalada Norrköping shaqaale ka hawlgala dugsi ku yaala magaalada ayaa laga shaqadalaga fariisiyay iyada oo lala xidhiidhinayo rabashado magaalada ka dhacay khamiistii. Hubanti la'aan cusub ayaa ka jirta ku biirida Nato ee Iswiidhan.
lun 18 sept 2023
3 : 02 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxa dalkani Iswiidhen ka dhacay is xabadayn sababtay dhimashada 6 qof oo ka kala dhacay goobo kala duwan. Magaalada Säter waxaa hadda ka bilaabmaya mashruuc ay dhallinyaradu fursad u helayaan in ay ka qaybqaataan hoowlaha wakhtiga firaaqada ah la qabto iyo tartamo kala duwan. Tagitaanka dhakhtarka ilkuhu ayanan bilaash u ahaan doonin kuwa da'dooda u dhaxeeyso 1923.
vie 15 sept 2023
2 : 47 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shan qof oo Iswiidhish ah ayaa lagu xiray dalka Turkiga, waa sida uu qoray wargeeyska Expressen. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa wargeyska u xaqiijisay. 20 sannadood oo ay ka soo wareegtay aftidii loo qaadey lacagta euroga oo maya loogu codeeyey. Nin mootanaa qiyaastii 10 000 oo sannadood oo shabihiisii dib loo soo dhisayo.
jue 14 sept 2023
2 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dhowr taksiileyaal oo ka daalay duruufaha shaqo ee liita ee ka jira shirkadaha app-ka sida Uber iyo Bolt ayaa sameeystay app cusub. Rabshadihii ugu dambeeyey ee dhacdooyinkii dalka ka dhacay ayaa ah kuwo baaxaddooda wax loo dhigaa aaney jirin. Khadiija Maxamuud oo ku shaqeeysata xirfadda cunnakarinta ayaa ku tala bixisay sida ey qoysaska saboolka ahi u dhimi karaan kharashka cunnada kaga baxa xilligan oo kale oo lagu jiro xaalad dhaqaale oo cakiran.
mié 13 sept 2023
3 : 18 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wiil 18-jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil, kaas oo sababay toogasho ka dhacday koonfurta Stockholm. Waxaa caawa la wada sugayaa ciyaarta masiiriga ah ee xulka qaranka ragga kubbada cagta Iswiidhen iyo kooxda Awsteriya. Beryahan dambe soomaalida ayaa ku yaraatay xarunta lagu magacaabo Welcome House'' waa rugta dhexe ee meeleeynta oo lagu gacanqabto ajaaniibta kolka ey dalka ku cusub yihiin.
mar 12 sept 2023
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xulka kubada cagta ee Sweden ayaa sabtidii ina dhaaftay 5:0 kaga guuleeystay dhigooda Istooniya Waxa kor u kacday tirada dhimashada dhulgariirkii h jimcihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Moroco Banaanbax balaadhan oo shalay dhacay ayaa lagaga soo horjeeday arrinka soo sheegida dadka aan lahayn sharciga degenaanshaha, waxa soo abaabuley qabsoomidiisa 50-tameeyo urur .
lun 11 sept 2023
4 : 24 min
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Laba qof ayaa loo qabtay tuhun la xiriira dil alay ka dhacay magaalada Uppsala habeennimadii shalay. Waxaa la go'aamiyay inay halkeedii ka sii socoto suurtagalkii ahaa inay shaqaalaha ka howlgala goobaha daryeelka waayeelku sii qaadan karaan aqoonkorosi waxbarasho saacadaha shaqada oo ey mushaarna ku heleyaan. Khamiistii shalayto ayaa xaafada Rinkey loogu qabtay Baroordiiq la isku xasuusinayay taariikhdii fannaanka.
vie 8 sept 2023
3 : 15 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Haweeney 60 jir ah ayaa xalay lagu toogtay magaalada Uppsala. 275 kiilo oo ah nooca maandooriyaha amfetamin, qiimaha ay waddooyinka ka joogtaa ahayd malaayiin fara badanhase yeeshee lagu sancadeeyey meel indhaha caalamka ka qarsoon oo ku taalla xera-fardeed nawaaxiga Listerlandet gobolka Blekinge ee koonfurta Skåne. Degmada Göteborg ayaa si ku sime ah ayaa laga shaqaaleeysiisay goobaha ardeyda lagu hayo xilliga ey fasaxa yihiin, nin lagu xukumey doonis inuu ku biiro Daacish.
jue 7 sept 2023
2 : 28 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wixii ka dambeeyey falalkii gubista kutubta Qur'aanka ayey culimo badan oo caalami ah welwel ka muujiyeen kor u kicid dacaayadaha internetka lagu baahiyo ee lidka ku ah Iswiidhen. 17-jir ayaa loo qabtay rabshadihii axaddii ina dhaaftay ka dhacay xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö. Ciidanka booliska Iswiidhen iyo Noorwey ayaa wadajir u dhisan doona xarun boliis oo ey ku wada shaqeeyaan.
mié 6 sept 2023
3 : 05 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Miraha iyo khudaarta ayaa yeesha midabbo badan oo xoogan. Ma ahan oo kaliya qurux, laakiin sidoo kale caafimaad ayaa laga helaa, sida lagu sheegay laanta idaacadda ee culuunta sayniska. Gacanyare ka howlgala wakaaladda canshuuraha ee Malmö ayay la soo gudboonaatay inuu si kama' ah ugu diray mail ey ku qoran yihiin xogaha shakhsiyaad gaarsiisan 7700, shakhsi khaldan. Boliisku waa inay saxaan khaladaad, kadib wixii ka dambeeyay geeridii sarkaalkii sare ee Mats Löfving.
mar 5 sept 2023
3 : 17 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Hoggaanka ururka samafalka Nobel ayaa dib uga laabtay go'aankiisii ahaa in xafladda billad-bixinta Nobel ee bisha diseember uu ku casumo safiirrada Iswiidhen u matala waddammada Ruushka, Iiraan iyo Beelaruus. Muwaadinkii iswiidhishka ee abriil 2022 lagu qabtay dalka Iiraan illaa haddana ku xabisan ayaa la shaqeeynayay EU, sida uu qoray wargeeyska mareeykanka ee New York Times. Bulshada reer Malmö ciddey doonaanba ha ahaadaane iswiidhish ama ajnabi, muslin ama aan ahayn, waa dad xeerka raaca.
lun 4 sept 2023
3 : 36 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Inta lagu guda jiray xagaagii, tirada muwaadiniinta Ciraaq ee ku jira goobaha laysku hayo ka hor tarxiilka ee sugaya masaafurinta ayaa kordhay. Qarashka booliska kaga baxay falalka gubista kitaabka Qur'aanka ee guud ahaan dalka ayaa ilaa iyo imminka ah 2,5 milyan oo karoon. Shirkada tareenada ee SJ waa mid ka mid ah shirkadaha dawliga ah ee bixiya adeega tareenka isla markaana ka hawl gala soomaali badan qabtana shaqooyin kala duwan.
vie 1 sept 2023
3 : 12 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in xukuumaddu ay baarto haddii ay suurtagal tahay in la mamnuuco gubista kitaabka Qur'aanka. Saddex kiis oo jadeeca ah ayaa laga helay gobolka Stockholm toddobaadyadii ugu dambeeyay. Sideed ka mida tobankii arday ee waxbarashada fasalka sagaalaad ee iskuulka Fittjaskolan ee magaaladda Stockholm ayaa sannadkan iskuulka kaga baxay natiijaddii ugu wanaagsaneed ee sannad dugsiyeed ee iskuulka tan iyo 2021.
jue 31 ago 2023
2 : 42 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xaaladda dhaqaale adag ee jirta awgeed, waxaan dadka ku filneen lacagaha soo gala -waa sida ay dareentay Malin oo a ku nool Malmö. Booliska ayaa xaqiijiyay in labo qof meydkooda laga helay guri ku yaalla nawaaxiga Kiruna. Duulaan kaneeco ama dhilmaanyo ayaa ka jira magaaladda Stockholm, sida ay dareemeen dadka qaar.
mié 30 ago 2023
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12 ka mid ah 21ka gobol ee Iswiidhen ayaa ka soo horjeeda soo jeedinta xisbiyada ka dhexeeya heshiiska Tidö ee ah in la soo bandhigo ogaysiis qasab ah oo loogu talagalay shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee dowladda. Nin ku jira da'da 30-meeyo ayaa maanta xilligii qadada loo soo xiray tuhun ah isku day dil oo ka dhacay magaaladda Borås. Sabina Zainab Hassan waa kalkaaliso caafimaad oo ku nool magaalada Uppsala isla markaana qortay buugga 'Molnhåret' oo macnahiisu yahay timihii daruurta ahaa.
mar 29 ago 2023
2 : 50 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Nin Swedish-Ruush ah, kuna nool Sweden ayaa lagu soo oogay dacwad ah in howlo basaasnimo sharci daro culus uu u qabanayay dalka Ruushka. Dhererka baabuurta xamuulka ayaa maanta ah 25,25 meter, balse laga bilaabo dhammaadka bishan baabuurta xamuulka ayaa bedelkii dherekooda ugu badan waxuu noqon karaa 34,5 meter. Yusuf Hussein ayaa ka mid ah dhallinyaro sannadkan la guddoonsiiyay abaalmarinta Young Courage.
lun 28 ago 2023
3 : 10 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Iskuulada Sweden ma siiyaan ardayda fursado isku mid ah waxa sida lagu soo bandhigay qiimeynta cusub ee hayada waxbarashada ee Skolverket sameysay Dhallinyarrada caba cabitaanadda sida läsk iyo energi dricka ayaa si ba'an u saameeya ilkaha. Guddoomiyaha Järva Rashid Ahmed oo sheegay in maamulka nawaaxiga ku howlan yahay wax ka qabashada rabshadaha xaafahadaasi.
vie 25 ago 2023
2 : 30 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Meydka will la weysanaa tan iyo bishii Luulyo oo jimcihii laga helay Upplands bro waqooyiga Stockholm. Wasiirka arrimaha dibedda Sweden oo ka hadlay wararka dhimashada hoggaamiyaha kooxda Ruushka ee Wagner. Mid ka mid ah shilalka ka dhaca wadada ay ku dhinteen 5 qof ee u dhaxeysa Skara iyo Falköping oo la sheegay in gawaarida xamuulka ku lug leeyihiin.
jue 24 ago 2023
3 : 04 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Hey'adda gaadiidka iyo booliska oo baaris ku bilaabay shilkii gaadiidka ee Isniintii ku geeiyoodeen shan qof. Wxaaa baarista qeyb ka ah baaris lagu sammeynayo labbada baabuur iyo oogada meydadka inta shilka ku dhimatay. 14 jir aabihiisa ka badbaadiyay xilli ugaarsiga oorso ku jiraan. Caruurta aan xaalado xanuunada Autism ama ADHD u aadeyn iskuulka oo sii kordhaya
mié 23 ago 2023
3 : 23 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Centerpartiet ayaa soo jeediyay in sannadka waxbarashada iskuulka lgu sii dheereeyo ama lagu daro labo toddobaad. Nin isku hor qaawinaya gabdhaha da'da yar nawaaxiga Umaeå, sida booliska ka digayaan. Shil daran oo shan qof ku geeriyoodeen oo ka dhacay wadada 184 ee u dhaxeysa Skara iyo Falköping
mar 22 ago 2023
3 : 06 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
Björn ama oorso weerartay aabe iyo wiilkiisa. Oorsada oo ku geeriyootay weerarka. Hey'ado loo dhiibay sidii loo si kordhin lahaa ammaanka gaadiidka dadweynaha iyo tareenada dalka. Xukuumadda oo ku howlan sidii loo xaqiijin lahaa helitaanka daawooyinka antibiotikada xilli gabaabsi ba'an laga sheegayo daawooyinkaasi ka hor inta aysan bilaaban deyrta.
lun 21 ago 2023
3 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maalinta beri ee Sabtida ah ayaa Iswiidhen la ciyaari doonto dalka Australia, labada dal ayaa ku tartami doono bilada maarta ah. Karoonka Iswiidhashka ayaa sii luminaya qiimahiisa. Dad ay laanta Afka Soomaaliga ee Raadiyaha Iswiidhen kula hadashay waddooyinka Stockholm ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heerka sare u qaadista argagaixiso ee dalka Iswiidhen.
vie 18 ago 2023
2 : 40 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Booliska nabadsugida ee Säpo ayaa maanta kor u qaaday heerka khatarta argagixisanimo ee dalka Iswiidhen . Waxay u ektahay in ay ku adkaaneyso xukuumadda in taageero kaga hesho aqalka baarlamanka in la bedelo xeerka ordningslagen. Dadka dibeddaha ku dhashay ama ka soo jeeda ayaa waaya arag u noqdo dhibaatooyin weyn bii'ada shaqada taasoo ka badan inta ay la kulmaan kuwa dalka ku dhashay.
jue 17 ago 2023
3 : 41 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Arbacadda maanta waxaa bilaabanaya toddobaadka dhaqanka ee Stockholm kaasoo socon doona ilaa iyo Axada. Labo waalid oo ku nool degmadda Arboga ayaa lagu diray xukun xabsi ah sannad iyo labo midkiiba waayo waxaa lagu helay eedeyn ah in cadaadis ama caburin sharf dhowr ay kula kaceen gabadh ay dhaleen. Ammaanka xaaladda sii xummaaneysa darteed, hay'adda gaadiidka ee Trafikverket ayaa imminka xoojineysa howlaheeda la xiriira su'aalaha amniga.
mié 16 ago 2023
2 : 16 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ciyaaryahanada Rebecka Blomqvist ee maanta dhalisay goolka bareejada ee ciyaarta semifinalka ayaa ka hadashay dareenkeeda ka dib guusha marka ay raacday dalkaasi Spain. Hay'adda saadaasha hawada ee SMHI ayaa ka digeysa in roob fara badan uu wadada ku soo jiro. Dad gaaraya 60 qof oo ku kala nool xaafadaha Rinkeby iyo Skärholmen ahna waalidiin iyo caruurtooda ayaa talaadadi u safray Philipsonska Gård oo ku taalla magaalada Strängnäs.
mar 15 ago 2023
3 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dalaga qamida ee sannadkan ayaa la filayaa in 15 boqolkii uu ka yaraado kii sannadkii hore , waa sida ay saadaalineyso wakaaladda beeraha Jordbruksverket. Dad fara badan ayaa shaqo helaya Iswiidhen, tiradda dadka shaqeynaya ayaa tii ugu sarreysay ku dhowaad 20 sano. Nimco Ahmed Ali waa hooyo da'yar kuna nool magaaladda Norrköping, waa jilaa hooyo keli ah oo caruur leh ku metashay filim.
lun 14 ago 2023
3 : 38 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Sweden oo iska xaadirisay ciyaarta semifilnalka ee koobka kubadda cagra adduunka ee hablaha. Waxay la ciyaari doontaa Spain Talaadada. 15 loo hayo tuhun afduub. Mogadishu oo mart gelineysa bandhig farshaxan
vie 11 ago 2023
2 : 49 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Khasaaraha ka dhashay roobabkii Hans waxaa ka mid ah baabi'inta dalagyadii baradhada ee gobolka Halland. Sicirka shidaalka oo gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkan gudihiisa. Udiyaargarawga furitaanada iskuuladda oo la sheegay in muhiim u tahay ardayda
jue 10 ago 2023
2 : 54 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Degmooyin badan ayaa lacag ku bixinaya in shaqaalaha waayeelku fasaxooda dib u dhigtaan. Booliska ayaa soo hal qof oo lagu tuhunsan yahay dambi culus oo la xidhiidha hub iyo diyaarin dil. Baadhitaanka xanuunka HPV inaad tagtaa aad bay muhiim u tahay si looga hortago dhibaatada caafimaad daro ee ka dhalan karta cudur sidahan, sida ay sheegtay Umuliso Ayan Habane
mié 9 ago 2023
2 : 34 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
Dekeda kalluunka ee Göteborg oo ay qeyb ahaan qrqiyeen fatahaado ka dhashay roobabka da'aya. Tartanka sannadlaha kubadda koleeyga oo ka socda Rinkeby. 15 jir lagu soo oogay dacwad dil ka dhacay xaafad ka mid ah Stockholm
mar 8 ago 2023
2 : 58 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dad aad u tiro yar ayaa raadsada shaqada ama waxbarashada tamarta sidaasi daraadeed waxa baahi loo qabaa xirfadaha qaarkood. Madaxii wada xajoodka Iswiidhen iyo Nato oo shaqada ka tagaya bisha september Shimbiruhu waa qaylo dhaan deegaan.
lun 7 ago 2023
2 : 42 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dad badan oo ka shaqeeya daryeelka maxaabiista ama Kriminalvården ayaa joojinaya oo ka tegaya shaqada. Labo qof ayaa la dalbaday in loo sii hayo tuhun ah in ay ku lug lahaayeen weerarkii qarax ee ka dhacay Södertälje talaadadii toddobaadkan. Rabshadii shalay ee xafladda Ereteriya ee ka dhacday Stockholm ayaa saameysay dadka ku dhaqan nawaaxiga Järva.
vie 4 ago 2023
2 : 10 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Safaradda duulimaadyadda ee laga tago Iswiidhen ayaa si weyn u kordhay bishii Luulyo. Howlgal baaxad lahaa oo lagu soo qabtay maandooriye fara badan gobolka Skåne, ayaa dadka loo hor geynayo maxakmada waxaa ka mid ah haweeney 75 jir ah. Dhalinyaro Soomaali ah oo ku dhaqan magaaladda Göteborg, ayaa ku howlan filim loogu magac daray ''Kala fog''.
jue 3 ago 2023
2 : 49 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xulka qaranka Iswiidhen ayaa ka guulaystay xulka qaranka Arjantiina kulanki ugu danbeeyay ee heerka guruubyada koobka aduunka ee FIFA. Booliska ayaa helay raadka dadka ka cararay goob lagu tuhunsan yahay in uu dil ka dhacay, magaaladda Göteborg. 10-15 % dadka ka weyn da'da 76 ayaa waaya arag u noqdo ama dareema mar walba in ay keli yihiin.
mié 2 ago 2023
2 : 33 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda Sweden ayaa sheegtay in si adag loo xoojin doono ilaalinta iyo kontoroolada xaduudaha dalka. Qarax aad u xoog badan ayaa xalay ka dhacay iridka hore guri dhisme qoysas fara badani degan yihiin kaasoo ku yaalla Ronna, Södertälje. Yaasin Cabdullaahi wuxuu ka mid yahay soomaalida Göteborg oo dhiig ku taburacayey muddo ka badan 20 sanno sida uu sheegay, mar uu laanta soomaaliga la hadlay.
mar 1 ago 2023
2 : 51 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka arrimaha SwedenTobias Billström ayaa la hadlay inta badan wasiiradda arrimaha dibedda ee dalalka ururka iskaashiga Islaamka ka hor kullan wasiiradaasi maanta isugu imaanaya ee ka hadlida gubida Quraanka. Degmooyinka oo imminka la saaray dadaaladda ka hortaga dambiyadda. Cimilada roobka iyo dabeysha oo hoos u dhigay sicirka korontada
lun 31 jul 2023
3 : 14 min
Maanta iyo wararka Raadiyaha Sweden
Xilli ay Yurub tirada magangelyo doonka sii kordhayaan ayey haddana tiro yari oo magangalyo doonka ka mid ah imaneyaan Sweden. Kuresha Gelle Roble, waa hooyo heysata 12 carruurah, kuna dhaqan degmadda Ljusdal. Waxay ku shaqeysaa meherada Undersköterska. Daryeelka qoyska sidaasi u ballaan ee ay hooyada u tahay, kama uusan xanibin waxa ay ku riyooneysay. Xulka Sweden oo berito la ciyaari doono xulka gabdhaha Talyaaniga.
vie 28 jul 2023
2 : 54 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda ayaa eegeysa haddii ay jirto baahi ah in wax laga bedelo sharciga kala dambeynta si loo joojiyo gubista Quraanka. Booliska oo ay ku sii adkaaneyso in ay helaan fardo ay ku qabtaan howlahooda. 17 jir si samafal bilaash ah ku jara kuna nadiifiya timaha dadka ku nool waddooyinka
jue 27 jul 2023
2 : 48 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda Iswiidhan ayaa maanta qabatay shir jiraa'id oo ay kaga hadleeyso waxa ay ku sheegtay xaaladihii ugu dambeeyey ee Oollaha ka dhanka ah wax yeeleynta danaha Iswidhan. Wakaaladda cuntada ooku boorinaysa dadka u dheganugul inay taxadar dheeri ah ka muujiyaan cunnadooda, maadaama uu socdo safmareen uu ka dambeeyo jeermiska Listeri-yada loo yaqaanno. Degmada Ljusdal-:Ururka haweenka caalamiga- Internationella kvinnoföreningen oo dumarka ajaaniibta gacan siiya.
mié 26 jul 2023
3 : 16 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Guddiga masiibooyinka qaranka ayaa dhameeyey baaritaankii ay ku sameeyeen burburkii markabkii quusay ee Estonia. In ka badan 100 kun goobood oo sannadkan laga hirgelinayo qalabka cadceedda ka dhaliya korontada. Muddooyin kala duwan oo qofka laga xayiro leysanka wadidda gawaarida.
mar 25 jul 2023
2 : 18 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Greta Thunberg, oo ah u halgame bii'ada ayaa lagu xukumey ganaax-maalmeed, markii lagu eedeeyey iney jebisay xeerka u hoggaansamida awoodda kaladambeeynta. Ururka iskaashiga islaamka ee magaciisa loo soo gaabiyo IKO ayaa xaruntiisa ka xirtay ergayga Sweden uga wakiilka ah ururka. Sucdi Jaamac oo uu ganacsigeedu saameeyen aan wanaagsaneyn ku yeeshay dagaalkii uu Ruushku ku qaaday dalka Yukreyn.
lun 24 jul 2023
2 : 37 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Falcelinadda dhacdaddii Quraanka shalay oo uu ka hadlay khabiir ku xeel dheereeya diimaha. Dambiile la qabtay 20 sano ka dib markii uu geystay dambiga imminka loo hayo. Göteborg oo ay ka socota howlo caruurta ee xiliga kuleylaha.
vie 21 jul 2023
3 : 54 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Xulka hablaha kubadda cagta Sweden oo ka qeyb gelaya koobka kubadda cagata adduunka ee dumarka oosaaka ka bilwoday Australia iyi New Zealand. Yeey la dilay oo la heyb aqoonsaday. Ciidanka xooga dalka Sweden oo iibsanaya seefo.
jue 20 jul 2023
2 : 50 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Caruurta iyo dhallinyaradda iibiya sawiro qaawan ee galmo ee ay iska qaadaa oo kordhaya. Kaabsalo loo hindisay cudurka koleeraha. Soomaali ka qaeyb qaadaneysa koobka Gothia ee ka socda Göteborg
mié 19 jul 2023
2 : 50 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Toddobaadka kooxaha qoob ka ciyaarka oo ka socda degmadda Malung ee gobolka Dalarna. Ciyaaryahanka darajada kowaad ee kubadda Tennis oo la ganaaxay 18 bilood. Muse Abdulkadir Muse iyo dabaasha maxaa kala heysta.
mar 18 jul 2023
3 : 10 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Tartanka Gothia cup oo maanta ka furmaya magaaladda Göteborg. Dadka qabatimay maandooriyaha oo khasabka lagu dabiibo la soo jeediyay in la xoojiyo. Cabirka fekerku ma ahan mid aan xuduud lahayn, ayuu yiri Hassan Deri
lun 17 jul 2023
3 : 06 min
Waraka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Viktor Karlsson waa 16 jir hibo leh oo lala socodsiiyay inuu dayrta jaamicadda Chalmers bilaabi doono. Magaca magaaladda Gävle ayaa ah midka sideedaad ee magac magaalo oo ku jira heeso lagu luuqeeyo Sweden-sida ka muuqata daraasad uu ururka STIM tobankii sano ee ugu dambeeyay middaasi oo telefishinka SVT si dhow u eegay. Waxaa jira isbedel ku yimaado dabeecadaha hurdada ee dadka qaar taasoo ay sabab u tahay xilliyada sannadka Sweden.
vie 14 jul 2023
3 : 02 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waalidiinta ku nool agagaarka xaafadda Bäckby ee magaalada Västrås oo ka qeyb qaadanaya siddii ay carruurtu u dareemi lahaayeen ammaan. 4 nin oo lagu ridey xukunno kala duwan kadib markey hub ku sameeyeen aaladda 3D-da ee koobiga ah kana iibiyeen kooxaha gaangiska. Halima Ali oo ka hartay dugsiga barashada afka iswiidhishka SFI iyo sababta ku kalliftay.
jue 13 jul 2023
3 : 21 min
Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee radio Sweden
Xubinimada Iswiidhen ee Gaashaanbuurto NATO oo haatan ku xiraninay ansixiyaan baarlamaanada labada dal ee Turkiga iyo Hangari, islamarkaana qaadato dhowr bilood. Qaar ka mid ah waalidiinta ku dhaqan xaafadaha Järva ee magaalada Stockholm oo sammeystay urur la magacbaxey Jooji toogashada- (Stop skujtning). Muxuu yahayse muhiimada urrurkaasi?. Gollaha xuquuqul Insaanka ee Qarammada Midoobay oo maanta u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo gubitaanka kitaabka qur'aanka.
mié 12 jul 2023
2 : 20 min
Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee radio Sweden
Ka dib ogolaanshihii Turkigu ee codsiga Iswidhan ee Nato, ayaa qoraalol wadajir ah oo ku saabsan todoba qodobadalagu heshiiyey lagu daabacay bogga internet-ka ee Nato. Booliska Helsinborg ayaa ogolaaday codsi lagu doonayo in arbacada berrito ah lagu qabto bannaanbax bartamaha magaalada Helsingborg, halkaas oo lagu gubayo kutub diini ah. Barbaarinta ubadka iyo mareeynta korriimmadooda oo saameyn ku yeesha dhaqanka uu ilmahaasi yeelan doono & masiirka uu ku danbeeyn doono mustaqbalka.
mar 11 jul 2023
4 : 27 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Toogashooyin dad lagu dilay oo dhacay dhammaadka toddobaadkii na dhaafay. Xirfadda la dhowray ee shaqada kalkaalisaha darajada hoose oo lahayn nushahar kordhin. Koriimmada dalkii Soomaaliya iyo tan halkan oo kala duwan. Barnaamijkaa oo dhammeystiran ka daalaco bogga idaacadda.
lun 10 jul 2023
3 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dadka qaar ee codsada gubista kutubta diimaha ayay ka tahay ku dayasho in la sheeg sheego, sida uu sheegay aqoonyahan ku xeel dheer cilmi nafsiga. Malmö oo marti gelineysa Eurovision 2024. Ardeyda dhigata dugsiga xagaaga inta fasaxa lagu jiro ayaan inta badan ku guuleeysan iney gaaraan natiijadii ey u baahnaayeen.
vie 7 jul 2023
3 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda Iswiidhan oo iminka dib u eegeysa sharciga kala dambaynta ka dib dhacdadii gubida qur'aanka. Ciidanka ammaanka ayaa xidhay laba qof ka dib markii laga xaday kaniisada Torsåkeer dheri yar oo u ku jiro hadhaaga dambaska meyd la gubey. Xirfadda kalkaaliyaha hoose ee "Undersköterska" oo noqotay mid xafidan laga bilaabo 1 Luulyo.
jue 6 jul 2023
2 : 42 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Baaris ey saraakiisha kastamka ku sameeyeen afar gadiidka waaweyn dekedda Trelleborg ee gobolka Skåne oo bishii feebraayo qabtay 40 malyan oo koron oo lagu qariyey. Shimbirkii ugu dada weynaa Iswiidhen oo meydkiisa la heley. Bella Kiin Mohamud oo oo ka hadleysa goaankii maxkamadda racfaanka ee eedeysanihii wiilkeeda dilay.
mié 5 jul 2023
2 : 44 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Mohamud Adan oo ah reer Halmstad ayaa ka mid ah muslimiinta ka dhiidhiyay falkii gubista kitaabka Qur'aanka oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Stockholm. Laanta golaha Xuquuqul Insaanka ee hayadda Qarammada Midoobay ayaa qaban doonta shir aan caadi ahayn. Tallaabadaasi ayaa ka dambeeysay gubistii kitaabka qur'aanka, sida ay ku soo warrantay wakaaladda wararka ee Reuters. Khilaaf salka ku haya kordhinta kirooyinka oo ka aloosan magaaladda Malmö.
mar 4 jul 2023
2 : 45 min
Waraka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wiil 16 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dil oo mudo 10 bilood kor u dhaafeysa ku jira rummaan. Qaybtii ugu horeeeysay ee sannadkii 2022 ayey 34 qof u geeriyoodeen toogashooyin. Halka sannadkan 2023 ay illaa iyo hataan u geeriyeedoon toogashooyin 21 qof. Dhakhtar Khalif Bile ayaa ku raacsan hay'adda adeega caafimaadka ee Iswiidhen welwel ay ka muujisay kororka isticmaalka daawooyinka antibiotikada oo sababi karta u adkeysiga bakteeriyaddu u yeelaneyso daawooyinkaasi.
lun 3 jul 2023
2 : 46 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
8 qof ayaa loo xukumay qalalaasahi ka dhacay xaafadaha Rosengård iyo Skånegården ee magaalada Malmö maalmihi ciidul fusxiga ee sannadkii hore. Hayadda qasnadda ceymiska qaran ayaa ruqseyn doonta shaqaale gaarsiisan 400 illaa 500 oo qof, sida uu qoray wargeeyska Aftonbladet. Luqman Bashir oo deggen Borlänge ayaa aad uga hela tijaabada sidii loo sameeyn lahaa afuufka kubbado waaweyn ee biyaha hawada.
vie 30 jun 2023
3 : 15 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Gabdho badan oo ku dhaqan degmada Botkyrka oo dhacda koonfurta Stockholm ayaa la nool shuruudda iney yihiin bikro iyo cabsida in guur lagu khasbo. Nin ku dhaqan xaafadda Bredäng ee Stockholm ayaa dabka uga tagay digsi ay saliidi hase yeeshee iminka lagu xukumey magdhow gaarsiisan 300,000 oo karoon. Ifrah Ali Kirih, oo ah hooyo iyo barbaariye ku shaqeysa macallinimo ayaa mar ay la hadashay Raadiyaha Iswiiidhen sharaxaad ka bixisay in barbaarintu ay la mid tahay hoggaamin.
jue 29 jun 2023
3 : 00 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Booliska ayaa maanta ogolaansho ku bixiyay bannaanbax uu ka dambeeyo in kitaabka Qur'aanka lagu gubo banaanka masaajidka Stockholm oo ku yaalla xaafadda Södermalm. Kulankii Nato ee lagu baaqey ee dhexmari lahaa xubno ka kala socda waddammada Iswiidhen, Finland iyoTurkiga ee toddobaadka soo socda ayaa dhici doona maalinta khamiista ee 6-da bisha Luulyo. Waxaa daafaha caalamka ka jira dabaaldega Ciidul Adxa oo ka mid ah munaasabadaha ugu waaweyn ee calamka muslimiinta.
mié 28 jun 2023
3 : 02 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hay'adaha dalka Yukreeyn ayaa liiska madoow ku biiriyeen shirkadda weyn gawaarida soo sarto oo laga leeyahay dalkaasi Shiinaha oo magaceeduna loo yaqaan Geely. Waxaa maanta ka bilaabanaya toddobaadka Almedalsveckan Visby jasiiradda Gotland, ama toddobaadka siyaasadda sida loogu yeero. Roob si weyn loo tebaayay waayo abaarta iyo qaleylka jir xilligan kuleeylaha awgii, ayaa xalay fiidkii ka da'ay xeebta galbeedka Sweden.
mar 27 jun 2023
3 : 04 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Guddiga dowladda ee baara shilalka ee ayaa go'aansaday in uu baaris ku sammeeyo shilkii khatarta ahaa ee lagu dhintay ee shalay ka dhacy jardiinka Gröna lund ee Stockholm. Xukuumada Iswiidhen ayaa kaalmo oo dhaqaale gaaraya 380 milyan karoon siineysa dalka Yukreeyn. Hay'adda canshuuraha ayaa kontorool dheeri ah oo badan ku sammeyn doonta timo jarayaasha sannadkan si ay u ogaato in shaqo madow ka jirta goobahaasi.
lun 26 jun 2023
3 : 06 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Gurashada Jodgubbar qofka qudhiisa uu gurto marka uu iibsado oo dhalisay fowdohorseeday in booliska loo yeero. Baaris loo sammeynayo fududeynta kireynta gacan labaadka iyo shirkadaha qaaliyeeyn karaan kiradda guryaha cudub iyo rag da sare oo kubad ku jimicsada Gävle.
jue 22 jun 2023
3 : 08 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxa maanta la soo gebogebeeyey xukunka maxkamada rafcaanka ee dacwadii dhakhtar Macchiriani oo ah dhakhtar qaliimada ah una dhashay waddanka talyaaniga. Shirkadda daryeelka ee Humana ayaa loo ogooladay in ay sii haysato shatiga shaqada, isla markaana sii wataan hawlahooda daryeel. Xulka qaranka kubbadda cagta ragga ee Iswiidhen ayaa xalay kala kulmay guuldarro dhigooda Oostariya is reeb reebka tartanka horyaalka Yurub.
mié 21 jun 2023
3 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maanta ayay bilaabatay maxkamad la xiriirta dacwad ka dhan ah nin lagu eedeeyay in uu isku deyey in uu maalgeliyo ururka Kurdiyiinta PKK ee ku shaabadeeysan argagaxisnimada. Miraha cascas ee macaan ee lagu magacaabo jordgubb ayaa qaaliyoobay sannadkan waxaana sababay roob la'aan. Doorashaddii 2022, dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee coddeeyay waxey ku jiraan kaalimmaha hore ee tirada ajaaniibta coddeeysey.
mar 20 jun 2023
2 : 04 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Laga bilaabo maanta ayaa ciddii haysata aqoonsiga taleefanka gacanta ee loo yaqaan 'Mobilt bank-ID' sameeysan kartaa kaar aqoonsi oo elektaroonig ah. Nin horey rummaanka loogu dhigey kadib markii xaaskiisa laga heley qaboojiyaha, ayaa tuhunkii inuu dilkeeda ka dambeeyay laga qaadey. Waxa laga soo kabanayaa xaaladii shaqo la'aanta ee corona ka dib, waxase weli heerka shaqo la'aantu hooseya xaafadaha dadka ajaaniibta ahi ku nool yihiin gaar ahaan xafada Järva .
lun 19 jun 2023
2 : 57 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wakaladda biyaha Gästrike vatten ayaa soo saartay qorshe beekhaamin biyaha la isticmaalo. Digniin ka jirta guud ahaan dalka ee khatar dab kuleylka ka kaca. Lamaane ka soo kala jeeda Soomalaiya iyo Afghanistan.
vie 16 jun 2023
3 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Tuhunnada masuqmaasuqa ee ka dhex maamulada degmooyinka iyo kuwa gobolada oo la rumeysan yahay in aysan hoos u dhicin. Dhakhtar sheegay in aan waxba laga baran safmareenka xagga diyaargarawga marka laga hadlayo. Ogeysiis uu sammeeyay urur shaqaale.
jue 15 jun 2023
3 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dilaa xukunka xabsi daa'in ah ku xukunnaa oo imminka loogu bedelay xabsi wakhti xaddidan. Koriimmada caruurta oo la sheegay inay saameyn xun ku yeelato xaafadda uu ku barbaaro. Xiriirka joogtada ee waalidku la leeyahay iskuulka oo door ka ciyaara guusha waxbarashada ubadka.
mié 14 jun 2023
3 : 13 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda Iswiidhen ayaa go'aan ku gaartay in ay Turkiga gacanta u geliso nin 35 jir oo muwadin Turki ah. Maxkamadda sare ee maamulka ayaa dubbaha ku dhufatay racfaankii boliiska in aanu xaq u laheyn inuu ogolaansho u diido bannaanbax lagu qaban lahaa bishii feeberaayo sannadka magaalada Stockholm, si kitaabka qur'aanka loogu gubo. Laga bilaabo kalaguurkii sannadka ayaa la xeereeyey in la diiwaangwliyo dhammaan bisadaha dalka.
lun 12 jun 2023
2 : 27 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Murugo iyo xasuus loo qabtay will tooreey lagu dilay Älvsjö. Beeraleyda koonfurta Sweden oo ka wel welsan abaarta iyo kuleylka halka dad kalana ay ku raaxeysanayaan kuleylka. Xaafaddeyda waxaa ka da'aya dhiig oo ah barnaamij looga hadlayo dilalka dhallinyarada ee kooxaha gaangiska.
vie 9 jun 2023
3 : 18 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Annie Lööf, Ahmed Berhan iyo in kale oo magac ku leh bulshada oo daadin doona barnaamijka Soomar ee ka baxa P1 sannadkan. 11 jir xalay gaar ku jiiray Märsta oo u dhintay dhaawacii iyo qofkii gaariga waday oo ku jira gacanta ciidamadda amniga iyo dhallinta oo u baahan dhiiragelin
jue 8 jun 2023
2 : 33 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Baare ka tirsan dowladda oo soo jeediyay in toddobaad dhalmada ka hor dumarka urrka leh la siiyo lacag sharuud la'aan ah. 8 jir la doonayo in laga masaafuriyo Iswiidhen iyo debaaldegga maalinta qaranka Sweden iyo kooxdii Dur dur banda.
mié 7 jun 2023
2 : 49 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxaa kordhaya dadka booliska ganaxaaxo ee la qabto iyaga oo ku kaadshaya banaanka. Sicirka cuntada oo bishii labaad oo xiriir ah hoos u soo dhacaya iyo xaflad soo jireen ah balse sannadkan ku sauuman yihiin kooxo fanaaniin ah oo ka dhaceysa Rinkeby
lun 5 jun 2023
3 : 14 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dood faqooqa caruurta ee iskuuladda oo qeyb ka ahayd toddobaadka siyaasadda Järva. Maxkmadda racfaanka oo adkeysay xukun 17 jir dil u geystay qof 55 oo uu ku qalday qof xiriir la ahaa kooxaha dambiyada iyo timojaraayasha Norrköpingoo la baarayo ka dib kiisas cambaar madaxa ah
vie 2 jun 2023
2 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Gacan ka hadal xooggan oo maanta ka dhacay magaaladda Eskilstuna. Boonbaladii ugu horreysay oo u sammeysan qaab dumar oo loo adeegsaday tijaabooyinka shilalka gaadiidka. Wershad bir tii ugu weyneyd laguna furayo magaaladda Boden oo ansixinteeda tallaabo loo qaaday
jue 1 jun 2023
3 : 23 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kummanaan qof oo ku dhaawacmay shilalka baaskiilada koronatada ee lugta lagu haraatiyo sannadkii hore. Magaaladda Uppsala oo noqon karta meel bukaanaddu lacag ku raacaan ambalaasta. Shaqo la'aanta oo hoos u dhacday.
mié 31 may 2023
3 : 33 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Gaari laga shiday wax lagu tuhusan yahay gubaabada kooxaha xagjirka Islaamiyiinta inta ay socdeen rabashidii Påsk ee Örebro oo la kashifay. Safarrada oo mar kale kordhay Corona ka dib. Qoraa iswiidhish ah oo buugagtiisa qeyb ka ahaayeen bandhigii carwada buugagta Rinkeby.
mar 30 may 2023
3 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Madaxa kooxda kubadda cagta AIK oo is casilay. Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga oo ka bbaqday kullanka Nato ee Oslo oo la filayay in ay isku arkaan dhigiisa Sweden Tobias Billström. Bandhiga buugagta Rinkeby oo la qabtay markii ugu horreeysay wixii ka dambeeyay sannadkii 2007.
lun 29 may 2023
2 : 39 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Iswiidhen oo ey ka soo dhammaatay rajadii xulka qaranka ciyaarta koobka dunida ee xeegada barafka ama Ishockey. Khaamiistii shalay sacaddu markay ahayd abaaraa seddexdii galabnimo ayaa adegga samatabixintu ka soo sareen nin da'diisu tahayd 50-meeyo jir biyo uu ku qarqamay jasiirad ku talla Malmö. Habnololeedka shakhsinimo iyo midka wadajirka ama koox ahaan ee soomaalida iyo Iswiidhishka. Elisabet Ask oo is-barbardhigtay labada habnololeed.
vie 26 may 2023
2 : 27 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Tobias Billström oo ka faallooday tallaabadii dalka Ruushku ku kacay. Ku hadalka mobaaylka bulshada Sweden oo markii ugu horreeysay sannadka tagay hoos u dhacay 6 boqolkiiba. Cabsi dhanka ammaanka ah oo soo wajahday kaniisadda Pingst-iga kadib markii laba nin oo walaalo ah oo qorsheeynayay weerar lagu qaado kaniisad iswiidhish ah lagu qabtay dalka Jarmalka.
jue 25 may 2023
2 : 41 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saddex dumar ah ayaa u geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay agagaarka magaalada Vimmerby.Khayraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo macdanta, haddii aan la lahayn aqoonta lagu maamulo waxay horseedi kartaa fakhri iyo dhibaato.12 jirkii jebiyey rikoodhka iibinta ubaxa Majblomma oo aan weli helin lacagtii khidmadda.
mié 24 may 2023
2 : 30 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Wiil 15 ah oo lagu dhaawacay Iskuul ku yaalla Örebro. 48 oo loo haysto inay lunsadeen lacagta tageerada waxbarashada ee (CSN) degmada Markryd. Wakhti kulaylaha oo loo baahdo shaqaale badan waqooyiga Iswiidhan.
mar 23 may 2023
2 : 16 min
Wararka maanta ee Raadiya Iswiidhen
Ganacsatada iyo shaqa bixiyeyaasha waqooyiga Iswiidhen ayaa cabsi soo wajahday, kadib maray xukuumaddu ku dhawaaqday in la adkeyn doono shuruudaha dadka shaqada dalkan u yimaada. Maxkamadda degmada Umeå ayaa maanta oodda ka qaaday wiil ku eedeysnaa iskuday culus ee maandooriye. In caruurta la dhageysto mar walba ayaa caawisa fahamka waalidiinta iyo ubadka ayuu yiri Dr. Omar Ahmed oo ka howl gala xaafaddaha Järva ahna aqoon yahan cilmiga bulshada.
lun 22 may 2023
3 : 18 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
Xildhibaan lagu tuhunsanaa galmo iibsi oo dacwadiisii hordhaca ahayd hoos loo dhigay. Toogashooyin ka dhacay Stockholm iyo Göteborg arbacadii iyo khamiistii. Ardayda dhigata fasalada afraad oo fahankoodu ku liito luuqadooda hooyo.
vie 19 may 2023
2 : 49 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxaa weli socda howlgalada lagu soo xirayo dadkii ka qeyb qaatay rabshadihii Påsk ee sannadkii 2022. Dhakhtar cabsi ka muujiyay ardayda qaacisa cigaarka E-cigaretter iyo xoolaleyda Glad bonder oo ka gar helay shirkadda Arla.
mié 17 may 2023
2 : 58 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dadka ku biiraya A-kassa oo si aad ah u kordhaya. Ninisagii la toogtay misana lagu helay dambi, xukuna lagu riday iyo roondooyinka habeenkii ee hooyooyinka xaafadda Tensta Stockholm.
mar 16 may 2023
3 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maxkamadda sare oo oggolaatay dhageysiga dacwad nin hore loogu waayay dambi kufsi gabar 10 jir. Sarkaald bileys oo dukaan ka xaday alaab misana isku dayday in ay hoos u dhigto dacwaddii xatooyadaasi iyo kiradda guryaha Göteborg si aad oo taariikhi loo kordhiyay.
lun 15 may 2023
2 : 30 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Tobias Billström ayaa doonaya inuu ururka Midowga Yurub u aqoonsado argagixiso ciidanka Ruushka ee lagu magacaabo Wegner. Oorso iyo yees nabad ku kulmay oo weliba hab isa siiyey intii aaney kala tegin. Ilmo 14 jirro ah oo loo isticmaaley rabshadihii toogashooyinka ee gilgiley Stockholm qaboobihii.
vie 12 may 2023
2 : 39 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ashtakooyinka la xiriira faqooqa iyo cunsuriyadda laga gudbiyo oo aad u kordhay. Ardayda jaamacadda ee u adeegsadaga waxbarashadooda cilmiga caqliga macmalka ee AI oo aad u badan. Maxkamadda Södertörn oo dacwad ku soo oogtay lix ruux taasoo la xiriirta kooxaha dambiyadda.
jue 11 may 2023
3 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Toddobo jir qatyaan ka taagan saacadda la bedelo ee kuleylaka kana codsaday ra'iisal wasaaraha Sweden in la joojiyo bedelka saacadda. Darawal aad u indha adag oosi sharci daro ah gaari ku waday oo ay joojiyeen bileyska. Khamiista berrito oo laga cabsi qabo inuu bilowdo shaqa ka fariisi ey sameeyaan shaqaalaha tareemmadu.
mié 10 may 2023
3 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Iswiidhen oo u diraysa Yukrain ciidan farsamo iyo qalab dayactir. Maxkamadda racfaanka oo xukunno ku ridday shan ka mid ah lix qof oo ka mid ahaa 11 qof oo ku eedeeysnaa sannadkii tagay kacdoon rabshadood oo ka dhacay xaafadda Rinkeby ciiddii Påsk-iga ee sannadkii hore. Ulf Byström oo shaqadiisii uga tagay, kadib markii laga hor istaagay inuu ku shaqa yimaado isaga oo xiran shaatiga lagu magacaabo Hawaay Hawaiiskjorta.
mar 9 may 2023
4 : 28 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Robotyo u qubeyn kara waayeelka oo ku soo biiri kara shaqada xanaanada waayeelka dalka. Kalkaalisooyinka wax ku barta Iswiidhen oo u hayaama dibedda. Dalaga ugu horreeya baradhada oo maanta ka soo go'ay jasiirade ekada Bjäre.
lun 8 may 2023
3 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Jimcada maanta ayay ka bilaabatay dacwad la xiriirta dhakhtarka Staffan Bergström oo ka caawiyay qof aad u xanuunsanaa, rajana aan lahayn siduu noloshiisa u soo afjari lahaa. 22 jirkii labada nin ku dilay dayrtii 2022 gurigiisa oo ku yalla degmeda Ulricehamn mar ay daaqadda ku soo jabsadeen ayaa wax dembi ah lagu waayay. Dr. Omar Abdurahman oo soo galay Sweden 1984-tii, heystana darajadda Phd ayaa imminka caawiyaa caruurta waalid la'aanta ah ee timaada Sweden,
vie 5 may 2023
4 : 04 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kadib falkii mindiyeeynta ee shalay ka dhacay iskuul ku yaalla xaafadda Vällingby oo dhacda galbeedka magaalada Stockholm, ayuu maamulka iskuulku mar kale sidii caadiga ahayd albaabbada ugu furay iskuulka. Muddo afar sannadood ah ayey argagax ku hayeen shimbirro lammane ah ee qoyska shimbiraha " Gruidae" Kristin Pershagen iyo qoyskeeda. Ayanle Ismail Ahmed oo ku dhaqan Skellefteå imminkana ka shaqeeya goob macdanta laga qodo, ayuu hammigiisu mar ahaa in uu noqdo xiddig kubadda cagta.
jue 4 may 2023
3 : 08 min
Wararka maanta ee Raadiya Iswiidhen
Bartamaha xaafada Jakobsberg ee degmeda Jarfälla ayaan hadda loo aqoonsaneen goob maandooriye, sida uu booliska sheegayo. Boliiska ayaa racfaan ka qaatay go'aankii maxkamadda maamulka ee la xiriirtay ogolaanshaha gubista kitaabka Qur'aanka. Guriga xarunta dhaqanka Sara ee degmadda Skellefteå ayaa ka mid ah dhisameyaasha xiisa leh muuqaal ahaan ee ku dhacaya indhaha dadka ku cusub degmadaasi.
mié 3 may 2023
3 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Tiro malyan ka badan oo ku dhaqan Iswiidhen ayaan weli sameeyn xisaabxirkii sannadka, midkaasina oo saldhig u ah canshuurta aad bixin doonto. Tirada shirkadaha khasaaray ayaa sare u kacay, ayaga oo gaaray boqolkiiba 15 bishii abriil marka loo bar bar dhigo isla bishii abriil ee sannadkii hore. Qaar ka mid ah dadka ajaanibka ku dhaqan waqooyiga Sweden sida degmada Skellefeteå , ayaa sheegay in sabab ay u doorteeen in ay halkaasi ku noolaadaan ka mid yihiin is dhexgalka iyo shaqooyinka.
mar 2 may 2023
3 : 37 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxaa sare u si kacaya tiradda dadka iyo shirkadaha lagu leeyahay deeymmaha korontada oo ay ku leedahay hay'adda qaabilsan uruurinta deeymaha ee magaceeda loo yaqaan Kronofogden. Labo wiil ayaa loo xukumay labo toogasho oo ka dhacday Gubbängen 28-kii Diseember ee sannadkii hore. Degmadda Skellefteå ee waqooyiga Iswiidhen ayaa waxaa ku soo kordhaya dad u badan shaqaale ay qaadaneyso shirkadda Northvolt.
vie 28 abr 2023
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Nin 25 jir habeen hore lagu toogtay oo ku geeriyooday xafaadda Hagalund ee magaalada Borlänge. Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha oo goaan ka khilaaafkii u d dhexeeyey ururka shaqaalaha iyo shaqabixiyaha tareemada isaga goosha magaalada Stockholm. 10-kii habeennimo oo la soo afjaray hawshii lagu daad gureeynayay muwaadiniintii iswiidhishka ee ku sugnaa Suudaan.
jue 27 abr 2023
2 : 40 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Seddex qof oo xabsi daa'in loogu xukumay dilkii loo gaystay gabadhii 12 jirka ahayd, Adriana ee degmedda Botkyrka oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm bishii Agoosto ee sannadkii 2020. Cillad ku timid korontada oo saameeyn weeyn ku yeellatay Stockholm sakay aabaraa 7-dii subaxnimo. Waxaa si weyn hoos ugu dhacay tiradda Soomaalida magan gelyo doonka ee soo gaara Sweden.
mié 26 abr 2023
3 : 14 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen Degmadda Skellefteå ee waqooyiga Sweden ayaa ka mid ah degmooyin baadigoob ugu jira shaqaale fara badan maadaama ay halkaasi ka jiraan shaqa raadin badan.Ku dhawaad 16 000 qof oo magan galyo doon ah ayaa sannadkaan dalka Iswiidhen laga filayaa.Shan ka mid ah diplomaasiyiinta dalka Ruushka u fadhiya iswiidhen oo la masaafurinayo.
mar 25 abr 2023
2 : 51 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
150 ka Iswiidhashka ah oo wali ku sugan dalkaasi Suudaan. Cisbitaalka carruurta ee Astrid Lindgren oo ku yalla degmada Solna ee magaalda stockholm ayaa laga sheegay inuu ka dillaacay cudurka jadeecada. Karl-Erik Nilsson ayaa la soo jeediyay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee xiriirka ciyaaraha fududka ee qaranka - Riksidrottsförbundet.
lun 24 abr 2023
3 : 16 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Sigge Holmqvist oo 104 jir ah oo khlad loogu yeeray inuu ka soo qayb galo ciyaarta kubbadda cagta ee caruurta shan-jirrada. Bileyska degmadda Luleå oo soo saaray digniinuu ka soo saaray gaas khatar ah oo dhallinta ku sakhraanto. Dabaaldegga ciida Soonfurta oo jimcada maanta bilaabaday.
vie 21 abr 2023
2 : 36 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xukuumadda ayaa dooneysa in ay sare u qaaddo aqoonta loo leeyahay qofka marka uu ka soo bogsooda cudurka Covid. Zeina Dolani oo sheegtay in Ramadan ay tebeyso isaga oo aan dhammaan maalin ka hor ciida Soon fur. Xukuumadda oo qoondeeynaysa in shaqo laaweyaasha howl badan laga qaban doono.
jue 20 abr 2023
3 : 27 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Aabbe 45 jir ah oo lagu riday xukun xabsi daa'in ah maadaama uu dilay wiilkiisii oo 8-jir ahaa bishii jannaayo magaalada Umeå. Aabbahan ayaa qirtay inuu dilay wiilkiisii. Adeegga iyo u diyaargarowga Ciida Ramadaanka oo si habsami leh u socota, dadkuna ku mashquulsan yihiin. Arbacada maanta oo ku beegan xirashada dirayska ciidanka madaniga ee goobaha shaqo.
mié 19 abr 2023
3 : 10 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dadka Iswiidhen oo gaari doono ku dhowaan 11 milyan sannadka 2030. Shirkadda tareemmada ee MTR oo dacweynaysa darawallada tareemmada ee ku jira shaqo joojintakana doonaysa magdhow iyo iney shaqada dib ugu soo laabtaan si degdeg ah. Shirkadda Vattenfall oo dhisaysa wershado cusub ee hanaanka biyaha laga dhaliyo korontada.
mar 18 abr 2023
3 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Kansarka maqaarka oo soo badanaya oo xitaa dhallintii soo gaaray. Degmooyinka oo aan bixin waxbarashada koorsada barashada handhaqanka bulshada. Diyaaradii ay soo rideen ciidanka Iiraan oo uu xukun ka soo baxay.
lun 17 abr 2023
2 : 48 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19 qof oo gacansaar la leh kooxaha dembiyada iskubaheysta ee dalka Litawen oo aad uga shaqeeyn jirey ganacsiga maandooriya la isaga waarido dalalka Isbayn iyo Iswiidhen ayaa gacanta lagu dhigay. Sannadguuradii ka soo wareegtay rabshadii ciidul fusxiga (påsk-iga). Geeddisocodka aan kala istaagin ee Soomaalida. Professor Cali Nuur oo ka mid ah Soomaalida muddada dheer ku nool Sweden ayaa sheegay in geediga joogtada ahi uusan wanaagsaneen gaar ahaan qoysaska caruurta leh.
vie 14 abr 2023
3 : 28 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17-jir lala baxsaday. Dialalka ka dhaca degmada Eskilstuna oo aad u batay.
jue 13 abr 2023
2 : 51 min
Wararka maanta ee Iswiidhan
Soomaalida ku dhaqan magaaladda Umeå oo bilaabay mashruuc caawinaya waalidiinta.
Safaradda ciida Påsk-iga(Ciidul fusxa) oo bilowday iyo talo la siiyay dadka gaadiidka u safra inta dabaaldegga ciidaasi lagu jiro. Meyd laga helay agagaarka Hagfors oo dhacda gobolka Värmland. Qiimaha guryaha oo xoogaa kor u kacay bishii maarso 2023, marka loo barbardhigo bishii feeberaayo ee ka horreeysay.
jue 6 abr 2023
2 : 57 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hilibka xoolaha iswiidhishka ee la iibsado ayaa yaraaday, halka hilib fara badan laga keeno dibedda. Saaxiibo arday ah oo u kuurgalay soo hubinta caafimaadka duurka taasoo abaal marin lagu siiyay. Aabbe lagu soo oogay dacwad inuu ceeji ku dilay wiilkiisaoo 8 jir ahaa.
mié 5 abr 2023
3 : 07 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maxkamad xukuntay in bileyskuku khaldanaa diidmadii banaanbax qaboobihii lagu gubi lahaa Quraanka kaasoo ka hor dhici lahaa safaaradaha Turkiga iyo Ciraaq. Naag baad ku dayday xildhibaanbaarlamaanka u fadhiya xisbiga Moderaterna iyo Umuliso dhaqameedka Doula iyo doorkooda Rinkeby.
mar 4 abr 2023
3 : 45 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Magdhaw ma helaan ehelada dambiileyaasha la dilo ee horey uga tirsanaa kooxaha gaangiska. Caruurta qaaradda Yurub oo da' hoose ku bilaaba barashada luuqad aan ahayn afkooda hooyo. Finland oo si rasmi ugu biireysa Nato, noqotayna dalka 31 ee gaashaanbuurtaasi.
lun 3 abr 2023
3 : 11 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkadda shabakadda ICA oo diidday inay sheegto noocyada alaabooyinka 300 gaareya oo ay ku talajirto inay qiimahooda jebiso laga bilaabo 11-ka bisha abriil. Nin horey uga tirsanaan jiray xisbiga SD oo xukunno ay ku rideen maxkammadaha degmada iyo rafcaanka oo ay iminka maxkamadda sare oodda ka qaaday. Ninkan ayaa lagu eedeeyey falka "nacayb qowmiyadeed". Sannadka fasaxa nasiinnada ee dhallinyartu qaadato marka ey dugsiga sare ka baxaan. Muxuu yahay maxaase loo qaataa?
vie 31 mar 2023
2 : 34 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen oo xoogaa ka rajo dhigay ka mid noqoshada gaashaanbuurta Nato bilahan soo socda, islamarkaana wax ka bedelay ereyadiisii. Waxaa sannadkii tagay kor u kacday tirada rabshadaha toogashooyinka ee dhimashada sababa, marka loo barbardhigo sannadkii ka sii horreeyey, sida ay sheegtay hayadda ka hortagidda dembiyada ee Brå. Xiise ballaaran iyo sugitaan loo qabay daawashada filinka "Baarihii Beledweyne.
jue 30 mar 2023
3 : 06 min
Warka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Machadka SOM-institut oo ka tirsan jaamicadda Göteborg ayaa soo saaray xog-uruin-sannadeedkiisii oo uu ku warreeystay in ka badan 26 000 oo swedish ah.Lixda bilood ee ugu horreeysa ee sannadka foodda innagu soo haya ayaa lagu wadaa inuu sicirbararku gaaro heerka 2%, waana yoolka uu bangiga qaranku hiigsanayo.Guddiga siyaasadda bii'ada Sweden ayaa arbacadii manta soo saaray warbixin sannadeedkoodii. Guddiga ayaa waxyaabaha uu warbixinta ku qoray waxaa ka mid ah in Sweden ay 2022 kii ka karaar dhigtay marka la fiiriyo siyaasadda bii'ada.
mié 29 mar 2023
3 : 23 min
Warkii maanta iyo Raadiyaha Sweden
Abaalmarinta Polarpriset oo ay heleen saddex halabuure. Daraasad caafimaad oo laga sameeyey qowmiyadda Same-iga ee Sweden. Waxaamararka qaarkood is buriya xilliga afurka iyo wakhttiga shaqada lagu jiro.
mar 28 mar 2023
3 : 08 min
Warka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib hadal hayntii qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray ayey shabakadaha shirkadaha qaarkood ey ku dhawaaqeen iney hoos u dhigeyaan qiimaha cunnada daruuriga ah.Gubistii uu xagjirka Rasmus Paludan bishii janaayo ku gubay Quraanka safaaradda Turkiga horteeda, ma ay ahayn nacayb shacab lala beegsanayo, sida uu sheegay xeerilaaliye.Waxbarashada dugsiga sare qaybaheeda dhismaha ee faraca mashiinnada dhismeyaasha oo ku dhowaad 70 boqolkiiba ardayda dhigatay ahaayeen kuwo shaqeeya sannad ka dib dhammaadkii waxbarashada.
lun 27 mar 2023
3 : 10 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Zlatan oo caawa u safan doona qaranka Sweden iyada oo ciyaar kululi ey dhex mari doonto Sweden iyo Beljimka. Dhallinyaradda Sweden ee u arka nolosha in aysan micno lahayn oo aad u badan iyo 20 meeyo jir loo soo qabtay dil haweeney 43 jir.
vie 24 mar 2023
3 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dhageysiga dacwad 22 jir dilay labo dhallinyaro oo u soo dhacday gurigiisa oo maanta furantay. Hoggaamiyaha xisbiga C oo ku baaqay in la sii wado qorshe sahalaya shaqaaleysiinta dhallinta iyo Soomaalida Sweden oo weli doonaya in sy sii wadaan bixinta sadaqada Ramadaanka.
jue 23 mar 2023
3 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dadka oo aad u iibasada cunno ka badan inta ay adeegtaan bilaha caadiga ah ee aan la soomaneyn. Bileyska oo 84 milyan oo karoonku kharashgareeyay ilaalintii ammaanka Rasmus Paludan,siyaasigii xagjirka iswiidhishka daanishka iyo ficilada uu ka geysanayay Sweden iyo Bileyska oo ku biiray raadinta iyo baafinta shimbi-ka nooca papegoja xiddigna ka ah Instagram oo lagu la'yahay Göteborg.
mié 22 mar 2023
2 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Sara Skyttedal oo ay tahay in ay dib u soo ceshato kalsoonida xisbiga KD haddii ay dooneyso inay mar kale xisbiga ku metasho baarlamanka midowga Yurub. Dhallinyaro laga oggolaaday dacwad ka dhan ah dowladda Sweden iyo dhaqaalaha aan xasilnayn ee lamaanayaasha oo door ku leh wada jooga guurka.
mar 21 mar 2023
4 : 00 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hooyo ku yaboohday 40 litir oo caanaha naaskeeda ah kuna heshay 250 karoon litirkiiba. Xasaasiyada faxalka dhirta oo sannadkan aad u sarreeya iyo Ururka jaamiciyiinta Soomaalida Stockholm oo qabtay kulan lagu caawinayay dhallaanka dhigta dugsiyada sare, sidey ku dooran lahaayeen waxbarashada jaamicadaha kala duwan.
lun 20 mar 2023
3 : 29 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Degmada Stockholm waa in ay hagaajiso qaabka ay ku caawini lahayd sidii ey dhallinyaradu uga bixi lahaayeen ka faqooqnaanta bulshada.Sannadkii hore ayuu hoos u dhacay tiradii hubka ee uu dalka Sweden dibadda u iib geeyn jirey.Ciidanka ammaanku waa uu ku khaldanaa inuu joojiyo bannaanbixii uu siyaasiga daanishka-iswiidhishka xagjirka ah ee Rasmus Paludan sannadkii hore ku doonayay inuu kitaabka qur'aanka ku gubo degmada Norköpping, sida ay go'aan ku gaartay maxkamadda sare ee maamulku.
vie 17 mar 2023
3 : 35 min
Wararka maanta ee Raadiyah Sweden
Sweden ayaa rabta in ay Yukrayn u dirto madaafiicda goobta nooca loo yaqaan Archer. Dhallaan dhigta dugsiga xannaanada ee Halmstad oo bii'ada u bannaanbaxay. Salad Hilowle, qoraa suugaan Somali Swedish ah ayaa galay faynalkii guddoonsiin abaalmarin buugaag-sawirreed suugaan.
jue 16 mar 2023
2 : 47 min
Wararka maanta ee Raadiyah Sweden
Ciyaaryahanka Zlatan Ibrahimovic oo 41 jir ah ayaa ka mid noqonaya xulka qaran ee tartanka isreereebka koobka Yurub. Hayadda hoggaanka bulshada Socialstyrelsen ayaa soo bandhigtay shaashad aqooneed loogu talo galey sidii looga hortegi lahaa falalka qudha la isaga jaro. 11-kii maarso ayaa ku aadanayd saddexsanoguuradii markii uu qofkii ugu horreeyay Iswiidhen uu la geeriyooday cudurkii safmareenka ee covid-19.
mié 15 mar 2023
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoos u dhaca dhaqaale illaa iyo hadda ma uu horseedin in shaqo la'aantu badato, sida ku cad tirakoobka cusub ee xafiiska shaqada bishii feberaayo.Nin soddon jir ah oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa wuxuu qoraayo badan ka xaday oraalladii buugagtooda oo aan weli daabicin.Abdullahi Cadaani ayaa noqday guddoomiyaha degamada Bollnäs ee gobolka Gävleborg.
mar 14 mar 2023
2 : 59 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Rasmus Paludan oo lagu furay baaris dacwad ah iyo inuu ku kacay dambi. Haweeney naaska laga qalay iyada oo lagu qalday mid kale iyo 17 jir lagu helay dambi dil ka dhacay Stockholm.
vie 10 mar 2023
3 : 10 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Bileyska oo qeyla dhaan ka muujiyay sida ay u fududahay helitaanka daroogada. Sharci cusub oo argagixiso oo ay xukuumadda Sweden u gudbisay baarlamanka iyo sharci ku qotoma badbaadinta howlwadeennada adeegyadda muhimka ah.
jue 9 mar 2023
3 : 39 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kaniiniga xoojiya galmada ragga oo inta badan la isku dayo in si dhuuleysi ah dalka lagu soo geliyo. Maalinta xuska haweenka ee 8 Maarso iyo boolis loo ganaaxay wiil ay dharka kaga siibeen bartmaha Stockholm.
mié 8 mar 2023
3 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Rihanna Omar oo dib ugu soo laabatay qoyskeeda Sweden. Xubno badan oo la filayo iney ka soo goostaan kooxaha dambiyada maadaama rabashada kooxahaasi ku fiday ehelka iyo SJ oo fursad siineysa dadka uu ey u go'an yihiin tikidhada tareenka.
mar 7 mar 2023
3 : 19 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Jahawareerka ka taagan tareenka pendeltågen oo soo dhammanaya toddobaadka soo socda. Tartanka Vasaloppet oo xiisa gaar lahaa sannadkan iyo sicirka korontada oo qaali ah toddobaadkan
vie 3 mar 2023
3 : 50 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Galinkii hore maanta oo jimce ah oo bartamaha magaalada Örebro lagu weeraray gabar dhalinyaro ah. Xukuumadda Sweden iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa raba in la sahlo in waalidka deggen guryaha kirada laga saari karo haddii ilmo uu dhalay dambi ku galo guriga dhexdiisa.Waxaan iswiidhen soo galay bishii agoosto ee sannadkii 2010 oo iminka laga joogo ku dhowaad 13 sannadood, sida uu sheegay Saki Ismail oo isaga iyo saddex carruur uu dhalayba ey yihiin muwaadiniin iswiidhish ah.
vie 3 mar 2023
2 : 51 min
Wararka maanta ee raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Labo wiil oo walaalo ah ayaa lagu eedeeyay in ay hooyadood ku dileen magaalada Göteborg.Gabar 10 jir ah oo dhaawacyo halis ahi ka soo gaareen tooreey lagu weeraray iyada haweeney qaraabadeed ah magaalada Göteborg.Daarasad ay sammeysay jaamacadda Göteborg maantana la soo daabacay ayaa lagu sheegay in dadka u dhashaty dibedda ee gaar ahaan ka soo jeeda dalalka fuqurada, in aysan sammeyn horukac xagga deegaanka ah oo la mida dadka Swedish ah.
jue 2 mar 2023
2 : 21 min
Wararka maanta ee Raadiyah Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xukuumadda Sweden iyo xisbiga ay wada shaqaynta leeyihiin ee Sverigedemokraterna ayaa aad u doonaya dad badan oo ajaanib ahi in ay waddammadoodi dib ugu noqdaan.Wixii ka dambeeyey kalaguurkii qarnigii ina dhaafay iyo midkan aannu iminka ku jirno ayey laba jibaarmeen tirada lammaaneyaasha waayeelka wada nool ama is qaba ee kala taga. Sida ku cad daraasad la sameeyey.Farsamo-yaqaannada miinooyinka ee ciidanka ammaanka ayaa gaarey xarunta farasmagaalaha ee xaafadda Tjärna Ängar ee magaalada Borlänge.
mié 1 mar 2023
3 : 00 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Iftinka midabk wata ee ah daahirada caanka ka ah waqooyiga fog ee Yurub, ayaa xalay si muuqata looga arkay inta badan dalka Sweden. Talaadada maanta oo bishuna tahay 28-ka feeberaayo ayaa ku beegan 37 guuradii ka soo wareegtay markii wakhti fiid ah, waddada lagu dilay madaxii xukuumadda ee waagaasi Olof Palme. Iibsiga buugagta dalka ayaa hoos u dhacay 125 malyan oo kronor sannadkii 2022, marka loo barbar dhigo sannadkii ka horreeyey ee 2021.
mar 28 feb 2023
3 : 02 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kulan cusub ayaa dhex mari doona Turkiga, Sweden iyo Finland. Kulankaa oo ku saabsan geeddi socodka ku biiridda Sweden iyo Finland ee Gaashaabuurta Nato.Weli boqolaal qof ayaa u dhimanaya caabuqa covid 19. Sannadkaan oo kaliya waxaa la geeriyoday fayruskaan qiyaastii shan boqol oo qof. Nidaamka waxbarashada fasalka ee Sweden ayaa inta badan waxay mas'uuliyadiisu saaran tahay ardayga taasoo si weyn uga duwan nidaamkii lagu yiqiin guud ahaan qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya sida uu sheegay Professor Cali Nuur
lun 27 feb 2023
2 : 47 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Sweden oo ku biirtay dalalka taangiyada casriga ah u diraya Ukraina. Deyn badan oo ay soo celisay hayadda ilaalinta deymmuhu. Bileyska oo hawada kala soconaya goobo Stockholm ka mida iyo warar kale.
vie 24 feb 2023
4 : 01 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Saraakiil ka tacsiyeenaya geeriga sarkaalkiisare ee meydkiisa laga dhex helay aqalkiisa. Shil ka dhacay banaanka Hedimora oo dhallaan ku dhaawacmeen. Dab ka kacay goob macdan iyo reer Gotland oo aan weli ka soo kaban cidladii Covid19.
jue 23 feb 2023
3 : 37 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Caruurta ku dhalatay Iswiidhen 2022 oo uu hoos u dhac ka muuqdo. Xafiiska shaqada oo dib u celinaya lacag aan la isticmaalin iyo safiirka turkiga oo la kulmay shaqaalihii badbaadinta Iswiidhen ee ka soo noqday Turkiga.
mié 22 feb 2023
3 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xisbiga SD oo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga u eryay arrimo la xiriria cunsuriyad. Socialdemokraterna oo soo jeediyay hindise hore uu u doonayay xisbiga M. Maalinta Afka hooyo oo maanta caalamka laga xusay.
mar 21 feb 2023
3 : 05 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka arrimaha dibedda Sweden oo soo dhoweeyay hadal ka soo yeeray dhigiisa Turkiga. Dowladda oo xil dheeri ah iska saari doonta daryeeka dhallaanka iyo dhalinta ee BUP iyo Misaajid ku yaalla Uppsala oociyaaro u qabta dhallinta sabti walba
lun 20 feb 2023
3 : 10 min
Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xarummaha daryeelka cudurrada dhimirka dhallaanka ee magacooda loo soo gaabiyo BuP oo dhaleeceeyn loo soo jeediyey.Hab maandoorin cusub oo ay dhallinyaradu isticmaasho ayey dakhaatiirtu ka digeyaan.Asbuuca soo socda gudihiisa ayaa ku beegan maalinta caalamiga ee luuqadda hooyo.
vie 17 feb 2023
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha xisbiga socialdemokraterna Magdalena Andersson ayaa ka hadashay xogtii ugu dambeysaey ee ka soo baxday arrinta la xiriirta qishka laanat xisbiga ee degmada Botkyrka.Bileyska ayaa mar kale diiday ruux ka daldabay ruqsad ah in la gubo quraan, iyada oo kolkan la doonayay Quraan lagu hor gubo safaaradda dalka Ciraaq ku leeyahay Sweden.Waxaa jira wel wel ardayda barta afkooda hooyo ka qabaan baaritaan ay dowladda ku sammeyn doonto barashada luuqadaha hooyo si loo ogaado in ay saameyn aan habooneyn ku leeyihiin barashada Afka Swedish ka iyo maadooyinka kale.
jue 16 feb 2023
2 : 41 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shirkadda SAS, jaamicado iyo hayado lagu weerarey aaladda cyper-ka. Waxaa sheegtay koox isku magacaawday qarsooneyaasha Suudaan.Guddiga doorashooyinka ee isutagga ururrada kubbadda cagta Iswiidhen ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha isutaggaasi loo doorto madaxii hore ee xukuumadda Iswiidhen Fredrik Reinfeldt, sida uu ururku ku qoray boggiisa.Bryna oo ahayd gabar yar oo 11 jir ah ayaa nafta iska goysay, iyadoo aan wax wadahadal daryeel ah ka helin xarunta caafimaadka dhimirka dhallinyarada BUP.
mié 15 feb 2023
4 : 24 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo talaado ah ayaa waxaa magaalada Bryssel oo xarunta Nato ku kulmay wasiirrada gaashaandhigga gaashaanbuurta Nato.Isniinta foodda innagu soo haysa oo ku beegan 20-ka bisha feeberaayo waxaa qalliin dhanka wadnaha ah lagu sameeyn doonnaa boqorka dalka Carl XVI Gustav.Qeybo badan oo dunida ka mid ah ayaa maanta waxay ku asteeysan tahay maalin jacayl ama Valentine's day.
mar 14 feb 2023
3 : 12 min
Wararka maanta ee raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gobolka Gävleborg ayaa waxaa ku nool dhallinyaradda da'dooda u dhaxeyso 18-24 oo ay heyso shaqo la'aanta ugu badan SwedenKobaca dhaqaalaha Sweden ayaa noqday midka ugu liita waddamada midowga Yurub, iyadoo Sweden tahay waddanka keliya ee uu dhaqaalihiisu is dhimay.Toddobaadka foodda innagu soo haya ayuu u bilaaban doonaa reer Göteborg toddobaadka fasaxa ee ciyaaraha "sportlovet."
lun 13 feb 2023
2 : 55 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kaniisadda Sweden ayaa dib u eegis ku samaynaysa u diyaar garoobideeda xaaladaha khatarta ah iyo dagaallada hubaysan.Waa in la mamnuco gubidda dhammaan kutubta muqadiska ah oo dhan, sidaas waxaa soo jeediyay Masaajidka Göteborg sida uu sheegay SVT Väst.Sida ay muujisay baaris ay samaysay laanta wararka Ekot, in ku dhowaad afartan degmo oo Sweden ah u ogolaadaan qaxootiga Yukrayn nidaamka waxbarashada afka swedishka ee SFI.
vie 10 feb 2023
3 : 07 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Laba nin oo wejiga u duuban yahay isla markaana hubeeysan ayaa maalintii shalay nin maxbuus ah ka soo furtay isbitaal ku yaalla magaalada Norrköping.Maanta ayaa ku aaddan sannadguuradii ugu horreeysay ee ka soo wareegta markii dalka laga qaadey dhammaan xayiraadihii xanuunka safmareenka ee covid-19.Qaar ka mida dukaanada iibiya alaabooyinka gacan labaad ka ee ku yaalla Sweden ayaa qeyb ka ah howlo taakuleyn oo lagu caawiyo dad ku sugan dalka gudihiisa iyo dibediisa.
jue 9 feb 2023
2 : 50 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidammada nabadsugidda Sweden ayaa sheegay in ay u jeedaan khatarta weerar ku wajahan Sweden ay kor u kacday, sida ay ku soo qoreen bartooda Twitter ka. Booliiska Stockholm oo u diiday ogolaansho in Qur'aanka lagu hor gubo safaaradda Turkiga ee Sweden.Sweden ayaa eegaysa fursad ah in dalka lagu qabto cayaaraha jiilaalka ee Olombikada adduunka Vinter OS 2030 ka.
mié 8 feb 2023
2 : 16 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Baabuurta la geeyo Skrott-ka oo yaraaday. Duulimaadyada diyaaradaha oo dib ugu laabtay heerkii Covid ka hor iyo degmadda Avesta oo dhalleeceyn kaga timid dhanka IVO
mar 7 feb 2023
3 : 17 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dad aad u fara badan kuna nool Sweden ayaa ehelkooda waxay ku sugan yihiin goobaha uu dhulgariirku xalay iyo maanta ku dhuftay ee koonfurta dalka Turkiga iyo waqooyiga dalka Suuriya. Waxaa maanta loo dabaal degayaa maalinta qaranka dowmiyadda Samer-ka waana sannadguuradii 30-naad oo xiriir ah. Sare u kaca qiimaha cuntada oo halkiisa ka sii socda. Bishii jannaayo ayuu iimaha cuntadu kor u kacay 1,4%.
lun 6 feb 2023
3 : 04 min
Wrarkii maanta ee Radiyaha Sweden
Xildhibaanno ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Mareeykanka oo sheegay inaaney ansixin doonin iibka diyaaradaha F-16 ee dalka Turkiga, haddaannu dalkaasi Nato u sii dayn Iswiidhen iyo FInland. Sicirka qaxwaha ama kafeegaoo hoos u dhacay kiiladii. Tartankii heesaha Hirgaley Melodifestivalen ee Iswiidhen oo berito ka bilaabmi doona Göteborg.
vie 3 feb 2023
3 : 14 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Centerpartiet ayaa maanta doortay hoggaamiye cusub oo baddelay Guddoomiyii hore Annie Lööf. Laga bilaabo jimcaha lixda subaxnimo ayey laanta saadasha hawadu, SMHI ka digaysaa in gobolka Halland uu baraf badani ku habsan doono. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa shuruudeeyay inuu madaxa ciidanka ammaanka Anders Thornberg jagada iska casilo.
jue 2 feb 2023
3 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Taliyaha booliiska ah ee magaciisa la yiraahdo Mats Löfving ayaa loo gudbiyey laba ashtako ka dhan ah, hase yeshee isagu iska dheereeyay.Albaabka goobtii ay ku jireen oo furnaa iyo dayac dhinaca hab raaca hawlmaalmeedka joogtada ah dartood ayey bartamihii december daanyeerradu uga baxsadeen beerta xayawaanka ee Furuviksparken.Wiil 17 jir ah ayaa rummaanka loo dhigay inuu gacan ka geeystay dilkii wiil 15 jir ahaa oo lagu toogtay sabtidii ina dhaaftay gudaha makhaayad ku taalla xaafadda Skogås oo dhacda koonfurta Stockholm. Wiilkan ayaan irsanayn tuhunka lagu soo oogay.
mié 1 feb 2023
3 : 02 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Guryaha lagu xannaaneeyo dhallinyarada oo magacooda loo soo gaabsho HVB ayaa noqday meelo ay carruuurtaasi ka bilaabaan isticmaalka maandooriyaha iyo dembiyadaba.Magaca gabdhaha ee Alice oo muddo lix sannadood ahaa magaca ugu badan ee hablaha dhasha loo bixiyo ayaa sannadkii tagay waxaa booxka ka xayuubiyay, magaca Astrid.Degmadda Timrå ee gobolka Västerbotten ee waqooyiga Sweden, nin dambiile ayaa deyrtii hore isku dayay in uu soo jiito caruur da'doodu tahay 11 jiro.
mar 31 ene 2023
3 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dalka Finland ayaa ku adkeeysanaya go'aankiisii ahaa iney Iswiidhen iyo Finland mar wada galaan ururka gaashaanbuurta Nato.Wakaaladda xoogga korontada Sweden ee Svenska Kraftnät ayaa maanta soo gudbisay hindisaheeda sida uu u ekaan doono kaalmada korontada wejiga labaad.Xulka kubadda gacanta Sweden ayaan wax billad ah ka soo hoyn ciyaaraha adduunka kubadda gacanta oo qeyb ahaan uu dalku marti geliyay sannadkan.
lun 30 ene 2023
3 : 45 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka caddaaladda Iswiidhen oo ku baaqay in midowga Yurub iska kaashado kooxaha abaabulan ee dambiyadda. Koox arbushaad ama jabsi ka fulisa internetka oo turki ah oo u goodisay Iswiiden iyo Ciyaar semifinal oo caawa wada ey wada ciyaari doonaan Fransiiska iyo Iswiidhen sagaalka fiidnimo.
vie 27 ene 2023
2 : 33 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Xagjirka midigta fog Rasmus Paludan ayaa sheegay in Chang Frick oo ka tirsan kanaal Rix ee uu leeyahay xisbiga SD uu bixiyay kharashka uu bileyska kaga doontay ruqsada in Quraanka uu ku hor gubay safaaradda Turkiga ee Stockholm iyo kanalkaasi oo iska fogeeyay. Xulka kubadda gacanta Sweden oo ka adkaaday midka Masar. Hanka horumarka oo ka soo bilaaban karo shaqooyin.
jue 26 ene 2023
3 : 17 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Maamulka jaamicadda al-Azhar ee dalka Masar ayaa ku booriyay in cunaqabateeyn lagu soo rogo dalka Iswiidhen. Baaritan ay sameesay jaamcada Uppsala ayaa lagu ogaaday, in dadka asal ahaan dalka dibadiisa ka soo jeedaa isla markaana haysta tacliinta sare, ay muddo dheer ku qaadato in ay suuqa shaqada soo galaan. Taageeradii biilka korontada ee xukuumaddu qorsheeysay oo ugu horaan la bilaabi doona in la bixiyo gooaha koonfureed ee Iswiidhen 20-ka bisha feeberaayo
mié 25 ene 2023
3 : 08 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkadaha korontada oo u dira macaamiisha xoggo kala duwan. Hoggaamiyaha xisbiyada mucaaradka Magdalena Andersson oo ka hadashay arrinka ka taagan codsiga Nato ee Turkiga. Soomaalida iyo barashada xirfadaha
mar 24 ene 2023
3 : 00 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xaaladdii cakirnayd ee qiimaha korontada oo laga yaabaa inay soo gabagaboowdo.Xagaagii ina soo dhaafay keliya, ku dhowaad hal milyan oo saacado dheeri ah ayay shaqeyeen shaqaalaha kahowlgala goobaha daryeelka waayeelka.Dalalka Sweden, Estonia iyo Finland ayaa guddiyadooda baarista shilalaka dhinaca hore waxay maanta soo bandhigeen warbixin horudhac ah oo ku aadan markabii rakaabka ee ku deagy badda Baaltika sannadkii 1994 oo ey ku geeriyoodeen 852 qof.
lun 23 ene 2023
3 : 15 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib qaraxyo hirar ah oo is daba joog ah oo ayaamahaan ka dhacayey magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda ayey booliiska oo qabtay war saxaafadeed, wuxuu ku dhawaaqay xaaladda amni ee loogu yeero dhacdo gaar ah.Dadka shaqada sii wata howlgabka dabadii ayaan heli doonin oo keliya gunno howlgab ka badan, kolka ay howlgabka si dhab ah u galaan, waxaa kaloo u dheeraan doona macaash, marka laga eego dhanka nidaamka canshuurta.Labadii nin ee walaalaha ahaa ee shalayto lagu xukumay jaajuusnimada culus ayaa lagu ogaaday ka dib markii tuhun laga qabo loo gudbiyay ciidanka nabadsugidda Säpo.
vie 20 ene 2023
3 : 03 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo ay bishu tahay 19ka jannaayo, oo ah maalin ka hor maalintii ay walidiinta carruurta lahi, heli jireen lacagta tageerada carruurta, Barn bidrag, ayaa loogu yeeraa maalinta sannadka ugu faqiirsan,Sannadkii tagay ee 2022 ayaa Iswiidhen laga diiwaangeliyey dacwad dembiyeedyo dhan ku dhowaad 1 440 000, sida ku cad tirakoobka ururka ka hortagga dembiyada ee (Brå).Sannadkii tagay ee 2022 ayey ardeyda dhigata fasalka lixaad ey shantii ardeyba saddex ka mid ah ey doorteen barashada luuqadda isbaanishka, waana tiro kor u kacday 10% tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.
jue 19 ene 2023
2 : 52 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Muharrem Demirok oo iska celinaya dhalashada Turkiga.Bishii diseember ayay hoos u dhacday guud ahaan korontada la isticmaalay 8,2 boolkii marka loo barbardhigo bishii dhiggeeda ee ka horreeyey.Tan iyo dayrtii lasoo dhaafay oo iskuullada dib loogu laabtay, ayey dugsiyo badan ka muuqdeen in baahida loo qabo cunnoyinka iskuulka ey sare u kaceen, sida uu ku warramay Telefishinka SVT laantiisa Södertälje.
mié 18 ene 2023
2 : 29 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Nils van der Poel oo ah cayaar yahan dheelka cayaarta barafka lagu ordo ayaa saddex biladood ku guulaystay xaflad cayaareedkii xalay.21 jirka Daniel Lönn oo ah Sverigedemokrat reer Borlänge ah ayaa noqonaya xildhibaanka ugu da'da yar baarlammaanka Sweden.Madaxa xukuumadda Iswiidhen Ulf Kristersson ayaa maanta hortagay baarlamanka waddammada ku midoobay EU-da ee magaalada Strasbourg.
mar 17 ene 2023
3 : 18 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Caafimaad darrada lala xiriirinayo cuntada iyo cabbitaanka ayaa soo badanaya sida ay sheegtay hay'adda cuntada Sweden. Dhacdadii ka dhacday banaanka xaruunta dawladda hoose ee magaalada Stockholm, taas oo ahayd in lagu daldalay boombale lagu matalay madaxweeynaha Turkiga Erdogan, ayaa noqotay mid aan dambi ahayn.Kadir Qaadir oo falkii uu sameeyay 28-kii bishii diseember uuna ku badbaadiyay ilmo neeftu ku dhagtay ayaa sheegay inay muddo dheer arrinkaa xasuustiisa ku sugnaan doonto.
lun 16 ene 2023
3 : 10 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlamanka Iswiidhen ayaa sheegay inuu ka xun yahay inuu dalka turkigu joojiyey booqashadii uu toddobaadka foodda innagu soo haya ku tegi lahaa magaalada Ankara.Tirada haweenka ee ku dhaqan magaalada Göteborg ee helay gargaarka dhanka gudniinka, ayaa laba jibaarmaay tan iyo sannadkii 2021.Geedka ku caanka ah Kirismaska "Julgran" oo gabbaad badda dhexdeedaa u noqon kara noocyo kalluunka ka mid ah, gaar ahaan kuwooda yaryar.
vie 13 ene 2023
3 : 33 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Intii lagu guda jirey fasixii Kirismaska ayey ururka BRIS (xuuuqda dhallaanka ee bulshada dhexdeeda) soo gaareen wicitaanno 19% ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horreeyay.Tirakoob hordhac ah oo ka soo baxay hayadda hoggaanka gaadiidka ayaa lagu sheegay iney shilalka gaadiidka waddooyinka ku geeriyoodeen sannadkii 2022 dad gaarsiisan 220.Monica oo 83 jir ah oo magaalada Norberg ku dhaqan ayaa waxaa telefoon u soo diray oday ey yaraantii, is jeclaayeen oo uu xiriir ka dhexeeyey muddo gaaban sannadkii 1955. 65 sannadood kadib jacayl dhaboobay.
jue 12 ene 2023
3 : 06 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Bukaan xanuun u yiil isbitaalka Helsingborg ayaa geeriyooday iyadoo aan cidi ogaan.Ururka dhallinyarada ee xisbiga Centerpartiet (CUF) iyo midka ardeyda ayaa shaaca ka qaaday iney taageersan yihiin go'aanka guddiga doorasharada ee xisbigu ku soo bandhigay in Muharrem Demirok loo doorto hoggaamiyaha cusub ee xisbiga CTatueringar oo ah midabbada ay dadka qaar jirkooda ku xardhaan, ayey cilmi baarayaal Jaamacadda Lund ka howlgala baarayaan in uu sababo cudurka Kansarka.
mié 11 ene 2023
3 : 10 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Cayaarta kubadda cagta dumarka ayaa sannadka dambe taallo lagu weynayayo looga dhisayaa magaalada Göteborg, iyadoo laga hor taagi doono Gamla Ullevi oo isagu ah garoonka footboolka dumarka ee heer qarane Sweden.Axaddii ina dhaaftay ayey toddoba qof ku dhaawacmeen, halka shan ka mid ahina ey soo gaareen dhaawacyo culus dab ka kacay daar ku taalla xaafadda Vasastan.
mar 10 ene 2023
3 : 18 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Qiimaha cunnada ayaa la fileyaa inuu kor u sii kaco sannadkaan, haseyeeshee kor u kacaan ayaa la qiyaasayaa in uu ka hooseeyn doono kor u kicii sannadkii hore. Xukuumadda Sweden ayaa gorgortan ku saabsan sidii ay u wada samyan lahaayeen wada shaqayn ciidan oo ballaaran, oo horseedi doonta in ciidammada Maraykanku ay ka hawl geli karaan arllada dalka Sweden, kula jirta waddanka Maraykanka. Baahi aad u ballaaran ayaa ka jirta dareewallada basaskad xaaladda iminka lagu jiro, sida uu sheegay David Erixon, oo ah madaxa laanta xiriirka ee shirkadda basaska Nobina.
lun 9 ene 2023
3 : 31 min
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
Horraantii sannadkii ina dhaafay ayaa hirgalay xeer cusub oo ku saleeysan inay ganaax wajahayso ciddii bannaanka ku tuurta qashin xitaa aan waynayn. Qaraxyadii iyo dilalkii ayaa weli ka socda magaalada Stockholm. Dugsihii hore ee Römossesskolan ee magaaladda Göteborg, ayaa xarruntiisi waxaa si rasmi ah ula wareegay Ururka Räddningsmissionen, oo ogolaansho ka helay Waaxda kormeerka Iskuuladda ee skolinspektion.
jue 5 ene 2023
3 : 10 min
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen
Maxkamadda degmada Blekinge oo maanta xukuntay nin 44 jir ah oo lagu eedyeyey xadgudubyo dagaal. Ninkan ayaa iska dheereeyay dembiga lagu soo oogay. Wakaaladda beeraha ayaa goaan ku gaartay in nafta laga jaro 165.000 digaag, kadib markii laga helay cudurka xiidmaha ku dhaca ee loo yaqaanno Salmonella. Maxkamadda degmada Malmö ayaa maanta xabsi ah ku xukuntay nin kale oo 43 jir ah ka dib markuu labba gabdhood oo uu dhalay oo aan qaangaaraheyn u safriyey dalka Suuriya.
mié 4 ene 2023
2 : 58 min
Wararkii maanta ee raadiyaha Iswiidhen
Hayadda caafimaadka bulshada oo sheegtay inay doonayso in saami tijaabo oo dhanka civid-19 ah lagu xiro dadka ka soo safraya dalka Shiinaha. Ilmihii ugu horeeyey ee sannadka 2023-da dhasha oo ay waalidkiis ka hadleen dareenkooda. Goobaha daryeelka waayeelka oo sannadaha soo socdaoo la sheegay inay baahi wayn u qabi doonaan sidii ay ku heli lahaayeen shaqaale badan. Waa qodobada aad ku maqli doontaan wararkeena maanta.
mar 3 ene 2023
3 : 06 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidanka ammaanka ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo dembiyo kala duwan lagu tuhunsan yahay kadib qarax xooggan oo xalay ka dhacay xaafadda Grimsta oo dhacda waqooyigalbeed ee magaalada Stockholm.Shan gobol oo Iswiidhen ka tirsan ayuu maanta ka bilowday ugaarsi ay doodi ka taagnayd ee 75 ka mid ah xayawaanka yeeyda.Wakaaladda socdaalka ayaa sannadkii la soo dhaafay kordhisay tirada shaqaalaha gacanta ku haya kiisaska codsiyada ogolaanshaha shaqada, oo ay ka dhigtay laga bilaabo 200 ilaa 300 oo qof.
lun 2 ene 2023
2 : 30 min
Wararkii maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dawladda oo dooneeysa in dugsiyada hoose/dhexe ay ardaydu qaataan xisaab iyo iswiidhish dheeri ah, soona jeedisay in la kordhiyo saacadaha wax-barashada ee maadooyinkaasi. Inkasta oo sharciyadda wax laga badalay haddana waxaa weli adag inay lammaaneyaasha wada nool is dhaxlaan. Dheemankii Madoobaa ee Brazil ee Pele oo xalay geeriyooda isagoo 82 jir ah.Waa qoddobada aad ku maqli doontaan idaacayada maanta
vie 30 dic 2022
3 : 54 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah
jue 29 dic 2022
3 : 21 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Dad ka tira badan intii hore ayaa ka faqooqan sidii ey lacag caddaan ah u bixin lahaayeen. Maxkamadda sare ayaa ciqaabtii ka dhintay labo nin oo booliiska u gudbiyey xog ku saabsan dembiyo ay galeen.
mié 28 dic 2022
1 : 33 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Nin lagu tirinayo in uu ka tirsanaa shabakad dembiileyaal ah ayaa maalintii Krismiska toogasho lagu diley.Shantii sannadood ee ugu dambeeyey ayey laba jibbaarmeen ganaaxa loo qoro gawaarida ku socda xawliga sare.Daraasad cusub oo laga sameeyey saddex goabol oo dalka ka mid ah, ayaa lagu ogaaday inuu cayilka iyo midka xad-dhaafka ah ee dhallaanka 3 illaa –jirka ah uu cayilkoodu kor u kacay intii lagu guda jirey xanuunkii safmareenka ee covid-19.
mar 27 dic 2022
2 : 49 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iskuullada muslimiintee xorta ah ee kala ah Framsteg oo ku yaal Stockholm iyo Imaan Skolan ee magaalada Uppsala, ayey maxkamadi ku xukuntay in aaney sii furnaan karin.Iyadoo ay tahay biloowgii ciidda Kirismiska ayaa la faliayaa in gaadiidka waddooyinku ay aad u bataan. Illaa iyo iminka ma jiraan daahitaanno badan waxaase la qiyaasyaa in jidadka inuu barafku aad u qaboojiyo oo ay sabiibax badan noqdaan. Iyo warar kale oo xiiso leh.
vie 23 dic 2022
3 : 43 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Hayadda kormeerka dhaqaalaha ayaa sahlaysa xeerarka si qaxootiga loogu sahlo inay yeeshaan akawn ama koonto bangi. Faafidda covid-19 ayaa kor u kacaya dalka dhammaantii, sida laga soo xigtay jaamicadda beeraha oo saamaysay tijaabo ku samaysay bullaacadaha. Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billström ayaa maanta booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga, si ay dhiggiisa Turkiga Mevlüt Çavuolu, uga wada hadlaan geeddi socodka ku biiridda Sweden ee Nato.
jue 22 dic 2022
3 : 03 min
Wararkii maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo arbaco ah taariikhduna tahay 21 december 2022, ayaa ah maalinta sannadka ugu mugdisan iyo weliba habeenka ugu dheer iyo maalinta oo ugu gaaban.Cudurka fin-daayeerka ayaa dhowaantan loo heley magac cusub oo ingiriisi ah– mpox. Midkaasina oo hadda ay hayadda hoggaanka bulshada – Socialstyrelsen ay iminka magacaa ansixisay.Faafidda cudurka ayuu ugu badnaa galbeedka iyo bartamaha Afrika, halka habka ugu badan ee lagu kala qaadayeyna ey ahayd ragga isu taga. Laanta caafimadka ee WHO ayaa xaqiijisay in magacan findaayeerka sidoo kale loo isticmaalay si cunsurinimo ku dheehan tahay, haddey noqon lahayd aaladda internetka iyo qeeybaha kale ee bulshada.Berri oo khamiis ah ayuu wasiirka arrimaha dibadda Sweden, Tobias Billström wuxuu u safri doonaa dalka Turkiga, isagoo halkaas kula kulmi doona dhiggiisa Turkiga Mevlüt Cavusoglu.
mié 21 dic 2022
4 : 50 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxkamadda degmada Lund ee nawaaxiga Skåne ayaa xukun sannad ah ku riday aabbe lagu soo eedeeyey inuu gabar uu dhalay u geeystay jirdil. Ninkan la xukumay ayaa ka mid ah iimaammada ugu cadcad Iswiidhen ee aaminsan madhabta salafiyada, hase yeeshee iska dheereeyey dembiyada lagu soo oogey.Wasiirka arrimmaha dibadda dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu oo ka falceliyay go'aankii maxkamadda sare Iswiidhen ay ku joojisay in suxufi turki ah loo gacangeliyo dalkaasi.Xilliyada fasaxa Kirismaska iyo kalaguurka sannadka iyo dhallaanka oysaska danyarta.
mar 20 dic 2022
2 : 38 min
Wararka maanta ee Raadiyaha iswiidhen
Maxkamadda sare ee Sweden ayaa war saxaafadeed ku sheegtay in ay diidday in dowladda Turkiga loo gacan geliyo suxufiga turkiga Bylent Kennesch. Asbuucii la soo dhaafay ayuu dhacay xukunkii jirdilka caanka noqday ee ka dhacay Morö backe oo ku taal degmeda Skellefteå. Sannadihii u dhexeeyey 2019 2021 ayuu hoos u dhacay dalka Iswiidhen iibsigii sigaarku 14%, sida ku cad warbixin ka soo baxday ururka CAN.
lun 19 dic 2022
3 : 44 min
Wararka maanta ee Raadiyaha iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hay'adda daryeelka ilkaha dadweynaha ee Stockholm ayaa ku talisey in carruurta madow sharootada kabuubyadu ku dhegenaato wakhti ka dheer midka carruurta caddaanka ah. Sharootadaan oo ah mid daawo kabuubyo wadata oo jirka ka ilaalinaysa inuu xanuun la dareemo.Sannadihii uu socday xannuunka safmareenka ee covid-19 ayaa horseeday inay ardeydii ugu liidatay waxbarashada ay dhibaatada ugu wayni kala soo gudboonaatay. Dhallaan ku dhaqan Borlänge oo ka faa'iideeysta ka caawinta casharrada iskuullada.
vie 16 dic 2022
3 : 50 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Daanyeero nuuca Chembansiga ah oo shalay ka baxsaday beerta xayawaanka ee Furuviksparken oo la ogeyn meesha ay cag dhigeen. Afar daqiiqadood oo lagu sugnaado qasabadda qubeeyska Shirkadda guryaha ABK ee degmada Kritianstad ayaa macaamiisheeda guryaha ka kireeysta u diraysa saacad wakhti ku xaddidan oo aanay biyuhu karin iyo warar kale oo xiiso leh.
jue 15 dic 2022
3 : 08 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxaa maxkamada magaalada Skellefteå xukun ay ku riday, wiilki 15 jirka ahaa oo weerar u gaystay gabar 9 jir ah, isla mar ahaantana kula kacay isku day dil iyo kufsi ah xagaygi ina soo dhaafay.Degmooyin intii hore ka badan ayaa ku tallaabsadey iney hirgeliyaan tijaabadda luuqadda ee shaqaalaha xannaanada waayeelka, sida uu qoray wargeeyska shaqaalaha degmooyinka. Iyo warar kale
mié 14 dic 2022
3 : 34 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wakhti hadda 2 sanno laga joogo, cisbitaalka jaamacadada Sahlgrenska ee magalada Göteborg qeybtiisa hooyada iyo dhallaanka ayay ka dhacday dhacdo sababtay in uu cisbitaalku dacwo u gudbiyo booliska. Wakaaladda socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa dhaleeceyn adag kala kulantey guddiga-wakiilada caddaalada. Wakaaladda socdaalka waxay dhibaato wayn ka haysataa wakhtiyada maareynta codsiyadda Arinkaan ayaa waxaa shaaca ka qaaday guddiga wakiilada caddaalada ee JO. Iyo warar kale.
mar 13 dic 2022
2 : 46 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wasiirka Gaashaandhiga Sweden, Pål Jonson oo booqasho ku tegey dalka Yukreyn. Pål Jonson ayaa la kulmay dhigiisa Wasiirka Difaaca Ukraine Oleksiy Reznikov. Hadda ayaa waxaa la xaqiijiyey in la xirayo dugsiga madaxa bannaan ee Römosseskolan ee ku yaala magaalada Göteborg. Maxkamadda sare ee maamulka ma dhageysan doonto kiiska, sidaas waxaa qortay P4 Göteborg. Hoggaamiyaha xisbiga Nyans oo mar kale loo doortay hoggaanka xisbiga.
lun 12 dic 2022
3 : 49 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Taliyaha booliiska Sweden oo looga yeeray guddi hoosaadka dastuurka ee baarlammaanka.Shirkadda boostada ee Postnord ayaa lagu eedeeyay in ayna fulin sharuudda u dhigan.Ururka haweenka ee xisbiga Centerpartiet ayaa doonaya Muharrem Demirok in uu noqdo hoggaamiyaha xisbiga.
vie 9 dic 2022
4 : 04 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxkamadda Sare ayaa khamiistii go'aamisay in aaney jirin wax sharci ah oo taageeraya in la mamnuuco khimaarka xijaabka ah ee ay isticmaalaan gabdhaha dhigta dugsiga xannaanada iyo sikuullada hoose.Hoggaanka gaadiidka ayaa bilaabaya nidaam cusub oo uu tareenku ku shaqayn doono, taas oo abuurtay walwal badan.Nidaamka A kassada ayaa mar kale dib u hawl galay iyadoo iminka dadku ay diri karaan saacadaha ay lacagta ku dalbanayaan, iyagoo lacagtana ku helaya wakhtigeeda.
jue 8 dic 2022
2 : 43 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Macallin yarida Sweden ka jirta ayaa haddii aan wax is baddelin la saadaalinayaa in ay sii socon doonta ilaa iyo 2030 ka. Qeybo badan oo ka mid ah dalka Iswiidhern ayaa laga fileyaa inuu qabow iyo baraf soo dhaco maalmaha foodda innagu soo haya. Hogaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf oo waraysi siisay laanta idacada Ekot kadib xukunkii ku dhacay Teodor Engström.
mié 7 dic 2022
4 : 11 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hogaamiyaha xisbiga Ceneterka Annie Lööf oo reer Värnamo ah, ayaa sheegtay in ay nafistay ka dib xukunkii maxkamadda ee Teodor Engström.Machadka xaalada dhaqaalaha oo magaciisa loo soo gaabiyo (KI), ayaa ogaaday in ayan shirkadaha Iswiidhan sare u qaadin sicirka in ka badan qiimaha uu joogo. Dadka ka shaqeeya maktabadaha buugagta ee caamka ah iyo madxafyada ayaa la kulmo handadaad iyo nacayb marba marka ka dambaysa soo badanaya, oo uga imaanaya bulshada iyo weliba siyaasiyiin ku cadaadinaya waxa ay rabaan.
mar 6 dic 2022
3 : 34 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Turkiga ayaa soo dhoweeysay tarxiil uu dalkani ku sameeyay nin ka soo jeeda qowmiyadda Kurdida oo ay horey maxkamad ku taala dalka Turkigu ku xukuntay gacansaar uu la lahaa xisbiga PKK, hase yeeshee uu dalkaasi uu bixineyo dhambaallo inuu doonayo wax intaa ka badan inta aanu ansixin ka mid noqoshada Iswiidhen ee Gashaanbuurta Nato.Maanta ayaa la soo gabagabeeyey maxkamaddii racfaanka ee lagu qaadayey eedeeysane 18 jir ah oo maxkamadda degmadu horey ugu xukuntay xabsi daa'in dilkii uu u geeystay laba macallin oo wax ka dhigi jirey Iskuul ku yaala magaalada Malmö ee lagu magacaabo "Latinskola. Iyo warar kale.
lun 5 dic 2022
3 : 24 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xukuumadda oo baaris u saartay sidii loo adkeeyn lahaa ammaanka haweenka lagu tacadiyo.Cilmi-baare ka howlgeli jirey jaamicadda Istockholm oo la ogaaday inuu aaminsanaa fikradda naaziga, islamarkaana chatt-ka kula xiriiri jirey eedeeysanihii Visby ku dilay kuleeylihii haweeney,, midkaasina oo lagu soo eedeeyey dil iyo fal argagixisnimo.Waalidiin dalka kala carara ilmahooda sidii ey uga badbaadin lahaayeen toogashooyinka dalka ka dhaca.
vie 2 dic 2022
3 : 53 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Laga bilaabo maanta oo bisha diseembar tahay koow waxey ciidanka ammaanka dalku direeyskooda ku xiran karaan kaamerad duubeysa codka iyo sawirradaba. Tiro ka yar oo carruur ah ayaa sannadka ku dhashay Iswiidhen marka loo barbar dhigo wixii ka dambeeyey sannaddii 2005, sida laga xaqiijiyay xafiiska xarunta dhexe ee tirakoobka (SCB). Dadka da'doodu ka sarrayso 65 ayey kor u kacday 30 boqolkiiba isticmaalkooda cabbista khamrigu17 kii sanee la soo dhaafay.
jue 1 dic 2022
3 : 29 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dadka aslakoodu ka soo jeedo qaaradda Afrika ee dalka Sweden ku dhaqan ayaa la kulma tacadiyo, iyo dambiyo la xirirra nacayb.Gugii la soo dhaafay oo ay ahayd markii ugu dhibka badnayd in la helo baasaboor cusub ayaa teesaraha aqoonsiga la raqiisiyey, lagana dhigay 100 kr, halkii uu awal ka ahaan jirey 400 kr.Xisbiyada mucaaradka ayaa si adag u dhaleeceeyeen warbixin kasoo baxday xukuumada oo ku saabsan kabka korontada.
mié 30 nov 2022
3 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Waxaa sii caadiyoobaysa iney xisbiyada Moderaterna iyo Socialdemokraterna ku midoobaan tiro intii hore ka badan ee hoggaanka maamullada degmooyinka. Haweenka siyaasiyiinta ayaa loo geeystaa naceyb iyo handdadaad ka badan, marka loo barbar dhigo dhiggooda ragga ah. Siri oo ahayd gabar labaatan jir ah oo ninkii ay nolosha wadaageen uu dilay iyadoo uu wiilkeeda ay dhawaan dhashay uu ag jiifo.
mar 29 nov 2022
4 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen Tobias Billström (M) oo ey weheliyaan wasiirrada dhiggiisa ee waddammada noordiska iyo baltig-ga ayaa booqasho ku tagay Kiev. Xukuumadda dalka Hungeriya ayaa ictiraaftay ka mid noqoshada waddammada Iswiidhen iyo Finland gaashaanbuurta Nato, Johan Pehrson oo hore u ahaa Sii hayihii hoggaanka xisbiga Liberalerna, islamarkaana ah wasiirka isdhexgalka iyo suuqa shaqada ee xukuumadda Sweden, ayaa sabtidii si rasmi ah loogu doortay xilka hoggaanka xisbiga.
lun 28 nov 2022
2 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wararka Waxaa socda dhegeysiga maxkamadda labo nin oo walaalo ah, oo lagu tuhunsan yahay in ay howlo basaasnimo oo ka dhan ah oo dalka Sweden ku lug lahaayeen, laguna eedeeyay in u shaqeynayey Ruushka. Dhegeysiga maxakamadda ayaa maanta ka socota magaalada Stockholm.Haweeney macallimad ka ahayd degmada Nynäshamn, kana tirsanayd xisbiga Sverigedemokraterna, ayaa shaqadii laga joojiyey ka dib markii lagu helay in ay shabakadda internetka ku faafisay dacaayad naasiisinimo toban sano ka hor. Iyo warar kale.
vie 25 nov 2022
4 : 01 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Qiimaha qaaliyoobay ayaa waxay horseedeen in in badan oo ka mid ah shirkadaha guryuhu ay damacsan yihiin in sannad foodda inagu soo haya ay guryaha dadku deggan yihiin kiradooda aad u qaaliyeeyaan.Hay'adda kaalmada waxbarshada ee CSN ayaa iminka go'aamisay codsiyadii ugu horreeyay ee lagu dalbanayey deeqda lacageed (omställningsstöde) ee loogu tala galay dadka noloshooda bartamaha ka maraya ee raba in ay shaqada joojiyaan oo ay waxbarasho bilaabaan. Iyo warar kale
jue 24 nov 2022
4 : 09 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Bukaan ku sugan isbitaalka Södra Älvsborg ayaa dhintay ka dib markii shaqaaluhu ay si qaladan u aqriyeen natiijo hore oo ku saabsan heerka garaaca wadnaha ee EKGSweden oo ku guuleysatey horyaalnimadda ciyaarta boojadda ee adduunka.Ciyaartan oo qeyb ka ahayd koobka boojadda adduunka ee hablaha oo xulka Sweden uu fooda daray kan dalka Jarmalka. Iyo warar kale.
mié 23 nov 2022
2 : 53 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Waaliddiinta carruurta guriga ku haysta oo isticmalaya fasaxa lacagta lagu qaato ee loo yaqaan " Vård av barn" loona soo gaabiyo VAB ayaa aad u batay. Daawooyinka lagu tacaalo cudurka Covid-19 ayaa hadda lagu heli karaa warqad dhakhtar qoray, sda uu qoray wargeysaka Dagens Medicin. Maanta ayaa xisbiyada Centerpartiet iyo vänsterpartiet soo bandhigeen hindisahooda misaaniyaddooda baddiilka ah, taas oo baddiil u noqon karta misaaniyadii xukumaddu soo bandhigtay labo todobaad ka hor.
mar 22 nov 2022
4 : 02 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Koobka Adduunka ee ragga ayaa hadda si habsami leh uga socda dalka Qatar, balse xiisaha loo qabo in lagu soo bandhigo ciyaaraha maqaayadaha iyo baararka Sweden ayaa weli hooseeya. Nin da'diisu tahay kow iyo labaatan jir ayaa waxaa lagu xukumay xabsi 16 sano ah ka dib marii uu hooyadiis qudha ka jaray. Sida ka muuqta xukunka ninkaan ayaa hooyadiis mindi uu la dhacay ugeeriyootey bishii april ee sannadkaan. Iyo warar kale.
lun 21 nov 2022
3 : 45 min
Wararkii maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib kulayl dayreedkii aadka u sareeyay ayaa iminka waxaa dhammaan waddankoo dhan, koonfurta Sweden ilaa waqooyigeeda ka bilaabanaya soo di'itaankii barafka barafka.Gabar da'deedu 15 jir tahay oo lagu tuhunsanaa in ay dishay walaalkeed ka yar, ayaa maanta maxkamadi dacwad ku soo oogtay. Gabadhaan ayaa bartamihii bishii juulaay weerar ku qaadday walaalkeed ka yar oo ay ku wada sugnayeen guri ku yaal xaafadda Vällingby ee magaalada Stockholm.Dhuumaha gaaska ee Nord Stream ayaa waxaa loo geystay kharibaad weyn dabayaaqadii bishii september ee tagtey.
vie 18 nov 2022
3 : 26 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Xukuumadda Sweden iyo xisbiga heshiisku kala dhexeeyo ee Sverigedemokraterna ayaa doonaya in la baaro suurtagalnimada in dadka haysta sharciga degenaanshaha abaddiyada, laga dhigi karo ku meel gaar. Shan qof ayaa la qabtay ka dib markii lagu eedeeyay in ay lacago iyo waxyaabaha qaaliga ah, sida faraanti, silsilad iwm, ay ka dhaceen dad waayeel ah. Heshiiskii Tidöavtalet oo ay wadda galaeen xukuumadda iyo Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa xaddidaya guud ahaan arinka soogalootiga dalka Sweden.
jue 17 nov 2022
3 : 18 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Nin da'diisu ay soddomaadka tahay ayey maxakamadi ku xukuntay ka dib markii uu iskuul faraxumayn jinsi ugu geystay carruur iskuulkaas dhiganaysey. Booliiska ayaa ka digaya lacago faalso ah oo suuqa soo galay, iyagoo dadka ku boorrinaya in ay iska hubiyaan lacagaha ay qaadanayaan khaasatan shanta boqol ee xaashiida ah. Robot ku dhacay Polen, xuduuddka Yukrayn. Ulf Kristersson ayaa sheegay in ay isaga la tahay in aan lagu degdegin go'aan inta laga helayo xog ka badan waxa iminkala og nahay.
mié 16 nov 2022
3 : 24 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
Maanta oo talaada ah ayaa maxkamadda Gotland waxaa ka dhacay maxkamadayntii ugu dembaysay ee lagu qaadayey Theodor Engström oo ku eedaysan dembi argagaxisanimo ah. Laga bilaabo maanta oo ay tahay talaado, tariikhduna tahay 15 november ayaa tirada dadka adduunka ku nooli waxa ay gaareen siddeed bilyan oo qof. Sida ku cad misaaniiyada xukumadda ee 2023, ayaawaxaa korloo qaadi doonaa lacagaha dulsaarka deeynta ardayda qaatan oo loo yaqaan CSN.
mar 15 nov 2022
3 : 53 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Tobias Billström ayaa sheegay in Sweden ay garab taagan tahay waddanka Turkiga, ka dib qaraxii argagaxisada ahaa ee lala beegsaday waddankaas axaddii shalay. Maanta waa maalintii ugu dembaysay oo ay tahay in la bixiyo canshuurta baaqiga ah qofkii lagu leeyahay. Ciddi aan bixin canshuurta haraaga ah ee ku waajibtay. Heerkulka oo gaaray heerkii u sarreeyay.
lun 14 nov 2022
3 : 05 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan soo jeedinta dowladda ee xarun ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay magangalyo-doonka.Sida uu qoray SVTWixii ka dambeeyay dooddii toddobaadkan ee la xiriirtay suurtagalka in dalkan lagu meeleeyn karo hubka halista ah ee Nukliyeerka marka dalkani uu xubin ka noqdo ururka gaashaanbuurta Nato ayuu wasiirka arrimmaha dibadda Iswiidhen.Iyo warar kale.
vie 11 nov 2022
4 : 19 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maxaabbiista Daacish (IS) oo xaladdoodu mugdi gashay, ka dib go'aankii iska fogaynta ahaa ee ay xukuumadda Sweden ka qaadatay ururrada Kurdidyiinta YPG iyo PYD. Ururradaan ayaa dalbaday in ay Sweden dhakhso u qaadato muwaaddiniinteeda maxaabbiista ah.Dawladdu waxay meesha ka saartay gunnada cimilada ee baabuurta, tusaale ahaan taageerada dhaqaale ee ay dadku ku iibsan karaan baabuur koronto oo cusub. Ku dhawaaqista ayaa timid hal maalin ka hor inta aysan dhamaanin waqtigii gunnadan. Iyo warar kale oo xiiso leh
jue 10 nov 2022
4 : 55 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta, ayaa loo fariistey dhegeysi dacwad dil ah oo loo haysto eedeysane Theodor Engström. Waxaa dhegeysiga dacwadda sidoo kale soo xaadirtay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie lööf'Shirkadda taareenadda ee SJ ayaa wajahaysa dhibaatooyin soo foodsaaray boggeeda internetka. Dawladda Kulankiihoggaamiyeyaasha Iswiidhen iyo Turkiga ee shaleyto.
mié 9 nov 2022
3 : 38 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shalay ayaa waxaa timid qaylo dhaan ku saabsan kiimikooyinka ku jira biyaha la cabbo ee xaafadda Unnaryd ee Småland. Biyaha dhalada ku jira ee la'iibiyo ayaa hadda ka dhammaanaya dukaamada nawaaxiga.Labadii haween ee ku jirey ruumaanka ayaa lagu wargeliyey in lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen faldembiyeed dilkii gabar 21 jir ahayd iyo rabshadeeyn meeyd ee ka dhacay degmada Vetlanda, sida uu sheegay xeerilaaliye Adam Rullman oo u warrammay wargeeyska Vetlanda Posten. Iyo warar kale
mar 8 nov 2022
3 : 16 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shirkii cimilada caalamka oo ka furmay maanta dalka Masar iyo Ulf Kristersson oo ka hadlay. Tuhunkii faldembiyeedka ee looga shakisnaa laba haweeney kadib markii la heley meeydka garbar la la'aa degmada Vetlanda oo kor u kacay, inkastoo haeenkaasi iska dheereeyeen tuhunkaa. Saddex musharrax ayaa isu soo taagay hoggaanka xisbiga Centerpartet marka ay xilkaasi ka degto Annie Lööf.
lun 7 nov 2022
3 : 13 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Gorgortanka heshiiska mushaarka iyo shuruudaha shaqada ee dhex marayey ururrada shaqaalaha iyo midka shaqa bixiyeyaasha, ee ku saabsan mushaar kordhinta shaqaalaha mushaarka hoose qaata, ayaa noqon doona mid aad u kadeedan.Xukuumadda Iswiidhen ka talisa ayaa hoos u dhigi doonta sannadka foodda innagu soo haya qaxootiga uu dalkani ka soo qaato dalka dibaddiisa.Qayladhaan ka soo yeertay ururka kubadda kolayga ee galbeedka Sweden, iyada oo dhawr todobaad kaliya kasoo wareegatay furitaanka cayaaraha sanadlaha ee caruurta iyo dhallinyarada.
jue 3 nov 2022
3 : 17 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Deeymaha lagu leeyahay dhallinyarada ayaa si xawli ah u sii kordhaya, iyada oo ah xaalad si aad ah ugu badan haweenka dhalinyarada ah.Wiil dhallinyaraa ayaa booliisku qabteen ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhacay guri ku yaal Dalsland. Booliiska ayaa xalay saqdii dhexe lagu soo wargeliyey dagaalka guriga ka socda, ka dib markii telefoon loo diray.Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayuu ciidanka ammaanku kor u qaaday ilaalinta waddooyinka iyo suuqyada wixii ka dambeeyey dhacdooyinkii qaraxyada ee sabtidii ina dhaaftay, halkaas oo ey ku geeriyoodeen dad boqol kor u dhaaftay in ka badanna ey ku dhaawacmeen.
mié 2 nov 2022
3 : 00 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Raysalwasaaraha Sweden Ulf Kristersson oo magaalada Helsinki kaga qayb galaya kulanka golaha waddamada waqooyiga Yurub, ayaa yiri Sweden waa inay u aragto haysashada Nato hub nukliyeer ah, in ay tahay sugnaan amni. Imtixaan kii hore ka casrisan iyo aqoonsiga oo aan wadaha taxiga magaciisa lagu qorayn ayaa ah labo isbaddel oo saamaynaya wadayaasha taxiyada laga bilaabo maanta oo ay tahay kowda bisha november, sida uu sheegay Hoggaanka gaadiidku.Qarax sabtidii ina dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ey ku geriyoodeen 119 qof 10-an kalena la la'yahay, halka dhaawucu yahay 324 qof ayuu ku naf waayay Cabdullaahi Jaamac Cali oo isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisu, ku dhaqnaayeen magaalada Borlänge wixii ka dambeeyey sannadkii 2015 kii.
mar 1 nov 2022
3 : 40 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Ururka daladda shaqaalaha warshadaha oo shuruudeeyey mushaarkordhin 4,4% sannadka 2023. Xaaladda dhaqaale ee dalka oo hoos u dhici doonta sannadka foodda innagu soo haya sida ay shir jaraa'id ku sheegtay Elisabet Svantesson (M), wasiirka dhaalaha Iswiidhen. Mas toddobaad la raadinayey oo dib loo heley.
lun 31 oct 2022
3 : 19 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 16 ka ahaa ee lagu dilay fiidnimadii salaasadii ina dhaaftey degmadda Sandviken ayaa laanta SVT ay wareysatey Jesper Raitamaa oo ahaa ninkii ugu horeyey oo helay dhaawac wiilkan.Carwadda xayawaannada ee Skansen waxa ay sheegtay in ay heshay maskii la waayey , boqorkii cobra ahaa oo ka soo baxsaday goobtiisii sabtidii hore iyo Warar kale.
vie 28 oct 2022
2 : 28 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Shiinaha ayaa laga war helay in ay magaalada Stockholm ku leedahahay xarun isku-dubbarid oo lagula socon karo dadka shiinees ee dibad jooga ah. Sida ay qortey wakaaladda wararka Iswiidhen ee TTLaba albaab oo ka mid ah daaraha ku yaala koonfurta magaalada Eskilstuna ayaa xabbado lala beegsaday, sida ciidanka ammaanku ku qoray shaashaddaa boggiisa. Iyo warar kale.
jue 27 oct 2022
3 : 10 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo Arbaco ah ayaa la qabtay dooddii ugu horreysay oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada baarlmaaniga ah ka dib doorashadii guud. Doodan ayaa ku saabsanayd arrimo badan oo la xiriira doorarka cusub ee xisbiyada dalka.Waddo baaskiilladu maraan ee ku taala degmada Sandviken ayaa Wiil 16 jir oo la toogtay laga heley fiidnimadii salaasadii shalay. Iyo warar kale.
mié 26 oct 2022
3 : 03 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna Jimmie Åkesson ayaan sannadkan sidoo kale lagu casumin xafladda bixinta billadaha nobeelka oo 10-ka bisha diseembar ka dhici doonta magaalada Istockholm.Wasiirka difaaca cusub ee Iswiidhen Pål Jonson ayaa aaminsan in dowlada cusub ay heysato fursad wanaagsan oo ay ku hirgelin karto codsiga Iswiidhen ee ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO marka loo eego fursaddii dowladdii hore iyo gawaari labaatameeyo gaareeysa dab lagu abadsiiyey magaalada Malmö.
mar 25 oct 2022
2 : 51 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dawladda ayaa dooneysa in la dheereeyo xilligii loogu talagaley taageerada ku meelgaarka dhaqaale ee guryaha qoysaska carruurta leh.Hay'adda qaan ururinta ee Koronfongden ayaa kala wareegtey, dad qaan lagu lahaa silsiladdo dahab ah, jaakado qaali ah, lacag caddaan ah iyo gawaari tan iyo kowdii bishii Ogosto, kolkaas oo uu dhaqan galay sharci cusub. Iyo warar kale.
lun 24 oct 2022
2 : 56 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Waxaa iminka caddaatay iney dalka Turkiga kulan ku wada yeelan doonaan madaxa xukuumadda Iswiidhen Ulf Kristersson (M) iyo madax-weynaha dalka Turkiga Erdogan. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa waxaa gacantiisa ka baxay maamulka degmada Sölvesborg ee gobolka Blekinge. Booliska ayaa joojiyey raadinta gabadhii Tove ee lagu waayey agaagaarka Vetlanda.
vie 21 oct 2022
3 : 27 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Raysuul wasaraha cusub ee dalka Iswiidhan Ulf Kristersson ayaa rajaynaya in uu si degdeg ah ugu biiro gaashaan buurta NATO. Hayadda difaaca madaniga iyo diyaar garoowga ayaa asbuuca soo socda warqado warbixin ah u diri doonta 120 kun oo ah dhallinyarada dadoodu 16 jir tahay ee ku nool Sweden.
jue 20 oct 2022
3 : 24 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Shirkadaha guryaha Malmö ayaa bilaabay in ay qariyaan magaca cidda doonaysa in ay guri ka kiraysato, si looga fogaado in dadka aan magacyada iswidhiska ahayn la faquuqo. Kor ayay u kaceeysaa tirada dadka booqashada ku taga rugaha gargaarka degdegga ee caafimaadka, waana mid qaadata wakhti ka badan kii hore. Dacwooyinka booliska loo gudbiyo ee ku saabsan dembiyadda mindiyaha loo adeegsado, ayaa ku soo badanaya gobolka Dalarna.
mié 19 oct 2022
3 : 11 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Wararka maanta ayaa dhammaan ku saabsan soo bandhigiddii dawladda cusub ee Iswiidhen oo salaasada maanta lagu dhawaaqey.
mar 18 oct 2022
2 : 23 min
Wararka maanta ee Raadiyo Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Baarlamaanka Iswiidhen ayaa hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ugu codeeyay maanta inuu noqdo ra'iisul wasaare dalka.Xubnaha xisbiga Liberalrna ee gobolka Istockholm ayaa qoraal ay ku dhaleecaynayaan hoggaanka xisbiga iyo heshiiskii "Tidöavtalet" oo wata magaca goobtii ku dhacay, soo saaray, sida uu qoray wargeeyska Svenska Dagbladet.Muddo sannado ahba waxaa hoos u sii dhacayey tirada qoysaska carruurta leh ee guryaha laga saaro. Lixdii bilood ee sannadkaan u horreeysay ayey 269 carruur ahi waxay noqdeen hoy la'aan ka dib markii waalidkood guryihii laga saaray.
lun 17 oct 2022
3 : 36 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlammaanka Sweden Andreas Norlén ayaa maanta war saxafadeed uu qabtay awuxuu uga warramay geeddi socodkii ay soo martay hawsha xukuumad dhisidda ka dib doorashii dhacday 11 septemberGuri la xabadaeeyay saakay aroortii oo ku yaal Lunden oo dhacda bariga Göteborg ayaa waxaa deggen haweeney boolis ah sida uu soo tebiyey P fyra. Göteborg, iyo warar kale.
vie 14 oct 2022
4 : 04 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sicir bararka ayaa weli sii kordhaya. Bishii Sebtembar ee tagtey ayuu sicir-bararku gaaray 9.7 boqolkiiba, marka loo eego tirooyinka hay'adda tirakoobka iyo saadaasha Iswiidhen ee SCB. Waa heerkii ugu sareeyey ee sicir bararku gaaro muddo 30 sano ah dalkan.Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u yeertay dublamaasiyiin ka kala socda dalalka Sweden, Germany iyo Denmark, si loo baaro qaraxyadii dhuumaha gaaska ee Nord Stream ee badda Baltic-ga. Iyo warar kale.
jue 13 oct 2022
3 : 39 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kiis-maxkamadeed ka bilowday magalaada Skellefteå.Hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa muddo labo maalmood oo hor leh ka codsaday gudoomiyaha baarlamaanka. Ururka lagu magacaabo Tayo oo ka dhisan degmada Borlänge ayaa howlgal-fiican ka geeystay sidii looga gacan-qaban lahaa soomaalida dalkan yimaada.
mié 12 oct 2022
2 : 22 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah In kasta oo sicir barar jiro, isla markaasna waddammada Europa iyo Markeeykanka ay maciishaddii aad u qaaliyoowday, haddana sida uu qabo Dilip Ratha oo madax dhaqaaleed ka ah bangiga adduunka ayaa sheegay in lacagaha la xawilo ay sii badan doonaan sannadkaan.Maxkamadda racfaanka ayaa xaqiijisay go'aankii maxkamadda degmada ee la xiriiray laba qareen oo u gudbiyey xogtii ciidanka ammaanka eedeeysaneyaal iyaga oo isticmaalaya aaladda Encrochatt. Sidee dhallaanka loo bari karaa in aan oogadooda lagu xadgudbin, mashruuc ururka badbaadinta dhallaanku bilaabay.
lun 10 oct 2022
3 : 30 min
Wararka maanta iyo Raadiyo Sweden
Qof ayaa ku geeriyooday, halka uu of kalena uu ka soo gaaray dhaawac halis ah toogasho shalay ka dhacday xaafadda Saltskog ee degmada Södertälje. Waddanka Ruushka ayaa dalbaday in uu xogogaal u noqdo sida ay u socdaan baarista lagu samaynayo wixii sababay qaraxii dhuumaha Nord Stream. Dacwad ayaa maanta lagu soo oogey nin horey macallin uga ahaan jirey dugsi ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada Västerås. Ninkan ayaa lagu soo eedeeyey falal-dembiyeedyada kufsi iyo faraxumeeyn
vie 7 oct 2022
3 : 10 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xeer ilaaliyaha ayaa go'aan ku gaaray in laga qaado xanibaadda agagaarka Nordstream 1 iyo 2 ee badda Östersjön. Nin deggan magaalada Gävle ayey maxkamadi xukuntay ka dib markuu bishii oktoober ee sannadkii 2021 ugu hanjabay inuu dili doono Peter Hultqvist oo ka soo jeeda Borlänge ahaana wasiirkii gaashaandhiga ee xukumadai socialdemokraterna. Degmooyinka Säffle iyo Åmål iyo nawaaxigooda ayaa saakay aroortii waxaa ka dhacay dhulgariir.
jue 6 oct 2022
3 : 11 min
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
323 bukaan oo u xanuunsan covid-19 ayaa lagu daweeyneyaa cisbitaallo ku yaala gobolka Istockholm, tiradas ayaa ah mid sii kordheysa. Qiimaha korontada ayaa aad hoos ugu sii dhacaya waddanka oo dhan. Doorashadii dalka ka dhacday ee sannadkaan 2022 ayay 3% hoos u dhacceen dadka codkooda dhiibtay, marka loo barbar dhigo middii ka horreeysay ee 2018, sida uu muujiyey tirakoobka hayadda SCB.
mié 5 oct 2022
3 : 15 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hayadda tamarta oo bilaabeeysa olole bulshada lagu dhiirigelineyo inay yareeyaan isticmaalka korontada. Wax soo saarka Iswiidhen ee sannadka 2023 oo uu Danke Bank saadaaliyey inuu hoos u dhici doono 1,4%, islamarkaana shaqa-la'aantu kor u kacdo oo ay gaarto 8,2%. Maalinta burka qorfaha leh ee lagu magacaabo "Kanelbulle.
mar 4 oct 2022
2 : 44 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Mid ka mid ah saddexdii nin ee sannadkii 1999 loo xukumey iney dil toogasho ah ugu geeysteen saraakiil boliis ah agagaarka degmada Malexander ayaa xabsiga laga soo daayey.Koxda kubbadda cagta hablaha ee Rosengord oo qaybta ka ah tartanka isreebka horyaallada – Champions League ayaa qorituurkii ku soo aadday kooxo aad u culus oo ay ka mid tahay Barcelona oo saddex ka mid ah afartii faynal ee ugu dambeeyey ee Yurub qaybta ka ahayd.Haween iyo carruur ku soo laabtay Iswiidhan ka dib markii ay xiriir la yeesheen IS, waxaa Örebro ku nool saddex carruur ah iyo laba qof oo waaweyn oo ka mid ah dadka ku soo laabtey Iswiidhen.
lun 3 oct 2022
5 : 14 min
Wararka maata ee Radiyaha I swiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhen ayaa mar kale furayasa u dhoofinta agabka ciidamada dalka Turkiga.Xisbiga Sverigedemokraterna oo markii hore aan haba yaraatee wax kuraas ah lahayn hoggaanka guddihoosaadyada baarlamaanka ayaa hadda helay guddoomiyeyaasha golayaasha sida guddihoosaadka cadaaladda iyo arrimaha dibadda, suuqa shaqada iyo guddihoosaadka suuqa ganacsiga.
vie 30 sept 2022
3 : 08 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Degmada Karlskoga ayaa noqotay mid ka mid ah degmooyinkii dalka ugu horreeyey ee ku casunta shaqaalaheeda mushaarkooda 100-kiiba boqol marka uu waalidku galo fasaxa ilmaha.Abaalmarinta Rights Livelihood ayaa sannadka waxaa ku guuleeystay (hantiyay) dad ka soo jeeda waddammada Soomaliiya, Yukrayn, Fenesuweela iyo YugaandhaGuusha kooxda hablaha iswiidhishka FC Rosengård ee kubbadda cagta oo qeyb ka ah horyaalka Champions League ayaa haatan diyaar u ah heerka group-yada ka dib markii ay 3-1 ku adkaadeen ciyaartii ugu danbeysay ee isreebreebka oo ay gurigooda kula ciyaareen kooxda Norway Brann fiidnimadii arbacadii shalay (celcelis ahaan 4-2 gool)
jue 29 sept 2022
4 : 26 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib dhacdadii ka dhacday tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaaladda Stockholm ee xagaagan, markii nin ku dhintay howlgal ay sameeyeen koox waaridyeyeaal ah /ilaaladii goobta.Hayadda saadaalinta hawada ayaa uga digeeysa nawaaxiga koonfur-bari ee dalka Iswiidhen roobab badan oo halis u ah iney daadad ka dhashaan. Bulshada reer Iswiidhen oo barkood wax ka bedeleen kharashaadka adeegyadooda.
mié 28 sept 2022
3 : 41 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Su’aallo lagu weydiiyey dhallinyaro gaarsiisan 32 469 oo isugu jira rag iyo haween oo ku dhaqan 2 ka mid ah waddammada EU oo Iswiidhenna ay ka mid tahay ayaa lagu ogaaday in dhallinyarada wiilashu ka cabsi qabaan xuquuq dheeri ah oo la siiyo haweenka. Halka ragga waaweyni middaa dooneyaan. Waddammada ugu badan ee fikirkaa qabey ayaa ah kuwa shaqa la’aanta dhallinyaradu ku badan tahay. Waa arrin lala yaabo,sida ay sheegtay cilmibaaraha Gefjon Off.Wafdi ka socda dalka Iswiidhen oo toddobaadka foodda innagu soo haya u ambabixi doona dalka Turkiga si uu ugala xaajoodo dalabkii dalka Iswiidhen ee xubinnimada gaashaanbuurta NATO.Xulka kubaadda cagta Iswiidhen oo caawa kulan adag la leh xulka qaranaka Slovenia.
mar 27 sept 2022
4 : 37 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlamanka Iswiidhen Andreas Norlén oo mar kale loo doortay inuu jagadaasi sii hayo afarta sannadood ee foodda innagu soo haysa. Ugu yaraan 15 qof oo deggenaa xaafadda Biskopsgården iyo toban kale oo ku dhaqnaa nawaaxiga Lundby iyo Backa ee xaafadda Hisingen ee magaalada Göteborg, ayaa horey ugu biirey ururka xagjirka ah ee Daacish ee ka dagaalama Suuriya. Iyo warar kale
lun 26 sept 2022
3 : 16 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warka Raadyaha Sweden Xildhibaannada baarlammaanka Sweden oo isniinta foodda innagu soo haysa dooran doona af-hayeenkii baarlammaan.Go'aankii xukuumadda ee ahaa in ay qaar ka mid ah wakhtiyada fasaxa iskuulka la dhigto ayaa waxaa ka hor yimid macallimiin badan.Sannadka foodda innagu soo haya ayaa caqabad ku noqon doona shirkado badan kolka si aad ah kor loogu qaado qiimaha kirooyinka.
vie 23 sept 2022
2 : 52 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Boliiska oo in kasta oo uu helay miisaaniyad dheeri ah haddana aan ka soo bixin sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa tiro ka badan waxa lagu magacaabo ”mängdbrott”Naag la sheegay in d’adeedu u dhaxayo 20 ilaa 25 jir, kuna nool degmada Ronneby ee gobalka Blekinge ayaa boolisku u xireen tuhun ah in ay cunug yar oo ay dhashay ay jir dishay.Mid ka mid ah saddexdii dumara oo swedish ah oo da’dooduna u dhaxayso 18 ilaa 21 jir ayaa sheegtay in sannaddkii la soo dhaafay ay soo wajaheen xadgudubyo la xiriira galmo,
jue 22 sept 2022
4 : 10 min
Wararka maanta ee Raadyaha Sweden
Xisbiga dhawaan la aasaasey ee "Nyans" oo ku guulaystay kursi golaha deegaanka ee degmada Landskrona. Dhakhtar ka hawlgalo gobolka Småland ayaa sheegay war xaqiiq ahayn oo ku saabsan in talaalka covid-19 uu kor u qaadi karo halista kansarka. Kubbad la ciyaaro iyadoo aan la ordin oo xiiso gelisay waayeel badan.
mié 21 sept 2022
3 : 24 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
Garabyada kirooyinka guryaha oo uu u socda wada-xaajoodkoodii ku saabsanaa qiimaha kor u qaadidda sannadka foodda innagu soo haya kirooyinka 1,5-ta malyan hooy ee kirada loogu jiro. Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wali sii wada dhaliisha Iswiidhan, isagoo Iswiidhan ku tilmaamay dal argagagixisada hoy u ah. Tirada dadka lacgta ka daymanaya Bangiga rahmadda ayaa kor u kacday inta u dhaxaysa 20% ilaa 30 % marka la barbar dhiga xilligaan oo kale sannadkii hore.
mar 20 sept 2022
3 : 14 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Afhayeenka baarlamanka oo maanta u xilsaaray Ulf Kristersson (M) inuu ka soo baaraandego dawlad aqlabiyad haysata inuu soo dhiso. Bulshada ku dhaqan gobolka Skåne oo hoos u dhigtay isticmaalka korontada. Nin siyaasi horey uga tirsanaan jiray xisbiga SD oo maxkamadda racfaanku ku xukuntay 16 sano xukun ay horay ugu riday maxkamadda degmada Nyköping kadib markuu nin xabbad madaxa kaga dhuftay maydkiina jarjaray.Xabbadda ayaa kam'a ahyd sida uu ninku qqirtay.
lun 19 sept 2022
3 : 00 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah 220 arday ee dhigata dugsiga dhexe ee "Nya Raketskolan" ee ku yaalla Kiruna ayaa loo oggolaaday inay guriga joogaan ka dib markii ururka macallimiinta ay codsadeen in la' joojiyo howlaha Iskoolkan, sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in caafimaadka shaqaaluhu khatar ku jiro. Wadahadallada u dhaxeeya "afarta xisbi ee raba in ay beddelaan xukuumadda xisbiga Socialdemokraterna ay hoggamiyaan ayaa wadda wadahadalladoodii "qaab wax dhisid ah, sida qorshuhu yahay", ayuu xoghayaha xisbiga Moderaterna Gunnar Strömmer u sheegay saxafiyiinta isugu yimid xarunta xisbiga ee Stockholm. Hay'adda qaan soo celinta Iswiidhen Kronofogden ayaa masaafo kaga qaadi kartaa dadka deymaha lagu leedahay iyada oo aan looga shakin dembi la taaban karo.
vie 16 sept 2022
3 : 24 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa qorsheeynaya inuu bilaabo in uu soo dhiso xukuumad cusub, taas oo ku taagan xisbiyada Moderaterna, Sverigedemokraterna, Krisdemokraterna iyo Libaraalerna. Ma jiri doonto aqlabiyad ay helaan maamulka garabka bidix ee gobolka Göteborg, sida ay sheegtay P4 Göteborg, hase yeeshee magaalada Istockholm ayaa laga yaabaa inay awoodda la wareegaan. Hoggaamiyaha xisbiga Centerka Annie Lööf ayaa is casishay, iyadoo shir jaraa'id oo ay maanta qabatay ku sheegtay go'aankeeda iscasilaadaas la xiriira.
jue 15 sept 2022
3 : 32 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sicirbararka ayaa kor u sii kacay iyadoona uu bishii agoosto gaaray heer sare oo taariikhi ah 9%, marka loo barbar dhigo bishii agoosto 2021, sida ay sheegtay hayadda saadaalinta ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB. Maxkamad degmo ayaa ku xukuntay nin 25 jir ah xabsi laba sannadood iyo bar ah, kadib markuu fal-dembiyeed kufsi ah u geeystay haweenay ey isku barteen baraha bulshadu ku kulanto ee la isku shukansado. Xisbiga Feministisk Initiativ (FI) ayaa guuldarro ka soo hoyay doorashadii sannadka 2022. Xisbiga ayaa codeeyntii barlamanka ku hantiyay 0,8% oo keliya, halka uu doorashadii 2018 oo uu hantiyay 2,3%.
mié 14 sept 2022
4 : 29 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xaafadda Hässlehlmen oo dhacda magaalda Borås ayey doorashada sannadka ka qayb qaateen labadii qofba mid, waana mid ka hooseeysa doorashadii middan ka horreeysay ee 2018-kii. In cunista hilibka lagu bedesho noocyo kalluunka iyo xayawaanka qolfaha ku jira ee badda laga helo ka mid ah ayaa dhimi kara culayska wasakhaynta hawada, isla markaana kaga wanaagsan caafimaadka, sid ku caddaatay natiijo ka soo baxday cilmi-baaris caalami ah. Deegaan doorasheedka, xaafadaha cidhifka galbeed ee magaaladda Stockholm oo uu ku jiro deegaanka Järva ayaa tiradda dadka codkooda dhiibtay waxay u muuqdaan kuwo hoos u dhac uu ku yimid doorashadii degmada ee sannadkan. Waana mid ka fajacisay bulshada nawaaxigaa ku dhaqan.
mar 13 sept 2022
3 : 06 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Codadka doorashada heer gobol ayaan la tirin weli, balse natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa in meelo badan ay ka dhaceen is beddello xagga awood qaybsiga ahSida laga soo xigtay xogta hordhaca ah,ee doorashadii shaley, dadka u soo baxay doorashada ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo doorashadii horeJimmie Åkesson ayaa maanta kula qadeeay xarunta baarlamaanka ee xisbiga Moderaterna, wadahadalo ayaa u bilowday xisbiyada doonaya in Ulf Kristersson uu noqdo ra'iisul wasaare.
lun 12 sept 2022
3 : 08 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Shanta makhribnimo ee maalinta axadda 11-ka septeember illaa iyo 01:00 habeenimada 12-ka septeembar waxay laanta idaacaddu idiin soo gudbin doontaa tirada codadka doorashada ee dalka. Maxkamadda racfaanka oo markii ugu horreeysay go'aan ka gaartay rabshadihii ciidul-fusxigii ka dhacay magaalada Örebro. Soomaalida oo tirada ugu badan ee ajaaniibtu ka codeeyeen doorashooyinkii golaha deegaannada iyo gobollada sannadkii 2018. 70,1% ragga, halka haweenka soomaalida reer Iswiidhen-na codeeyeen 78,0%.
vie 9 sept 2022
3 : 27 min
Wararka maanta ee Raadyaha Sweden
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka isutagga shirkadaha ka ganacsada cuntooyinka ayaa ayaa qaylo dhaan ka keenay qiimaha korontada oo cirka isku shareeray. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa raba in la sii dheereeyo wakhtiga ay soconayso lacagta sida ku meel gaarka ah loogu daray kabidda kirada guryaha (bostadasbidragstilläget) ee ay helaan qoysaska carruurta leh. Magdalena Andersson oo sharraxday waxay ula jeedday ereyadii Somali Town.
jue 8 sept 2022
2 : 31 min
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xulka hablaha kubbadda cagta Iswiidhen oo 5 iyo 0 kaga adkaaday xalay xulka dhiggooda ee dalka Finland. Saadaalinta taageerada codbixiyeyaasha oo lagu ogaadey iney labada garab-siyaasadeed ee dalku aad isugu dhow yihiin. Dhammaan siddeeda xisbi oo baarlamanka soo wada geli doona, sida ka muuqata. Ciidanka ammaanka ee degmada Kritianstad oo baadigoob ugu jira ciddii ka dambeeysey goobo dabab la qabadsiiyey beryahan dambe ugu dambeeyn fiidnimadii salaasadii xalay.
mié 7 sept 2022
2 : 42 min
Wararkii maanta ee Raadiyaha Sweden
Miino iswiidhish ah ee sannadkii 1931 la sameeyey oo laga helyiyada oo sabeeyneeysa biyaha jasiirrada Stockholm, middaasina oo la qarxiyey. Xulka hablaha Iswiidhen ee kubbadda cagta oo ay caaw is heli doonaan dhiggooda ee Finland.Tirada ddka horey u codeeyey oo kor u kacday 8% marka oo barbardhigo doorshadii midaan ka horreeysay haddaayoo kale.
mar 6 sept 2022
2 : 49 min
Wararka maanta iyo Radio Sweden
Maxaabiista xabsiga Kumla oo sannadka u codeeyey si ka duwan sannadihii hore. Xukuumadda iyo mucaaradka oo u qoondeeyneya miisaaniyad dhanka ciyaaraha oo la geliyo xaafadaha danyarta, hase yeeshee wax laga bedeli doono sidii hore. Xaafadaha Rinkeby Kista oo dadka codeeyneyaa afar daloolow mid yihiin kuwo markii ugu horreeyey codeeyn kara.
lun 5 sept 2022
2 : 41 min
Warark maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dadka hore u sii codeynaya ka hor inta aan la garin maanlinta doorashada 11 Sep ayaa kordhay sanadkaan marka la barbadhigo doorashadii tan ka horeysay 2018 Dadka hore u sii codeynaya ka hor inta aan la garin maanlinta doorashada 11 Sep ayaa kordhay sanadkaan marka la barbadhigo doorashadii tan ka horeysay 2018 kii.Qiimaha batroolka ayaa hoos u sii socda oo hadda wuxuu ka hooseeyaa 19 karoon markii ugu horeysay tan iyo bilowgii Febraayo ee sanadkan. Litirkii bensinka ah wuxuu ku kacayaa 18 krone iyo 98 öre ka dib markii laga dhimay 25 öre.Alaabada ay caruurtu ku ciyaarto ee mustacmalka ah ayaa waxaa ku jira walxo sun ah oo kiimiko ka sameeysan taas oo ay tahay in caruurtu tahay in ay si taxdar leh u isticmaalaan. Alaabada carruurtu ku ciyaarto ee aan cusbeeyn ayaa lagu talinayaa in aan dib loo isticmaalin.
vie 2 sept 2022
3 : 03 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sannadkii hore ayaa 11 carruur ah oo ay da'doodu u dhaxayso 10-14 jir ayaa is-dilay Iswiidhan, waana tiradii ugu badnayd muddo 20 sano ah. Hey'adda Caymiska Qaranka ayaa lacagaha ay dadka ku yeelato waqti gaaban gudihiis ay tahay in lagu bixiyoLaga bilaabo Sebtembar 1, sharciyo dhowr ah oo cusub oo loo yaqaan 'el-scooters' ayaa dhaqan galaya. Sharcigan waxaa uu mamnuucayaa baaskiillada korontada ku shaqeeya in lagu wado wadooyinka loogu tala galay in dadku ku socdaan
jue 1 sept 2022
3 : 43 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Warshadda tamarta nukliyeerka ee Ringhals 4 ayaan awoodi doonin inay bixiso wax koronto ah muddo saddex bilood ah, ka dib markii ay ciladoowday iyadoo hadda u baahan in la dayactiro.Laba ka mid ah shaqaalihii hore ee hoyga daryeelka caruurta (HVB-hemmet) Platea ee Hagfors ayaa hadda lagu soo oogay tuhun ah inay sababeen dhimashada ilmo shan jir ah, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay dacwad oogaha.Hoggaamiyaha Xisbiga Liberaalka Johan Pehrson ayaa shaaca ka qaaday in uusan dooneeyn in ay dhacdo dowlad ay qeybka yihiin xisbiyadda SD iyo Social Demokraterna doorashada ka dib
mié 31 ago 2022
2 : 57 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sideed maalmod gudahooda ayaa lagu wax yeeleeyey 50 ka mid ah kameradaha xawaaraha gawarida lagu kontoroola ee gobolka Stockholm, isla markaana laga la baxay qalabka gudaha uga jiray. Xukuumadda Iraan ayaan waxba ka qabin in Sweden ay maxaabiis is waydraasadaan, sidaas waxaa sheegay safiirka Iraan u fadhiya Sweden. Iyo warar kale
mar 30 ago 2022
2 : 34 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wasiirka Arimaha dibadda ee Yukreyn , Dmytro Kuleba oo booqasho ku yimd dalka Iswiidhen lana kulmay Ra'iisul Wasaaraha Iswiidhen Magdalena Andersson.Kobaca dhaqaalaha Iswiidhen ayaa kor u kacay, kaas oo xaqiijiyey korar gaaraya 0.9 boqolkiiba rubuci labaad ee sanadkan marka loo eego rubucii hore. Xisaabinta degdegga ah ee la daabacay horaantii xagaagan, kobaca ayaa ahaa 1.4 boqolkiiba iyo warar kale.
lun 29 ago 2022
3 : 40 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxaa mar kale caadi noqotay in siyaasiyiintu ay albbaabada garaacaan inta lagu jiro ololaha doorashada. Toogashadii 47-aad ee sannadka oo geeri horseedda ayaa makhribnimadii khamiistii xalay ka dhacday faras-magaalada xaafadda Haninge.Shirkadda diyaaradaha ee SAS ayaa khasaartay 1.9 biyan oo koron intii u dhexeeysay May illaa Julay.
vie 26 ago 2022
2 : 40 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shakhsigii 46-aad ayaa inta sannadkan lagu jirey toogasho xalay lagu dilay magaalada Helsingborg. Waa tiro ka badan intii qof ee toogashada lagu diley guud ahaan sannadkii tagay 2021-kii. Tiro ka badan intii hore ayaa heli doona tallaalka cudurka uu keeno fayruska "fin-daayeerka", sida ay boggeeda internet-ka ku qortay hayadda caafimaadka bulshadu. Iyo xisbiga Moderaterna oo soo jeediyay ballaan qaad doorasho inuu dhimi doo tirada soo galootiga.
jue 25 ago 2022
3 : 58 min
Wararkii Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 15 jirka ahaa ee toogashadda ka geeyestey xarun laga dukaameysto ee ku tiilay magaaladda Malmö, ayay hooyadii dhowr jeer qeylo-dhaan gaarsiisay hay'addaha adeega bulshada iyo ciidanka booliiska si la mid ah, sidii ay sameysay hooyada wiilkii 17-jirka ahaa ee toogashada ku dilay askarigii booliiska magaalada Göteborg bishii luulyo 2021 Qiyaas gaarsiisan 50 boqolkiiba falalka toogashooyinka ee ka dhaca deegaan-dambiyeedka gaangiska ayuu xukun ku dhacaa marka maxkamadda la hor geeyo, sida ay ku soo warrantay laanta Uppdrag granskning ee idaacadda SVT oo baaris ku sameeysay 900 oo dacwadood oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey iyo iskuul laga xiray kushinkii cuntada loogu karin jirey oo noqotay goob jiir ku noole ah.
mié 24 ago 2022
3 : 11 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka ganacsiga Iswiidhen oo ka digey in sicirbararka heerkiisu sareyo uu sii socon kari doono muddo dheer dayrta iyo sannadka soo socda 2023. Garoonka Landvetter ayaa yeeshay daahiddii duulimaadyada ee ugu badnaa marka loo barbardhigo dhammaan garoommada ugu waaweyn.Waxaa Hadda kordhaya tiradda guryaha iibka ah, marka loo eego tirokoobyada cusub ee Ekot ay aragtay.
mar 23 ago 2022
3 : 28 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ballanqaaday in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha gaangiska ah iyo inuu doonayo in tusaale ahaan loo fududeeyo in baabuur qaali ah lagala wareegi karo kooxahaa. Iswiidhen ayaa billadda maarta ku qaadatay horyaalka adduunka ee dhallinyarada xeegada barafka ee adduunka ka dib markii ay 3-1 kaga badisay kooxda Czech Republic. Telefonnada gacanta (Mobilka ) ayaa laga mamnuucay isticmaalkiisa aradada Iskuulladda dalka Iswiidhen.
lun 22 ago 2022
3 : 25 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka Transparency International Iswiidhen la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa dalbanaya in dib u eegis lagu sameeyo sharciga warbixinta lacagaha xisbiyada loogu deeqo. Maxkamadda degmada ee Attunda ayaa laba nin ku xukuntay maanta dacwad la xiriirtay iney rabeen 168 malyan oo koron iney dalka dibadda uga saaraan, nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen, laguna qabtay garoonka dayuurradah ee Arlanda. Hayadda saadaalinta hawada oo ka digeeysa roobab xooggan iyo dabeylo.
vie 19 ago 2022
2 : 48 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhen oo u soo baxday ciyaarta semi-finalka ee tartanka adduunka xeegada barafka ee dhallinyarada. Tiro ka yar oo ilmo ah ayaa ku dhashay Iswiidhen. Halka lixdii bilood ee sannadka ugu horreeyey ey dhasheen dhallaan tiradoodu gaarsiisan tahay 54 560. Laga bilaabo khamiista maanta ayay iswiidhishka dalka dibaddiisa ku dhaqan codadkooda ka dhiiban karaan safaarradaha iyo qunsuliyadaha uu dalkani ku leeyahey dibadda,
jue 18 ago 2022
3 : 22 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shabakadda wararka ee Radiyaha Iswiidhen oo laga xayiray internet-ka dalka Ruushka. Nawaaxiga Järva ayaanay ka dhicin toogasho sababtay dil wixii ka dambeeyay bishii jannaayo ee sannadkan. Magaaladda Malmö iyo guud ahaan dalka oo shaqo la'aantu aad u sareyso, taas oo qeyb ka noqoneysa agendayaasha doodda ee ololaha.
mié 17 ago 2022
3 : 08 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Haweeney soddomeeyo jir ah oo lagu toogtay gaari taraam ah gudaha Majorna ee magaalada Göteborg. Madaxa xukuumadda Iswiidhen ayaa Magdalena Andersson (S) ayaa soo dhoweeysay taageerada ay ka heshay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf. nink qirtay inuu galay falargagixisnimo.
mar 16 ago 2022
3 : 33 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidanka booliiska ee magaalada Stockholm ayaa gacanta ku dhigey nin looga shakisanyahay in uu riday rasaas lala beegsaday roondo ciidanka booliska ka tirsan mar ay xalay ku sugnaayeen xaafada Rinkby ee dhacda woqooyi galbeed ee Stockholm. Hoowlihii uu ciidanka ammaanku ku ilaalinayay ololihiisii doorashada ee siyaasiga xagjirka ee daanishka-iswiidhishka Rasmus Paludan iyo rabshadihii goobahaasi ka dhacay ayay ciidanka ammaanka kaga baxday miisaaniyad gaarsiisan 43,5 malyan oo koron iyo warar kale
lun 15 ago 2022
3 : 22 min
Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Musharaxiin dhowr ah oo ka tirsan xisbiga Nyans, xisabigaasina oo iska bixiya sawir inuu u doodayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahahy iyo ka hortagga cunsuriyadda, ayaa faafiyay nacayb ka dhan ah Muslimiinta Shiicada iyo Yuhuuda, sida ey qoreen wargeysyada HD/Sydsvenskan, iyo hay'adda qaan ururinta Iswiidhen(Kronofongden ) ayaa wixii ka dambeeyay kowdii bisha Agoosto sannadkaan awood u haysata in ay qaan lawareegto ogaan iyada oo ka kaashaneysa ciidanka Booliiska.
vie 12 ago 2022
3 : 43 min
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Iswiidhen ayaa nin 35 jir ah u gacan gelinaysa xukuumadda Turkiga, sida ay dowladdu u xaqiijisay laanta idaacada Ekot. Qiimaha korontada oo aad u sarreeysa ayuu xisbiga Vänsterpartiet uu hadda soo jeediyay fikir cusub oo la micno ah in sidii qiimaha hoos loogu dhigi lahaa dalka gudihiisa, halka korontada la dhoofiyo ay tahay in lagu sii iibiyo qiimaha suuqa, iyo wakhtigii sugitaanka baarsaboorrada cusub oo la fileyo inuu caadiyan ku soo noqdo bilaha oktoobar - noveembar.
jue 11 ago 2022
3 : 42 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy ayaa war uu jeediyay ku dalbanaday in muwaadiniinta Ruushka laga joojiyo u safridda wadammada reer Galbeedka iyo Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 2.6 ayaa ka dhacay habeennimadii xalay, magaalada Kramfors ee waqooyiga magaalada Lungvik ee dalka Iswiidhen iyo warar kale.
mié 10 ago 2022
2 : 52 min
Wararkii maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen
Treemmada ka socdaala Gävle oo shan maalmood xirnaan doona dayactir daraatiid. Welwelka laga qaado marka shaqada dib loogu noqoneyo fasaxa kuleeylaha dabadii iyo yeey xoolo leysey.
lun 8 ago 2022
2 : 13 min
Maanta iyo wararkii radio Sweden
Tobbankii qofba mid ee dalbaday baasaboor cusub ayaa ka baaqsada ballantii loo qabtay. Dabeeyllo iyo roobab ku dhiftay Waqooyi-galbeed ee Götaland iyo Svealand oo sababay in tareemmadii isaga gooshi jirey Göteborg iyo Istockholm hakado. Eedeysanihii loo heeystay dilkii Ing-Marie Wieselgren oo lagu dilay Visby oo la sheegay in uu qabo xanuun maskaxeed halis ah.
vie 5 ago 2022
3 : 05 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Dawladda oo malaayiin canshuur ah ka hesha sicir bararka haatan socda. Tan iyo sanadii 2015-kii markii gudniinka gabdhaha lagu sifeeyey dembi adag lana soo saaray qodob sharci mamnuucaya, ayaa booliska gobolka Stockholm ey soo gaareen 50 kiis oo looga shakisan yahay gudniinka. Hay'adda Saadasha cimiladda ee SMHI oo soo saartay digniin la xirriira dabeeyllo roobab wata oo ku soo Götaland iyo Svea.
jue 4 ago 2022
2 : 27 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Xisbigga Liberalerna oo taageero ku helay hindisaha ah in hayadda kormeerka Iskuullada la siiyo awood ay ku joojin karto faa'iido qaybsiga dugsiyada madaxbannaan ee aan howlahooda si sax ah u maareyn. Heerka dulsaarka oo sara u kac ku yimid oo saameyn ku yeeshay CSN-ta iyo qoddobo kale.
mié 3 ago 2022
3 : 43 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Tirada dadka Norway ee u safra Iswiidhan si ay uga soo dukaameystaan oo hoos u ku yimid. Xarrumaha daryeelka ee Stockholm oo saaran caddaasi xoogan oo la xirriira Covid 19. Markii ugu horeysay muddo shan bilood ah, oo litirkii bansiinka ah ka hoos maray 20 kr.
mar 2 ago 2022
3 : 03 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Dilalka toogashada oo kordhay xilli boolis dheeraad ah oo gobolada laga keenay ka howl galayaan xaafadaha Stockholm. Xafladii kooxaha isku jinsiga ah oo maanta bilaabatay, iyo badhigga Järva filmfestival oo Stockholm ka bilaabaneeysa.
lun 1 ago 2022
2 : 58 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Boqolaal shaqo oo cusub ayaa ka bannaan hoteellada iyo maqaayadaha Göteborg, xilli boqolaal qof Göteborg ay ka raadsanayaan shaqo maqaayadaha iyo hoteellada. Dawladda oo doonaysaa in la yareeyeo xadka da'da lagu beddelka jinsiga ee diwaanka dadweynaha. 85 qof oo qaaday fin daanyeerka oo Iswiidhan laga helay Iswiidhen.
vie 29 jul 2022
3 : 19 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Koboca dhaqaalaha Swiidhan oo intii hore ka soo yara hagaagaya. Baaskilada korntada ee Sparkcykel oo laga mamnuucayo jidadka iyo wadooyinka lagu socdo. Wiilkii 18 jirka ahaa ee loo heeystay dilkii labbo macalin oo wax ka dhigi jiray dugsiga Malmö Latin oo la sii gabo gabeeyey.
jue 28 jul 2022
3 : 03 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Cabbir lagu sameeyey biyaha bulaacadaha ee magaalada Göteborg oo muujiyay heer sarreeya oo caabuqa Corona ah. Wasiirka difaaca Iswiidhen oo sheegay inaanu waxba ka qabin in la soo rogo canshuur lagu maalgeliyo adkeeynta dhismaha difaaca. Guul darraddii xalay qabsatay gabdhaha kubbaada cagta Iswiidhan oo fal celin abuurtay.
mié 27 jul 2022
3 : 06 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Maxkamada Malmö oo ay ka socoto dhageysiga dacwadda wiil 18 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dilkii labo macallin oo lagu dilay dugsiga sare ee Malmö Latin. Tallaalkii ugu horreeyey ee fin-daanyeerka ayaa la geeyey gobolka Dalarna. Siyaasiyad iyo qoraaga caanka Marit Paulsen oo geeriyootay,
mar 26 jul 2022
3 : 03 min
Maanta iyo wararka Radio Sweden
Muwaadiniinta dibada ku dhaqan oo muddo laba bilood kadib lumin doona gunnada dammaanadda howlgabka ee (garantipension). 2 sanno ka dib oo dalxiiska galbeedka Iswiidhan soo iftiimayo. Hakad ku yimid tareenadda shirkadda MTR.
lun 25 jul 2022
3 : 10 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Maxkamadda Linköping oo xukun xabsi ah ku riday saddex nin oo lagu soo oogey dembiyo. Xulka kubada cagta gabdhaha Iswiidhan oo caawa Beljim wajahaya. Iyo nin dhalinyaro ah oo Malmö lagu dilay.
vie 22 jul 2022
2 : 41 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Shaqaalaha degmadda Skellefteå oo hannjabaado iyo weeraro loo geeysto kadib fal dambi oo halkaasika dhacay labo usbuuc ka hor. Gabdhaha Iswiidhan iyo Beljim oo berito wada ciyaaraya. Ciidanka ammaanka oo dadka ku dhaqan waqooyiga Iswiidhen uga digaya lacag waraaqeed shan boqol oo been abuur ah.
jue 21 jul 2022
2 : 35 min
Maanta iyo wararkii radio Sweden
Kuleyl xun oo Sweden ku soo fool leh iyo waayeelada oo nugul. Tirada kiisaska Covid 19 oo kor u kacay gobolka Stockholm. Iyo nin meydkiisa laga helay degmada Botkyrka ee Stockholm.
mié 20 jul 2022
2 : 51 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Nin 44 jir ah oo loo heystay dilkii Malin Lindström ayaa lagu xukumay 5-sano oo xarig ah. Rakaab kala duwan oo dhaweeyey in la soo af jaray xiisadii u dhaxeeysay SAS iyo duuliyeyaasha diyaaradaha. Siyaasiga garabka midig ee Rasmus Paludan oo ka baaqday goobihii quraanka ku gubi lahaa xaafadaha Göteborg.
mar 19 jul 2022
2 : 59 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
1da Ogoosto oo ay meesha ka baxayaan sharcigii ahaa in la ganaaxo dadka iibsada galmada laguna badali doono xabsi. Xiisadda SAS oo weli ay socdaan wada xaajood u dhaxeeya shirkadaasi iyo Ururka duuliyeyaasha. Qaylo-dhaanta SOS oo cilad weyn ku dhacday habeenimaddi xalay.
lun 18 jul 2022
3 : 25 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Sverigedemokraterna ka hadlay warbixinta laga qoray buugga loogu magac daray "Buugga cad" ee ka hadlaya sooyaalka buddhistayaasha xisbigga. Cilmi baarayaal helay cilada keenta in raggu wadno xanuun u dhintaan. Nin Malmö degan oo la xukumay, kadib markii galmo dhanka internetka ugu geeystay caruur ka soo kala jeedda dalal kala duwan.
vie 15 jul 2022
3 : 05 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Xarrunta baasabooradda ee Malmö oo ay yaallaantobaneeyo kun oo baasaboor kuwaas oo dadkii lahaa aysan soo doonan. Gabdhaha kubada cagta Sweden oo xalay ku badiyey 2:1. Xubnaha Nato oo hadda ku baratamaya sideey u ansixin lahaayeen xubinnimadda Iswiidhen iyo Finland ee Nato.
Berrito oo ay dib u furmayaan wada xaajoodkii u dhaxeeyay shirkadda diyaaradaha SAS iyo ururka duuliyayaasha. Qareeno yaal hore oo la baxay Boqorka iyo Amiirka ayaa maxkamadda degmada Södertörn ku xukumay lix sanno iyo afar sanno oo xarig ah. Siyaasi hore uga tirsanaan jiray xisbiga Sverigedemokraterna oo degan Nyköping oo 16 sanno lagu xukumay.
mar 12 jul 2022
3 : 00 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Baayac mushtaro badan ayaa la kulma dhibaateyn loo geeysto sida lagu sheegay tiro koobkii ugu dambeeyey ee la soo saaray. Shaqa joojintii duuliyeyaasha shirkadda SAS oo weli halkeedii ka sii socda taas oo maalintii uga kaceeysa 150 milyan oo kr, sida uu sheegay agaasimmaha guud ee shirkadda SAS. Illaa 380,000 oo ardayda Sweden ayaa la filayaa iney helaan jawaabta gelitaanka jaamacadaha iyo kulliyadaha ka hor intaan la gaarin sannad dugsiyeedka dayrta., balse ay heeysato guryo yari.
lun 11 jul 2022
3 : 25 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Ninkii lagu heystay dilkii Ing- Marie Wieselgren oo lagu dilay Visby, oo rummaanka lagu sii hayn doono. Waxaa aad u soo badanaya xiisaha ay dadku u qabaan in ay tareenka dheereeya ku dhacaan ay deetana Yurubta kale u socdaalaan iyo nin 33 jir ah oo lagu xukumey xabsi 7.5 sanno oo xarig ah ka dib markii uu kufsi daran u geeystay waayello lagu hayo guryaha dhmirbeelka oo ku yaalla galbeedka Sweden.
vie 8 jul 2022
3 : 41 min
Maanta iyo wararka radio Sweden
Booliska ayaa weli ku howlan baaritaanka la xirriira weerarkii mindida ee shalay ka dhacay Visby. Dhaqaalaha Iswiidhan oo kor u kacay markale 4.5 boqolkiiba. Iyo tiradda ardayda dugsiyadda sare ee lagala noqday deeqda waxbarasho ee Studiebidrag-ga oo kordhay markay iskuulka u jarjaraan.
jue 7 jul 2022
3 : 29 min
Wararka maanta iyo Radio Iswiidhen
Xildhbaanno ka tirsan xisbigga Vänsterpartiet oo ka qeyb qaadanayey toddobaadka Almadalen ayaa doortay in ay surtaan calanka ururuka PKK. Koobka Kubadda Cagta Haweenka ee Yurub oo bilaabanaya caawa. Iyo Muwaadin Iswiidhish ah oo saxaafadda Ruushku sheegtay in lagu qabtay Mariopol. Ninkan iswiidhishka ayaan la shaacin magaciisa mana jirto wax xaqiijin ah oo ka soo baxay maamulka oo ninkan ku saabsan.
mié 6 jul 2022
2 : 37 min
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Horyaallada kubadda cagta haweenka ee qaramada Yurub ayaa bilaabanaya Arbacada, Kooxda mataleysa Iswiidhen ayaa ciyaarteeda ugu horreysa la ciyaari doonta Netherlands 9-ka Luulyo oo ku aaddan maalinta sabtida.Ra'isul wasaaraha Iswiidhen Magdalena Andersson ayaa maanta booqasho qarsoodi ah ugu safartay dalka Ukraine, waxayna booqatay magaalooyinka Butja iyo Borodyanka, oo labaduba ay dagaalladu si xun u saameeyeen. Iyo warar kale.
mar 5 jul 2022
3 : 20 min
Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxa soo if-baxay warka sheegaya in shaqo joojinta duuliyayaasha ee SAS ay bilaabantay maanta ka dib markii shirkadda SAS iyo ururrada duuliyayaasha ay heshiis gaari waayeen.Qiimaha Batroolka iyo Naaftada labadaba ayaa sare u kacay oo la kordhiyey maanta oo Isniin ah.Xisibga Moderaterna ayaa doonaya in la joojiyo canshuur kordhinta Iswiidhan mustaqbalka soo socda.
lun 4 jul 2022
2 : 50 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Laga bilaabo Jimcaha maanta ee 1-da luulyo, waxaa mar kale la soo celiyay dhaqaalaha ardeydu uga qaadan karaan hayadda CSN dayn iyo deeqbaFaafida covid-19 ayaa hadda ku soo badanaysa dalka oo dhan, sidaas darteed gobolka Värmland waxa uu soo bandhigayaa talooyin cusub oo ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka. iyo warar kale
vie 1 jul 2022
3 : 21 min
Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta oo arbaco ah ayaa Saddex nin oo dhalinyaro ah lagu soo oogay tuhun ah inay si weyn u waxyeeleeyeen hawlgallada ciidanka booliiska ka dib rabshadihii Easter-ka ka dhacay Linköping. Baaritaano horudhac ah oo kale ayaa socda. iyo Xukunka maxkamadda degmada ee ka dhanka ah dhakhtarka qalliinka Paolo Macchiarini ayaa racfaan laga qaadanayaa.
mié 29 jun 2022
4 : 20 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sida ay muujineyso cilmi-baaris laga sameeyey Iswiidhen iyo Norway ayaa muujineysa siinta caruurta yar subagga lawska, ukunta iyo caanaha oo yaraysneyso khatarta ah inay xasaasiyad u ye yeeshaan noloshooda dambe.iyo Fiidnimadda caawa oo salaasa ah, saacadu marka ay tahay, 18.30 ayaa xulka qaranka gabdhaha Iswiidheni ay la kulmidoonaan dhiggooda xulka Brazil, kulan addag ka hore tartanka horyaalka kubbadda cagta ee Yurub.
mar 28 jun 2022
2 : 58 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Maanta ayuu xukunkii ugu horreeyay la riday ka dib rabshadihii ka dhacay Sveaparken oo ka tirsan degmada Örebro, halkaas oo 71 boolis ah lagu dhaawacay. Iyo Salaasada berito ah ayey kulmi doonaan madaxa dawladda Iswiidhen Magdalena Andersson, iyo madaxweyneyaasha waddammada Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Finland Sauli Niinistö, sidii ey uga wada xaajoon lahaayeen codsiga ey waddammada Iswiidhen iyo Finland ku dooneyaan sidii ey ugu biiri lahaayeen ururka gaashaanbuurta NATO iyo warar kale
lun 27 jun 2022
4 : 17 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhan waxay ku socotaa xaalad hoos u dhac dhaqaale, sida uu sheegay machadka cilmi-baarista is bedbedelka dhaqaale.Hoose u dhacan ayaa loo sababeeye inuu asal ahaan ugu wacanytahay masiibadii caabuqa Covidka iyo qiimaha tamarta, raashinka iyo dhaamaan badeecooyinka dadku isticmaalaan oo si baahsan sare u kacay. iyo Labo nin ayaa si xun loo dhaawacay oo mid ka mid ah ay naftiisa halis ku jirto, kadib markii ay subaxnimadii maanta lagu weerar toorey ( shay af badan) goob ku dhaw Garaash ku yaalla magaalada Västerås.
mar 21 jun 2022
3 : 10 min
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
Warkii oo kooban Sweden iyo Finland ayaa maanta oo isniin ah kula kulmi doona xarunta gaashaanbuurta Nato wafdi ka socda dalka Turkiga si ay uga wadahadlaan diidmada Turkiga ee dalalkaasi ey ku doonayaan ku biiritaanka gaashaanbuurta NATO. 98 dhakhaatiir ah oo shahaadooyinkooda ka soo qaatay waddan ka baxsan Middowga Yurub iyo waddamada lagu magacaabo aagga dhaqaalaha Yurub (EU/EES) ayaa lagu ansixiyay imtixaanka aqoonta qoraalka ee sannadkan - waana saamigii ugu badnaa ee ku guuleeysta imtixaan noocan ah. Cunnada ciidda bartammaha kuleylaha oo sannadka ugu qaalisan.
lun 20 jun 2022
3 : 32 min
Usamos cookies para garantizarle un servicio ilimitado. Al utilizar el sitio, acepta el uso de cookies.